SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MUQDISHO
Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye.

Waxaa Qoray A.  Elmi | adelmi@hotmail.com | Muqdisho | Dec 14, 2002

Marka hore iga guddooma salaan diiran, salaan ka dib; walaalayaal waad arkaysaan meesha uu maanta marayo dalkii Soomaaliyeed, dhibaato fara badan ayaa jirta, waxaa baaba’ay oo dhulka la sinmay qaranimadii iyo haybaddii Soomaaliyeed, waxaanna u qaybsannay in qaxday oo qurbaha ku qaribantay, dhinaca diinta iyo dhaqankaba ka liita, in dalkii wali joogta oo iyaguna la ildaran macaluul, cudurro, waxbarasho la’aan iyo ammaan darro, in kale way naga dhimatay, geeridu waa xaq laakiin dhimasho aan munaasib ahayn, waxay hoog u tahay kan wax dilay ee aan qeexi karin sababta uu u dilay walaalkii, wax walba dalkii waa ka dhaceen dhibaato kala daranna waa la soo maray, waa la kala qaxay , nin walba gobolkii ama tuuladii uu asal ahaan ku dhashay ayuu aaday si uu reer tolkii bartanka uga galo, goboladii dalka in badan oo ka mida maanta nabad ayaa ka jirta, dib u dhis ayaa ka socda, maamullo lagu nabad galo ayaa la yagleelay, waxaana la oran karaa goboladii dalka Soomaaliya intoodii badnayd waxay ku naaloonayaan nabad ka horumarsan midda ka jirta caasimaddii dalka oo loo tirinayo inay tahay meel maanta Hawiye ku soo haray.

Hoos Akhri

alkarama

Walaalayaal, siyaasiyiinta, Oday Dhaqameedyada, Aqqoonyahanada, Haweenka iyo dhalinyarada Hawiyoow, waxaan idinka codsanyaa inaad hoos u eegtaan halka maanta aad ku sugan tihiin, inaad is xisaabisaan, inaad is waansataan, inaad is wacdisaan, inaad is canaanataan, inaad ducaysataan waa lagama maarmaan. Waxaa hubaal ah in qabiilka Hawiye oo ah qabiil aad u balaaran uu gacanta ku dhigi karo inta yar ee fara ku tiriska ah ee magac xumada iyo sumcad darada u soo jiidday qabiilka Hawiye, dhibaato joogta ahna ku haya dadka Hawiye naf ahaantooda iyo qabiilada kale ee la nool.

Walaalayaal maanta ummaddii Soomaaliyeed ee kale iyo adduunyadiiba waxay soo eegaysaa dhinaciina waa Muqdisho e, waxaa la is waydiinayaa goorma ayay Xamar nabad noqon, goorma ayaa Xamar la isugu imaan doonaa, goorma ayaa Xamar, qashinka dhooban laga nadiifin doonaa..? goorma ayaa Xamar dekeddii iyo garoonkii diyaaradaha loo furi doonaa….Goorma…..goorma…goorma iyo waqatigee..?. 12 sano wax ka badan oo silic lagu sii jiro waxay u muuqataa halla Bas beelo yaysan cidina soo harin… taasina talo maaha caqlina maaha.

Walaalayaal, bal u fiirsada marka laga soo tago Soomaalida inteeda kale idinka Hawiye ahaan, bal fiirya caruurtiinii cudurada haya, shubanka, nafaqo darada, TB-da iyo cudurada kale ee ka dhashay qashinka dhooban hareerihiina, bal u fiirsada wax barasho la’aanta haysata caruurtiina, bal u fiirsada, dhalinyaradiina ku naafowday dagaalada, bal u fiirsada shirqoolka iyo dilka aad isku haysaan, bal u fiirsada dhacca iyo xabadaha maalin walba lagu furayo goobaha dadku u badan yihiin sida suuqyada, qoys walba oo Xamar ku nool maanta ugu yaraan labo ama sadex xubnood oo qoyskiisa ka mid ah ayaa ku waxyeeloobay xabado la iska riday ama cid kale loo waday.. bal u fiirsada….bal u fiirsada u fiirsada….oo is furdaamiya.

Walaalayaal Hawiyoow, Muqdisho waa magaalo wayn waxaa ku nool ilaa 2,000,000 oo ruux sida qiyaastu tahay, intaas oo dad ah oo sama wadayaal ka buuxaan waxaa dhibaato ku haya oo kaliya ilaa 4 ama 5 hoggaamiye kooxeed oo malayshiyada ka amar qaadataana aysan ka badnaan karin isku darkooda ugu badnaan 1000 nin, hadaba inta kale ee soo hartay miyaysan gacmaha qaban karin raggan 12-ka sano iyo ka badan dhibaatada ku haya dadka Hawiye.
MUQDISHO OO NABAD AH Eeg Sawiro Bilicsan oo Muqdisho

Waalaalayaal haddii dawlad la waayo, waxaa lagama maarmaan ah in aad gobolka Benaadir maamul dhab ah u samaysaan, Muqdisho oo nabad waarta laga helo, magaca Ilaahay ayaan ku dhaartaye waxay noqon doontaa Janadii Adduunka, wabiga, badda, xoolaha iyo dhulbeereedka ku meegaarsan Muqdisho ayaa ka dhigaya magaalo aad u macaan oo lagu noolaan karo. Haddii xaafadaha Muqdisho ay xaafad walba kaligeed is xilqaanto sidii ammaanka loo sugi lahaa waxaan qabaa in nabaddu ka soo rayn doonto.

Hadda waxaa ka soo yeeray hogaamiye kooxedyadii Hawiye hadal wanaagsan Allow Run Ka Dhig.! Waxay yiraahdeen waxaanu furaynaa dekedda iyo gegida diyaaradaha, sidaa haddii ay yeelaan waa Ilaahay mahaddii, waxaana loo baahan yahay in Culumaa’udiinka Hawiye, Aqqoonyahanada, hoggaamiyayaasha dhaqanka, dumarka, siyaasiyiinta iyo dhalinyaraduba ay kacaan oo kulamo yeeshaan ka dibna ay ka shaqeeyaan, ama ay soo diyaariyaan sidii loo wadaagi lahaa maamulka gobolka Benaadir illaa iyo inta laga helayo dawlad Qaran. Waxay aniga Ila tahay in xoogga la saaro arimahan:

1- In marka hore la sameeyo gole lagu magacaabo GOLAHA BADBAADINTA HAWIYE, golahani waxa ku wada jira dhamaan qaybaha bulshada Hawiye oo dhan. Waxa uuna ka shaqaynayaa daminta colaadahga dhexyaala beelaha Hawiye iyo waliba maamul u samaynta magaalada Muqdisho.

2- In Muqdisho shir loogu qabto hoggaamiyaayaasha siyaasadda Hawiye.

3- In golaha badbaadinta Hawiye ay soo diyaariyaan sidii hoggaamiyayaasha Hawiye iyo beelaha kale ee ku hoos nool ay u wadaagi lahaayeen, maamulka iyo manaafacaadka Muqdisho, ka dibna loogu sii gudbo beelaha kale ee Soomaaliyed.

4- Si loo sugo ammaanka Muqdisho, waxaa habboon in shirkadaha Ahliga ah sida: kuwa isgaarswiinta, Internet-ka, Iskuulada, cisbitaalada , carwooyinka, makhaayadaha dukaamada iyo goob allaale goobtii faa’iido samaynaysa ay bixiyaan khidmad yar oo la siinayo ciidamada sugaya ammaanka.

5- Furitaanka dekedda iyo Gegida diyaaradaha ka dib; waxaa halkaas ka soo xeroonaya dakhli aad u balaaran, iyadana waa in loo sameeyo nidaam, waxaan qabaa in sadex qaybood loo qaybiyo dakhligaas marka laga saaro qarashyada ku baxaya dekedda iyo Garoonka:

a) Qaybta 1-aad ee dakhligaas waxay ku xeroonaysaa qasnaddda gobolka Benaadir waxaana lagu qabanayaa hawlaha adeega bulshada sida in la dayactiro waddooyinka, iskuulada, nadaafadda, iyo wax allaale oo looga baahan yahay Muqdisho.

b) Qaybta 2-aad Waxaa mushahaar ahaan loo siinayaa hoggaamiye kooxedyada.

c) Qaybta 3-aad waxaa loo shubayaa maamulada degmooyinka Muqdisho, oo iyaguna ku qabsanaya hawlaha daruuriga ah ee loo baahdo.

I  I  D  H  E  H

Qodobadaas iyo kuwo kale oo la hirgaliyo ayay aniga ila tahay in wax looga qaban karo xaaladda murugsan ee magaalada Muqdisho.

Hawiyaan La Haasawayaa Hadal Ku Maanshayne

Ha hanuuneen baan Is Leeyahay haatan dabadeede

Bal In ay Heshiin Karahayaan La Hubsan doonaaye

………………………………..

Allow Hanuunka adaa baxshee Reer Tolkay Nabad ku Soo Hoori

Aamiiiiiiiiiiiiiiiiin.

Waxaa Qoray A.  Elmi | adelmi@hotmail.com 

Waxaa qoraalkaan lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho

Dec 14,  2002

 

Afeef: aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


WARARKA KALE EE DECEMBER -GUJI

 SEPTEMBER AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD