SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - DOHA
 XUSNUL KHAATIMAH

(Geeridu xaqweeyaan goor ay noqotaba)

Marka haddii ay geeridu tahey lagama maarmaan waxaad kudadaashaa bal inaay kuugu timaado adigoo kujira arimahaan soo socdo waayo waa rajo iyo saadaal fiican.

Allah ha’inawaafajiyo Fursadahaas(jaanisyadaas). Waxaana kamid ah arimahaan soo socda:

Hoos Akhri

   
1.Inuu qofku kudhawaaqo Shahaadada (Kalimadu Towxiid) marka uu dhimanayo. Waxaana kusoo aroorey arintaas Xadiith.(Abu Daa’wood, Xadiithka Mucaad)

2.Inuu dhinto isagoo Shahiid ah (kudagaalamaya jidka Allah) oo doonaya inuu Kitaabka Allah sare uqaado.Waxa kusoo aroorey Aayaad iyo Axaadiis farabadan.(Qur’aan.3.169-171)

3.Inuu dhinto qofku isagoo usocda duulaan Allah dartiis ah ama uu dhinto isagoo Xarman(Xaj ama Cumra) . Waxaa kusoo aroorey Axaadiis (Muslim: 1207 iyo Musnad Axmed)

4.In camalkiisa ugu danbeeya uu noqdo Daacada Allah.Sida isaga oo soo tukadey Salad oo ay nafta kabaxda iwm. Axaadiith(Musnad Axmed).

5.Inuu kudhinta isaga oo difaacaya shanta arimood ee ay Shareecada amartey in ladhowro. Kuwaas oo kala ah; Diinta, Nafta, maalka, Nasabka iyo Caqliga.(Abu Daawuud iyo Tarmadi, Xadiithka Saciid Ibnu Zayd)

6. Inaay geerada kutimaado isaga oo kusamraayo kuna ajir –xisaabsanaaya cudarada caloosha midkood sida Daacuunka,. Axaadiith(Bukhaari iyo Axmed)

7.Inaay gabadhu kudhimata foosha(fool-raac). Xadiith. (Axmed 4/201 iyo 5/323)

8.Qofka oo kudhinta biyo,dab ama gabi ama meel kusoo duntey. Xadith. (Tirmidi 1063 iyo Muslim iyo Axmed)

9.Isaga oo dhinta maalin ama habeyn Jumca ah. Xadith.(Ahmed 2/176,Tirmidi 1080 walow uusan sanadkiisa xariirsaneyn)

11.Dhidid farabadan(Caraq) oo kayimaado marka uu dhimanaya. Xadith (Tirmidi 982 iyo Nisaai 4/6)

Walaalyaal waan uun soo turjumey ee ma’aanan soo xaqiijin sidaas darteed wixii aan kuqaldamo karaali ahaada.

Salaamulahi alaykum

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com 

Dec 11, 2002 

<><><>   <><><>  <><><>

XIGMADA TODDOBAADKA

WD. Al-Hassani | abuzuhri1@hotmail.com 

 Jawaab kooban oo layaableh.

Qoraaga caanka ah ee la’oranjirey Jureyj ayaa maalin loogu yeerey meel xaflad ah. Dadkii meesha isugu yimid ayaa bilaabey inaay lakaftamaan. Waxaa sidoo kale halkaas joogtey oo arin gooni ah wadatey gabaryar oo aad uqurux badan oo horey ulasocotey sheekada ninkaas caqliga badan. Waxaay damacdey inaay dareensiiso sheekha caqligiisa faraha badan iyo inaay ladhacsantahey . Waxaay usoo jeedisey inaay is guursadaan si’ay udhalaan ciyaal leh caqligiisa iyo quruxdeeda.

Sheekhii ayaa ugu jawaabey: “Waxaan kabaqayaa inaay noqoto bil caksi,inuu iga raaco xaga quruxda oo adigana kaa raaco xaga caqliga”

********************************

Mushrik(gaal) ayaa weydiyey qof muslim ah sababta Allah isugu tilmaamey inuuyahey KHEYRU-RAASIQIIN!( inta wax irsaaqda kan ugu fiican).

Muslimkii ayaa ugu jawaabey: “Waayo adiga iyo kuwa kula mid ah ayaa kugaaloobay(making associates) markaas ayuu wali idin quudinayaa oo idinkama jarin biilka. Markaaasi miyuusan aheyn KHEYRU-ARRASIQIIN?”

*********************************

Labo nooc oo dadka kamid ah ayaa lagu tilmaamikaraa inaay caaqiliinyihiin:

1.. Qofka Allah yaqaan(Culamada)
2.. Iyo kuwa raadinaaya inaay bartaan (dalabatul cilmi)

**********************************

Xasan Al- Basri ayaa yiri: “Ragu (iyo dumarku) waa sedex nooc oo kali ah marka laysku soo koobo. 

  • Qof sida cuntada loogu baahanyahey 24 saacadood.
  • Qof sida daawada loogu baahanyahey mar mar (waayo daawada looma baahno markasta)
  • Iyo qof sida cudurka oo kale ah oo waligiis aan loo baahneyn.

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com 

Dec 11, 2002

<><><>

AL-HASSANI: Makutaameysaa inaad wadamada carabta timaadid?

Sida Looga Ciiday Doha
Sida looga ciido dalkaan(Qatar) ayaa gabi ahaan kaduwan ciidaha kugu soo marijirey Africa, gaar ahaan.... GUJI.. 5/12


I  I  D  H  E  H

 TAARIIKHDII SAXAABIGII: USAAMA BINU ZEYD

"Waa Xil Saaran Amnesty International inay booqato oo
u hadasho Afarta Soomaalida ee kujira xabsiga Mombasa Kenya", sidaas waxaa yiri Maxamuud Wardheere oo warqad u diray... Guji....

MINNESOTA, USA: Maxkamadii Siciid M. Guuleed oo Dib Loo Dhigay Ilaa Khamiista soo socota: Faahfaahinta kala soco Somalitalk....

JWXO oo Hablayada Ciida u Direya Shucuubta Islaamka
Wararkii Radio Xoriyo ee maanta Guji....

Soomaalida Minnesota, USA iyo Maalmaha Ciidul Fidriga
Shalay oo ciid ahayd iyo maanta oo Jimce ah waxay Soomaalida labada magaalo ee St.Paul/Minneapolis u ahayd maalmo farxad gaar ah u leh, warbixin arintaas ku saabsan  Ka.Akhri.Halkan

Maanta oo Muslimiinta India Ciideen
ayaa waxaa ku beegan maalin Islaamka u ah maalin murugo, waa December 6 oo ah maalintii  la burburiyey Masjidkii.... GUJI 

 /11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD