Cindy affar toddobaad kahore ayeey timid
mareykanka, gaar ahaan magaalada New Oreleans ee gobolka Louisiana, halkaas
oo eey kaga qeyb galaysay shir looga hadlayey dhibaatooyinka hor yaalla
qoxootiga geeska africa, halkaas oo eey iyana ku soo bandhigtay qoraalkii
iyo warbixintii eey ka soo diyaarisay dhibanayaashaas soomaaliyeed oo ka
laalaada meel u dhexeysa waddankoodii hooyo iyo midka eey jeclaan lahaayeen
ineey caga dhigaan ee Galbeedka.
ka sokow xiriirka xagga E-mail-ka ah ee
naga dhexeeyey in mudddo ahba, haddana markii eey timid Louisiana ayeey ii
suura gashay inaan bal khadka Teleefonkana kula sheekeysto oo aan bal wax
badan ka ogaado gunta & gabagabada eey ka leedahay dadaalka noocan ah.
Cindy lama dhihi karo dano dhaqaale ayeey
ka leedahay buuggan eey hadda ka qoreyso soomaalida, maxaa yeelay hadiiba
eey sidaas jirto, maba eeysan soo bandhigteen dhowr Tuduc oo buugeeda ka
tirsan ka hor intaan buugaba la soo daabicin.
Arrinta aniga shaqsiyan aan la yaabay
wexeey tahay markii eey Cindy ii sheegtay ineeysan jirin cid ama hey'ad ku
taageerta dadaalkeedan beni'aadanimo ee rigliga ah, dhowr mar ayeey booqatay
xeryaha qoxootiga ee ku yaal waddanka Kenya, wexeeyna su'aalo soo weydiisay
boqolaal qoxooti ah oo dhibaatooyin kala duwan la ildaran.
Cindy wexeey qaar kamid ah dowladaha
galbeedka fahamsiisay nidaamka xawaaladda soomaalida, oo wixii ka danbeeyey
Sept 11 lagu shabbadeeyey ineey argagixiso yihiin, wexeey buugeeda &
maqaalo eey meelo kala duwan ku qortayba ku sharaxday in nidaamka xawilaadu
yahay dhiifoonaan dheeraad ah oo eey qoxootiga soomaalida ee galbeedka ku
nool la yimaadeen oo eey ku taageerayaan kuwa eey jecel yihiin ee wali
qaaradda madow ku nool.
Cindy sidoo kale wexeey sawir wanaagsan ka
bixisay taageerada eey soomaalida isku taageeraan ee ku saabsan soo
dhoofinta eheladooda, xitaa hadii arrinku ku khasbo ineey si " sharci
darro ah dadkooga ku dhoofiyaan" wexeeyna ogaatay in " Buufisku"
yahay cudur dilaa ah oo ku dhaca dareenka soomaalida ku dhaqan xeryaha
qoxootiga ee Kenya iyo magaalooyinka kale ee Kenya ee sida ba'an u doonaya
ineey mar uun soo caga dhigaan Galbeedka, wexeey si taffatiran u sharaxday
in qofka uu ku dhoco cudurka "Buufiska" la yiraahdo - oo ah mid
magiciisii asalka ahaa laga weeciyey- uu si aan kala sooc laheyn u doonayo
inuu mar uun tago galbeedka, isagoon kala jecleyn halka uu u socdo, taas oo
aalaaba keenta inuu qofku si isbiimeyn ah dhoof u raadiyo, walow uu xitaa
badda korkeeda dhowr habeen ku jiree !
waxaan la halmaami karin sida eey u qaadaa
dhigtay nidaamka lacag uruurinta soomaalida ee cajaa'ibka leh ee loo yaqaan
" Ayuutada" ama " shaloongada" oo ah nidaam eey asal
ahaan isticmaali jireen hooyooyinkii soomaaliyeed oo woxoogaa gunno ah ka
goyn jiray Biilka nolol maalmeedkooda loo siiyo, si eey ugu biirsadaan dhowr
kale uu dumar ah oo bishiiba mar qof gacan la siiyo, wexeey sheegtay in
nadaamkani uu illaa iyo imminka ka jiro xeryaha qoxootiga iyo waliba
soomaalida u soo hijrootay galbeedka oo iyagu si aan kala sooc laheynba rag
iyo dumar-ba Ayuuto u sameysta si eey woxoogaa lacag ah u ururiyaan ! waxaa
la yaab leh in nidaamkani uu u dhigmo kan imminka eey Bunuugta caalamiga ah
isticmaalaan ee loo yaqaan (Credit Card) ka oo eey isaga mid yihiin dhanka
deyminta lacag aadan leheyn oo isticmaali kartid, laakin aad gadaal -ama
horey- ka bixin doontid, waa hadba sidii heshiiskaagu yahaye, laakiin
xusuusnow nidaamkan" Ayuutada " ama " Shaloongadu" ma
lahan wax Ribo ah, kumana dhisna heerka (Credit) kaaga ama (taariiqdaada
lacageed ) yahaye, wuxuu si toos ah ugu qotomaa is-aqoon, darisnimo,
qaraabanimo, saaxiibtinimo, waasto IWM, wax ID ama aqoonsi ahna lagaagama
baahna.
halkan laguma soo koobi karo Cilmiga dhex
yaal buugaas, ha yeeshee wuxuu si qoto dheer u taabanayaa dhinacyo badan oo
dhaqanka soomaaliyeed uu kaga wanaagsan yahay dhaqamo badan oo jira.
Cindy wexeey weli ku hanwayn tahay ineey
qorsheyaal intaan kabadan soomaalida ku caawiso, haddii eey suura gal
tahayna magaalooyinka eey soomaalidu ku badan yihiin ee London, Minneapolis,
Toronto IWM ayeey ka qaban qaabin doontaa dhaqaale uruurin wax loogu
qabanayo qaxootiga soomaaliyeed ee xeryaha qoxootiga ku dhibaateysan.
dhamaanteen aan u mahad celinno Cindy Horst
dadaalkeeda beni-aadanimo.
C/raxman Ceynte
St.Paul, MN
Ceyntejourmalist@attbi.com
Dec 18, 2002
<><><>
Rabshaddo
Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden
Shan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, hal
qofna cisbitaalka kaddib markii iska hor imaad ka dhacay goob ay ka
socotey xaflad loogu magac daray "Miss Somalia" ....GUJI
Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye Warqadan
oo lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho ayaa si toos ah ula hadleysa dhammaan
beelaha.... GUJI 14/12
Dhawaaq caalami ah iyo Ururka Darwiish Party
Waxaan mar kale ku celinaynaa Maamulka W/galbeed
ee Riyaale Hogaanka ka yahay in aanay ku talo xumoobin degaanka.. GUJI
14/12
Baaq ay soo saartey Jaaliyada Absame ee
Sweden
Baaqaan oo SomaliTalk uu soo gaarsiiyey Suldaan Mohamed Suldaan Siraaji
ayaa waxa uu kusaabsanyahay Laascaanood GUJI...
14/12
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
AFEEF: Aragtida qoraalka
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|