SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MINNESOTA
Akhbaarta tacliinta, ubadka Soomaaliyeed, iyo Iskuulada Minnesota.

wardheereWQ. Maxamuud Wardheere | mwardere@oakwood.com

 

»» Lebiska asturan ee ay gabdhaha ardada muslimiinta qaataan oo loo bogay oo lagana yaabo mustaqbalka inuu faashin noqdo.

»» Sidee isu bedelayaan dugsiyada sare ee Minneapolis ?

»» Ardada St. Paul heesta dalka (Pledge of Allegiance) inay qaadaan ma lagu qasbaa mise maya?

»» Saadaasha daqliga Minnesota oo ka sii xumaaday intii la filayay $4.56 billion


Wararkaan
Hoos Akhri

   

Saadaasha daqliga Minnesota oo ka sii xumaaday intii la filayay $4.56 billion

Intee in la eg ayuu saamayn ku yeelan doonaa noloshaada gaar ahaan iskuulada.

Sida la wada ogsoonyahay sanadkii na soo dhaafay Iskuulada Minneapolis waxaa soo gaaray dhibaato lacag la’aan taas oo keentay in la dhimo tirada macalimiinta iyo basaska iyo adeegyo kale oo la xiriira waxbarashada. Sanadka danbe waxaa la filyaa in ay ka sii darto waayo daqliga ayaa sii yaraaday. Haddaba waalidiinta ardada Soomaaliyeed iyo dhamaan hogaamiyeyaasha bulshada waxaa laga doonayaa inay u diyaar garoobaan wixii soo kordho sida canshuur cusub ( 25 iskuul oo ku yaal labada magaalo ee mataanaha ah goor hore ayay bilaabeen afti in lacag loo kordhiyo ka dalbadeen dadwaynaha) iyo adeegyo kale oo la jaro—Iskuulada adeeg ma jaraan ayagoon la tashan dadwaynaha dadkana isku dan ma aha oo waxaa la kala yahay sidii nin awr ku guura iyo nin dameer ku guura- ninkii aamuso danahiisa asagaa ka seexday.

Ardada St. Paul heesta dalka (Pledge of Allegiance) inay qaadaan ma lagu qasbaa mise maya?

Dad ay qaaday caadifadda wadaninimada ayaa ka codsaday maamulka iskuulada St. Paul in ardada lagu soo rogo inay qaadaan heesta wadanka ayagoo aaminsan in ardada wadaninimada la baro. Arrintan waxay ka mid tahay dadaal ay wadaan qaar ka mid ah muwaadiniinta maraykanka taas oo ka dhalatay musiibadii September11.

Sanadkan horaantiisii mudanayaal ka tirsan baaralamaanka Minnesota ayaa damcay in arrintaas laga dhigo mid sharci ah State Minnesota hase yeshee waxaa arrintaas diiday oo ganka ku dhuftay Governor Jesse Ventura oo yiri wadaninimada la iskuma qasbo. Sidoo kale maamulka iskuulada St. Paul ayaa diiday in qasab laga dhigo waxayse yiraahdeen qofkii rabo iyo iskuulkii rabo hala tashado waalidiinta oo ha fuliyo ayadoo loo qaabaynayo heesta qaab waxbarasho.

Sidee isu bedelayaan dugsiyada sare ee Minneapolis ?

Maamulka dugsiyada sare ee Minneapolis waxa ay shaaca ka qaadeen in sanadka soo socoda isbedel wayn lagu samayn doono iskuulada sare ee Minneapolis oo laga bilaabi doono waxa la yiraahdo Small Learning Communities oo ah ardada oo fursad u heli doona inay waxyaabo gooni gooni ah ku taqasusaan kaaxo kooxona wax isula bartaan. Dadka hawshan soo bandhigay waxay leeyihiin waa hab la hubo inay ardada ku najaxayso.

Waalidkase waxaa laga rabaa inuu barto isbedeladan si uu u caawiyo ardada gaar ahaan kuwa fasalka sideedaad ah. Bishan December ayaa ugu danbaysa iskuul xulashada iyo takhasus xulashada dhowaan waa la xirayaa doorashadan. Waalidka waxaa laga rabaa inuu ogaado iskuul walba waxa loogu talagalay inuu ardada baro iyo inuu gaadiid leeyahay kaasoo ardada soo qaado. Iskuul walba waxaa awood loo siiyay inay baraan ardada wax ayaga u gooni ah. Ardadana waxaa laga rabaa inay foom buuxiyaan oo weliba qaarkood galaan imtixaam qiimayn ah. Arday fasalka sideedaad ah waa inuu garan karaa waxa uu ku taqasusayo ama waalidka ama dad kale la tashadaa..

Lebiska asturan ee ay gabdhaha ardada muslimiinta qaataan oo loo bogay oo lagana yaabo mustaqbalka inuu faashin noqdo.

Bilicda dharka lebiska asturan oo lagu bartay gabdhaha Soomaalida Minnesota ayaa laga yaabaa in uu mustaqbalka noqdo faashin ama qarniga 21aad moodo la jecel yahay sidaas waxaa tiri Jane Pese oo ah qoraa laga yaqaan labada magaalo ee mataanaha ah hore u ahaan jirtay safiir Maraykan oo ka soo shaqaysay dalal muslim ah.

Jane waxay tiri markaan isu fiiriyay sida labada dhallaan ay u labistaan waa kuwa caloosha qaawiya iyo kuwa muslimiinta oo ay tiri waxay xirtaan dhar qurux iyo tayoba isku darsaday wax isu dhow ma ahan. Waxaa hadda maraykan moodo ka ah inay gabdhaha dhigta dugsiyada sare caloosha baneeyaan suun waynna xirtaan waana wax cusub waayo jane waxay tiri markaan yaraa labiskena sidaan ma ahayn. Jane waxay saadaalisay in la arki doono Minneapolis gabdho aan muslim ahayn oo wata lebiska noocan ah. Hadda wiilkii bartaa gabar Soomaali ah wuxuu ku dhow yahay inuu ku faano!

Jane oo hadalkeedii sii wadata waxay tiri midabada quruxsan keliya ma ahan waxa keenay inuu lebiskan soo jiidasho yeesho ee waaa dadka bani’aadamka ayaa jecel wixii qarsoon waxaa la yiraahdaa bay tiri mystery .

Mahamoud Wardere

mwardere@oakwood.com 

Dec 11, 2002 


I  I  D  H  E  H

 TAARIIKHDII SAXAABIGII: USAAMA BINU ZEYD

"Waa Xil Saaran Amnesty International inay booqato oo
u hadasho Afarta Soomaalida ee kujira xabsiga Mombasa Kenya", sidaas waxaa yiri Maxamuud Wardheere oo warqad u diray... Guji....

MINNESOTA, USA: Maxkamadii Siciid M. Guuleed oo Dib Loo Dhigay Ilaa Khamiista soo socota: Faahfaahinta kala soco Somalitalk....

JWXO oo Hablayada Ciida u Direya Shucuubta Islaamka
Wararkii Radio Xoriyo ee maanta Guji....

Soomaalida Minnesota, USA iyo Maalmaha Ciidul Fidriga
Shalay oo ciid ahayd iyo maanta oo Jimce ah waxay Soomaalida labada magaalo ee St.Paul/Minneapolis u ahayd maalmo farxad gaar ah u leh, warbixin arintaas ku saabsan  Ka.Akhri.Halkan

Maanta oo Muslimiinta India Ciideen
ayaa waxaa ku beegan maalin Islaamka u ah maalin murugo, waa December 6 oo ah maalintii  la burburiyey Masjidkii.... GUJI

"Cali Khaliif Galaydh ayaa faafiyey in Aabahay Xiriir La Lahaa Usaama,....
Al-Itixaad iyo Al-Islaax-na  waxay xiriir la leeyihiin  Alqacida" Sidaas waxaa yiri Xuseen Caydiid oo waraysi dheer oo SomaliTalk la yeesheen kaga hadlay arimo dhinacyo badan taabanaya. waraysigii oo dhan.. GUJI.. [Fahad Yaasiin]

 /11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD