SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - WARAR
WARAYSI WASIIRUDAWLAHA CADAALADDA IYO DIINTA DKMG:
Wq. XAGARYARE | SOMALITALK.COM | GERMANY | December 1, 2002

"waxanan qabaa in dhulka (Somalia) dibloogu celiyo qaabkii guumaysigu u xariiqay" wasiirka

WQ. XagarYare
Iyadoo shabakadda somalitalk maalmahanba ukuur galaysay habsami u socodka shirka ee magaalada ELDORET kenya, iyadoo uu waliba ubucda shirka noo dhex abraaro madaalaha somalitalk wariyahayaga qaaliga nagu ah IBRAAHIN MAXAMED DEEQ, ayaa waxaa noo suura gashay inaan waraysi layeelanno wasiiru dawlaha arimaha diinta iyo cadaaladda xukuumada kumeelgaarka ah ee soomaaliya, Dr CABDI FATAAX IBRAAHIM RASHIID: waraysigii oo dhan   Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
 
Dr. Cabdifataax Ibraahim Rashiid.
SOMALITALK= muddo labasano iyo bar ayaad haatan jirsateen waxaanad markii laydin dhisay ku balan qaaden inaad wax lataaban karo deg-deg ku keenaysaan, illaa haatana waxba idinkama soo naasaccadda, maxaa kiin is hortaagay.

WASIIRKA= mahadsanid XAGAR ,anaka waxaa iyadoo soomaali qabaa,iladeedu u dhanyihiin nalaku soo doortay CARTA waxaana naloo soodiray xamar si,aannu balanqaad yadayadii u oo finno,hayeeshee nasiib xumo waxaa jalaafo noodhigay rag ka soo qaybgalay shirka carta,ujeedadooduse ay ahayd inaan hadii ay qabiilka ay ka dhasheen ugu yaraan 70% saamiga wax qaybsiga u heliwaayaan aan waxba kala socon oo ay doorbideen in danahoodu qaska ku jiro.

SOMALITALK=cabdiqaasim oo markii uu carta xamar ka soo aaday silayaableh loogu soodhoweeyay dadbadanna ay rajo badan ka qabeen gude iyo dibadba inuu xal la iman doono .ayaa waxaa loo arkay haatan inuu bilaabay uun qaybiyoo xukun isagoo laleeyahay xataa awoodiisii ayuu ku takrifalay oo kaligii taliye ciddu doonana magacaabanaya ciduu doonana ka takhalusaya ayuunbuu noqday maaxaa kajira?

WASIIRKA=hadii shaqo rag loo diro ay boqnaha gooyaan oo ay ka seexdaan,ama ay awoodi waayaan inay fuliyaan madaxwaynaha ayay qasab ku tahay inuu u tafaxayto oo uu hawsha baylahda ka dhowro.

SOMALITALK=waxaa cabdiqaasim sigaara loogu doorbiday in loo doorto inuu reerkiisa nabad kakeeno,nasiib xumase dad ayaa waxay leeyihiin iyaka dhexdoodii ayaa doorashadiisii kadib boqol u qaybsamay xamarra inay degto uga dhaartay.maxaad kaga jawaabaysa?

WASIIRKA CABDIFATAAX= UMMADDA soomaaliyeed 10 sano ayay is qalanaysay hadaba way adkaatay in si ku sooboodda ah looyiraa sidaas yeela iyakuna sifudud ay u aqbalaan,

waxaan filayaa markaad leedahay reerkiisa inaad ula jeedo HAWIYE, xaqiiqda markaan kuu sheego jaalle xagaroow dhibaatada meesha taala ee ugu wayni waa reerka HAWIYE layiraahdo oo maanta xamar joog iyo jiif u diiday nabaddana hortaagan,wax kalena ma ahee ganacsi ayay ku jiraan, dawlad la,aan ayay arkeen iyo lacago badan oo aan canshuur la qaadaynin,waxay istuseen inay arimo badan oo aanan garankarin ay waayayaan hadii dawlad awoodlihi meesha timaado.taasina mid uu kaligii madaxwaynuhu xalin karo maaha ee waa mid soomaali oo dhan hortaala inay qawlaysatadan wax ka qabtaan.

SOMALITALK= dawladaha safka hore qaarkood ayaa farta lagu fiiqayaa inay caqabad hortaagan iyana yihiin nabadaynta soomaaliya. idinka dareen caynkaas ahi ma idinku jiraa?

"C/Qaasim wuxuu ku fiicnaan lahaa inuu Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo xilli ay Dawlad horay u jirtay ee ma’ahan Ninkii hadda" Fahad yaasiin

WASIIRKA= dawladda ethiopia soomaaliya faragalinta ay ku hayso mid lacadadikaro maaha waxaase u sahlay dad maangaab ah oo wadaninimada soomaaliyeed iib ka tahay diinna aan haysanin, ethiopia ujeedadeedu waa cadyahay waxaana weeye inaanay soomaaliya qiimihii iyo xoogii militry ee ay lahayd xiligii maxamed siyaad bare dib ugu noqonin balse ay noqoto xukuumado yar yar oo iyada hoos yimaadda,waxaana taas u sahlaaya rag addis-abeba CANJEERADA iyo CARAQIDA lagu siiyo,kumana aysan dhacdeen hadii aanu wadanigeenu taas kayeelaynin.

SOMALITALK= Dhowrjeer ayaa waxaa soobaxbaxaayay warar sheegaya in wadamada safka hore ee urur goboleedka IGAD sida jabouti, ethioipia,iyo kenya ay arinta soomaaliya iskaga horyimaadeen,iyaddo ay mar nasoo gaartay in jabouti iyo ethiopia ay kuba kala boodeen shirar ay isku soo horfariisteen,maxaaa kajira arimahaas?

WASIIRKA= sadexdan dal ee laleeyahay FRONTLINE mid walba soomaaliya dano isaga u gaara ayuu kaleeyahay,xag ganacsi siyaasad iwm;MIDWALBANA WAXAY UGUNTANAYSAA INAY TEEDA KA FUSHATO AMA DAN HANOO AHAATO AMA DAN DAREE,ethiopiase teedu way xag jirtaa.jabouti waxaan mahad ahaynse umahaynno iyo iyadoo uguntatay horumar iyo heshiis lagaaro.

I  I  D  H  E  H

SOMALITALK= YAA-SACAADATA WASIIR cabdi fataax, waxaad tahay nin mutacalima waaya aragnima dheeraadana lagu xanto hadaba shirkan maanta xalkiisa sideed u aragtaa?fikrado aad leedahay soomaaliya xalbay ku gaari oo cusub ma haysaa.illeen laysku daalye

WASIIRKA CABDIFATAAX= anigu dhowr siyood ayaan xaaladda kaligay u rogrogay waxaanay iigula muuqatay xalku dhowr qodob oo aan rabo inaan halkan kaaga sheego.

1-dhulka soomaliya ee looyaqaan SOMALI REPUBLIC wuxuu u qaybsanyahay labo oo waa south iyo north taasoo aan ulajeedo qaabkuu guumaysigu u xukumijiray.talyaanigii iyo ingiriis wuxuu qolowalba si gaara ugu ogaa dhul u gaara isna uu u ansixiyay ama u sharciyeeyay;NASIIB DARO SHARCIYAYNTAASI uu sameeyay maanta waxay ka jirtaa oo kaliya dhanka woqooyi ,balse koonfur way isku dhexyaacday,18 gobol ee uu maxamed siyaad bare sameeyay ayaana masuul ka ah in xaal isku dhex yaco .waayo?OO GOBOLO DADKALE LAHAA AYAA QAAR KALE LOO GOOYAY.taasna waxaan u arkaa inay qayb katahay cuqdaddan maanta soomaali qaarkeed soo kala dhexgashay,

waxanan qabaa in dhulka dibloogu celiyo qaabkii guumaysigu u xariiqay.

2-in laga ilboxo in inta nin hargaysa ka yimaado ama gobolo kale yiraahdo xamaraan iska soo sharaxaayaa.oo nin walba gobolkiisii kalsoonida kalayimaado.

3-in laysku dhaarsado in aan reernna samaysan karin urur hubaysan oo siyaasadeed reerkii isku dayana lasameeyo sharci si kulul u qabanaaya

SOMALITALK= Wadamada reergalbeedka arimaha soomaaliya intii aad dhowaan dalka jarmalka maraysay ma kala hadashay?

Waraysiyadii Ibraahim Maxameddeeq
Waraysigii C/risaq Kh. Ashkir

Waraysigii Gen. Moorgan

Waraysigii Col. Barre Hiiraale

Waraysigii S. Aadan Madoobe

Waraysigii Cali Fiqi 

WASIIRKA= haa wasiiro badan iyo masuuliyiin heeer gobol iyo mid qaranba iskugujira ayaan bal waydiiyay waxa ay ka damacsanyihiin soomaaliya,laaakiin arinta iga yaabisay waxay ahayd ,in masuulkasta oo jarmala uu hal su,al iwaydiiyo oo ah"war dawlada ethiopia waxay idin leedahay waxaa tihiin ururo islaamiya sida alqaaciida .alitixaad iyo fendementalist hadaad tihiin dawlada kumeelgaarka ah "waxaana ku iri war itoobiya ilaa mililik ayay soo waday sheekadan ah waxaannunahay dawlad yar oo kiristaana oo dhanwalba sida suudaan, jabouti iyo soomaaliya oo muslimiina ayaa nagu xeersan ee yaan nala iloobin, taasna waan ka qanciyay reer yurub.

SOMALITALK= MUDANE cabdifataax shirka haatan ka soconaaya kenya waxaad moodaa in laysgarab ordaayo oo midba midka kale doonaayo inuu eedda soomaaliya u xanbaariyo isagoo isu muujinaaya inuu isagu yahay xalka soomaaliya,taasoo dawlad ahaan aad idinka laftiinnu moodid dhankiinna inaad ka xayd xaydantihii. makuu muuqda xal mid laga gaaraayo,mase kuu muuqataa in ay halkaas ka soobaxayso dawlad idin dhaanta?

WASIIRKA= horta sida kooxaha SRRC iyo kooxaha kale iyo dhamaan intii anaga naga soohorjeeda hadii ay layimaadaan qorshe cusub oo kaayaga ka wanaagsan oo dan u ah ummadda soomaaliyeed,waxaan kuu cadaynayaa in dhamaantayo aannu diyaar u nahay inan shuruud la,aan ugu wareejinayno,

Laakiin way adagtahay sidii loola xaajoon la,haa ayaan qabaa rag isgarab ordaaya oo mid waliba dhankiisa xukun raadis u ah oo iyagoo halgarab ama koox isku tilmaamaaya hadana aysan aragtidooda siyaasadeed midaysnayn isku dhanna wax u wadin. 

 

Waxaa waraysiga isku soo dubaridey XagarYare  | xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany | Dec 2, 2002

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

<><><>

Yemen & Itoobiya oo kashaynaya Nabada
Soomaaliya: waa sida ay ku tibaaxeen war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen, kaddib kulan ay yeesheen...  GUJI.. 27/11

 Faaladii Xagar Yare ee Toddobaadka:
C/qaasim laftiisu miyaanu kamid ahayn dadka colaada wax ka qaboojin-tiisa looga fadhiyo, sidaas waxaa iswaydiinaya
GUJI

"Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim"
Faallo dheer oo Fahad Yaasiin ka qoray booqashadii uu dhowaan kutegey Muqdisho GUJI... 

/11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD