Soomaali haddaan nahay waxaan caan ku nahay
inaan kadaba digrinno kaligii taliyayaal xoog ku heysta dhulalka eey u
dhasheen iyo kuwa eeysan-ba u dhalan, Maamulka Somaliland ka jira- siduu
doono ha sheegtee- waa midka kaliya ee si xor ah loo soo doortay ee imminka
ka jira dhamaan soomaaliya, isbeddelkii madaxtinimo ee sida nabadda leh ku
dhacay markii Mr Cigaal geeriyooday horaantii sanadkan ayaa ah mid eey
amaaneen hey'ado caalami ah oo Q/M eey ugu horeeyso, xitaa waddamada african
kale ah ayeey filan waa ku noqotay, madaxweyne dhalasho ahaan ka soo jeeda
beel laga tiro badan yahay ayaa imminka si dimoqoraadi ah talada Somaliland
u hayya, wuxuuna diyaar u yahay inuu tartan siyaasadeed la galo ururo kale
oo siyaasadeed oo iyana intooda badan watta musharixiin ka soo jeeda beelo
awood dhudhun qodan leh, maamulka soomaliland waa midka kaliya ee maanta ku
guuleystay inuu xasilooni iyo dowladnimo ka adag gobolka uu ka seedcaleeyo
ku soo rogay, isla markaana dadka soomaliland dibad iyo guda-ba meesha eey
joogaanba intooda badan weey la dhacsan yihiin maamulka ka jira aagooda,
markii aan Cuqaasha reer soomaliland oo imminka soomaaliya ka soo laabtay
kula sheekeystay todobaadkan Minneapolis-na wexeey ii sheegeen ineey diyaar
u yihiin ineey waddankooga hooyo ee soomaaliya mar uun ku soo laabtaan, (dib
ugu biiraan) laakiin bishardi waa in la helaa cid & dhul loo soo laaban
karo leyskuna aamini karo, oo eeysan sheekadu noqon tii dhacday dowladii
Millatariga aheyd ee M S Barre oo kale.
Mr Cigaal naftirkiisa ayaa intii uu noolaa
taas si dadban dhowr goor uga dhawaajiyey, maskaxda fayoobina wexeey kuu
sheegeysaa in sheegashada soomaali-land ee eey dowladda sheeganeysaayi eey
tahay mid madaxa Carada eey uga ilaashanayaan inta dowlad loo dhan yahay oo
dadka Somaliland u hoyata isla markaana u ballan qaada inaan markale
caasimadda soomaaliya looga soo duuli doonin eey ka aslaaxeyso.
hadii aan u soo laabto Puntland oo ah meel
uu imminka ka seedcaleeyo askari xoog kaga baxsaday askari kale oo si
dimoqoraadi ah dadkiisu usoo doorteen ayaa u muuqata mid reer Puntland
eeysan ka dhiidhin, wexeeyna aniga shaqsiyan ila tahay inta eey ka jirto
soomaaliya oo dhan ku fiirsasho noocan ah inuu dhibka & qaxarku sii huri
doono, waa in gobolkastaayi uu ogaadaa in qofka eey si dimoqoraadi ah u soo
doortaan uu yahay midka kaliya ee si nabad galyo ah wax ku hoggaamin kara,
taas iyadoo eey jirto ayeey Puntland imminka qarka u saaran tahay dagaal eey
la galaan walaalahood Somaliland, oo ah " ninka kaliya ee halka il
ka dhex leh, boqortooyada wada indha la'aanta ah " ee soomaaliya.
Nasiib xumo labada dhanba ragii aan islahaa
iyagaa ugu roon ayaan ku arkay iyagoo Website-yada soomaalida isugu
dhaardhaaranayo, mararka qaarna xitaa tayada/tirada ciidamada &
cududooda webpage lagu soo bandhigayo, waa yaabe maxaa loola jeedaa taas ?
wexeey ila tahay in arrinka Laasacaanood
wada hadal lagu dhameeyo, laakiin reer laasacaanood eey ogaadaan in labada
duul ee isku heysataayi eey kala yihiin mid si xor ah dadkiisu usoo doorteen
& mid Qarda jeex ah oo muquunin diyaar u ah, marka iyageey jirtaa cidii
eey qaadan lahaayeen, waxaase ila fiicnaan laheyd hadii eey u wici lahaayeen
khubaro U.N ka socota oo Afti ka qaada reer laasacaanood, bal hala arkee
cida eey doortaan.
hadii aan Taariiqda laasacaanood intii aan
maalmahan ka aqrinayey soo bandhigo wexeey sheegeysaa in laasacaanood uu
gumeystihii ingiriisku ku daray wixii uu u bixiyey British Somaliland, waa
hadii intaas eey dad kala dhicineysee.
ugu danbeyntii tusaalahaas ruuxiisa ayaa ka
jira magaalada Muqdisho, dadka joogaayi inteey C/qasim oo la soo doortay
iska xooreen ayeey isu dhiibeen hogaamiye kooxeedyo habaawsan, arrinkan oo
markii danbena C/qasim-kii sida xorta ah loo soo doortay ku khasabtay inuu
isna hogaamiye kooxeed kale u xuubsiibto, Alla soomaalidu in la khasbo
jecelaa..? war hadii eey sidaas tahay aniga waxaan dhihi lahaa aan Mareykan
markale isaga wacano, inta aan ka heleyno dad maamulka & maareynta wax
ka yaqaan.
C/raxman Ceynte
St.Paul, MN
Ceyntejourmalist@attbi.com
Dec 18, 2002
AFEEF: Aragtida qoraalka
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
<><><>
I I D H
E H
|
|
Rabshaddo
Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden
Shan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, hal
qofna cisbitaalka kaddib markii iska hor imaad ka dhacay goob ay ka
socotey xaflad loogu magac daray "Miss Somalia" ....GUJI
Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye Warqadan
oo lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho ayaa si toos ah ula hadleysa dhammaan
beelaha.... GUJI 14/12
Dhawaaq caalami ah iyo Ururka Darwiish Party
Waxaan mar kale ku celinaynaa Maamulka W/galbeed
ee Riyaale Hogaanka ka yahay in aanay ku talo xumoobin degaanka.. GUJI
14/12
Baaq ay soo saartey Jaaliyada Absame ee
Sweden
Baaqaan oo SomaliTalk uu soo gaarsiiyey Suldaan Mohamed Suldaan Siraaji
ayaa waxa uu kusaabsanyahay Laascaanood GUJI...
14/12
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|