SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - SEATTLE

Qaali dowladda dhexe ee mareykanka ah oo diiday in soomaalida la tarxiilo.

war lagu farxo ayeey shalay ka dhawaajisay qareen dowlada dhexe (federal) ka socota oo ah inaan la tarxiili karin soomaalida tarxiil sugayaasha ah ee imminka u xiran waaxda socdaalka & dhalasha-siinta mareykanka (INS)

sharicigan cusub ayaa ah mid ku meel gaar ah oo lagu gaarayo inta eey qaaliyaddan dowladda dhexe ka socota si fiican uga baaran degeyso waxa eey ka yeeli laheyd arrimaha noocan ah, ha yeeshee waxaa imminka sharcigan ka faa'iideysanaya 39 soomaali ah oo xabsiyada waaxda soocdaalka dhex jiifa oo loo sheegay in la dhoofin doono.

Qareen reer Minnesota ah ayaa horey uga deyriyey dhoofinta soomaalida, oo ku tilmaamay " khatar galin nafyaasha la dhoofiyayaasha", laakiin qareentan cusub oo fadhigeedu yahay magaalada Seattle, Washington, megeceedana la yiraahdo Marsha Pechman ayaa ku tilmaamtay dhoofinta soomaalida " halis galin ballaaran" marka loo celiyo " waddankoodii aan dowladda leheyn 12 sano ee soomaalia" ayeey tiri Mrs Pechman.

shalay ayeey la hadashay xarunta dhexe ee sharci dajinta waddankan ee Washington DC oo eey ka dalbatay in loo yara kaadiyo inta eey deymo labaad u celineyso sharci galintan kumeel gaarka ah. 

Ha yeeshee abuukaate ka socda wasaaradda Caddaalada ee uu wasiirka ka yahay, ninka Majaraha adag ee John Ashcroft, oo magiciisa la yiraahdo Greg Mack ayaa Qareenaddan dowladda dhexe ugu hanjabay " ineey dhoofinta (tarxiilka) soomaalida si dhaqso ah u bilaabidoonaan"

Mr Mack ayaa sii raaciyey " Wasiirka cadaaladda ayaa leh awooda ah inaan dad la dhoofin iyo inkale" wuxuuna raaciyey " Ma sugeyno inta eey dadkani khatar ku noqdaan amaanka qaranka "

Mrs Pechman ayaa ku doodeysa in qaar kamid ah dadkan la doonayo in la tarxiilo eey si sharic ah ku soo galeen waddankan, wexeeyna cadeeysay in danbiyo yar yar oo eey ka mid tahay " Darawal Cabsan" ama qof cabsan oo gaari wada lagu dhoofinayo soomaalidan.

arrinta la yaabka leh ayaa ah in waaxda socdaalka & dhalasha bixinta (INS)-tu eey ku marmarsiimoonayaan in" qeyb yar oo kamid ah waddanka eey dowlad la aqoonsan yahay ka taliso" isla markaana eeysan soomaalia " u baahneyn wax aqoonsi ama dukumiinti ah marka uu qof galayo wadankaas " sidaas awgeed eey kaga baxsanayaan shariciga diidaya in qof eeysan dowladda loo wado oggolaan aan la tarxiili karin, iyadoo taa la tix raacayana eey (INS)tu soomaalida u dhoofin karaan soomaalia !

lama hubo halka eey (INS)tu kala timid in soomaaliya sharci la'aan leysaga gali karo, markii iigu danbeeysay ee aan soomaalia tago bishii May ee 1999-kii si sharci ah ayaa lagu galayey waddanka, loogana soo dhoofayey, ha yeeshee weey jirtaa in inta badan xuduudaha dhulku eey yihiin kuwa iska dayacan, ha yeeshee dadka eey rabaan ineey (INS)tu dhoofiyaan, diyaarado ayaa lagu qaadaa, hadii eeysan wixii hadda kadanbeeya inta Itoobiya ka dajiyaan ku dhihi doonin, " wixii argagixiso ah mooyee inta kale baabuur u saara soomaalia " .

C/raxman Ceynte

St.paul, MN

ceyntejournalist@attbi.com

Isha warka: http://seattletimes.nwsource.com

12/12/02

Afeef: faalada waxaa ku daray qoraaga qoraalka ku saxiixan.

... ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA KALE EE DECEMBER -GUJI

  SEPTEMBER AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD