SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MINNESOTA
Waxgaradka & Dhalinyarada Hawiye ee Minneosta oo iska fogeeyey hadalkii Yalaxow

Minneapolis-MN

shir deg deg ah oo eey isugu yimaadeen galabta qaar ka tirsan waxgaradka,aqoonyahannada & dhalinyarada beesha hawiye ee Gobolkan Minnesota si weyn isaga fogeeyey hadalkii uu Muuse suudi Yalaxow ku dhawqay ee uu siiyey idaacadda BBC ee nuxurkiisu ahaa midab kala sooc & fogeyn bahweyn soomaaliyeed ineey waddanka taladiisa wax ku yeeshaan.

dadka ka soo qeyb galay kulankan ayaa ku tilmaamay hadalkii Mr Yalaxow " mid laga noxo" isla markaana " laga yaxyoxo" oo qof masuul ahi ku hadaaqo.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

dhalinyarada beesha Hawiye (intoodii kulanka joogtay) ayaa isku raacay in soomaalidu u siman yihiin xilkasta oo waddanka laga qabanayo, Beel gooni ahna eeysan u xaq leheyn ineey iyagu is xijiyaan maamulka sare ee waddanka Somalia.

Jaaliyadda beesha Hawiye ee Minnesota iyagoo ka faa'iideysanaya Fursaddan qaaliga ah ayeey u hambalyeeynayaan hogaamiyayaasha Hawiye oo shirka Eldoret dhexdiisa ku go'aansaday ineey maamul u dhisaan magaalada Muqdisho, Dekedda & Airport-ka caalamiga ahna dib u furaan, wexeeyna ku guubaabinayaan hoggaamiyayaashaas ineey ka dhabeeyaan yaboohoodaas.

tobaneeyo qof oo eey xammaasad & murugo isku mar ah heyso ayaa kulankan ka soo qeyb galay, wexeeyna u soo jeediyeen dhamaan hogaamiyayaasha soomaaliyeed ee ku shiraya Madasha Eldoret ineey iyagoo ka faa'iideysanaya fursaddan qaaliga ah, Ummadda soomaaliyeed ka samata-bixiyaan dhibaatada 12 sano jirsatay ee ku habsatay qaranka soomaaliyeed, wexeeyna ku tirtirsiiyeen ineey ka heshiiyaan xurgufta dhextaal, loona gudbo is cafis qaran.

ugu danbeyntii Jaaliyadda Beesha Hawiye ee Minnesota wexeey cabirayaan sida eey uga xun yihiin hadallada qallafsan ee ka soo yeera hoggaamiye kooxeedyada soomaalida, wexeeyna u sheegayaan dhamaan beelaha kale ee soomaaliyeed ineey walaalohood soomaaliyeed ula siman yihiin xal u helidda, iyo hogaaminta shacabka soomaaliyeed ee dhibaateysan.

warkan waxaa lagala xiriiri karaa

beshahawiye_MN@hotmail.com 

Minnesota

Dec 22, 2002

 

<><><>

I  I  D  H  E  H

CILMI KORORSI: Xalaal iyo Xaaraam - cuntooyinka
DAGAALKII BADAR: Qaybtii 4aad - Guushii rasuulka

Baaq Kuwajahana Qowmiyadda Banaadiriga
Dhamaan Beelaha Reer Banaadiriga ee Ku nool dibadda iyo Gudaha dalka waxaa... GUJI...  22/12

WARQAD FURAN: HADALKII MUUSE YALAXOW
ee ahaa jagada madaxweynaha ee wadanka waa in ay qabtaan beesha Hawiye oo kaliya, dadka ay isku beesha yihiin ma la qabaan? sidaas waxaa ku bilaabmay warqad soo gaartey SomaliTalk oo... GUJI...  21/12

DOODFURAN: Madaxweynaha Somaaliya, maxey adiga kula tahey?

Rabshaddo Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden
 Shan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, hal qofna cisbitaalka kaddib markii iska hor imaad ka dhacay  goob ay ka socotey xaflad loogu magac daray "Miss Somalia" ....GUJI    

Warqad Furan Oo Ku Socota Dhammaan Beesha Hawiye
Warqadan oo lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Muqdisho ayaa si toos ah ula hadleysa dhammaan beelaha.... GUJI  14/12

Dhawaaq caalami ah iyo Ururka Darwiish Party 
Waxaan mar kale ku celinaynaa Maamulka W/galbeed ee Riyaale Hogaanka ka yahay in aanay ku talo xumoobin degaanka.. GUJI 14/12

Baaq ay soo saartey Jaaliyada Absame ee Sweden
Baaqaan oo SomaliTalk uu soo gaarsiiyey Suldaan Mohamed Suldaan Siraaji  ayaa waxa uu kusaabsanyahay Laascaanood GUJI... 14/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD