Falsafada Shirka
Falsafada uu shirku ka duulayay
ayaa waxa ay ahayd in meel la isugu keeno dhamaanba cidkasta oo raadayn
siyaasadeed ku leh ama ku lahaan jirtay Soomaaliya. Ha noqdaan Kuwaasi kooxo,
dawlad kumeel gaadha, ururo rayida , shakhsiyado amaba dawlad goboleedyo (Cida
kaliya ee laga tagay waa Somali/Land sababo aanan halkan ku faalaynayan ayaana
looga tagay). Intaas oo dad ah hadii meel la isugu keeno isla markaana culays la
saaro, waxaa la filayay in shirkani uu dhalin karo natiijo wax ku ool ah oo
xalisa dhibaaatada siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaase jirta oo waaqic ah in inta
badan ee dadka meesha isugu yimid aanay ujeedadooda kowaad ahayn in ay xaliyaan
dhibtaada Soomaalida. Waxa ay u badanyihiin, aragtidayda, dad raadinaya awood
iyo kursi ay ku fadhiistaan. Sida soo if baxaysa maalmahana, hadii ay waayaan
kurisgaa waxa cad in aanay dan ka yeelanayn mustaqbalka dadka ay sheeganayaan
ama ay doonayaan in ay hogaamiyaan. Waxa ay door bidi in ay arimuhu sida ay
yihiin ahaadaan intii mid kale uu u talin lahaa.!!
Natiijadiida Shirka?
Waxa kale oo jirta in shirkani
aanu ahayn mid aduunyadu ay ihtimaam wayn siinayso waqtigan xaadirka ah. In
kasta oo ay dad badani leeyihiin Maraykanka iyo Yurub ayaa shirkan daba taagan
hadana taasi ma aha mid ficil ahaan ka muuqata madasha shirkan. Ihtimaamka
daciifka ah ee Maraykanku waxa uu ka muuqdaa culayska wafdiga ka jooga shirka.
Cida ay u soo dirteen waa ninka ku fadhiya kursiga Soomaaliya ee safaaradooda
Kenya. Xitaa umaysan soo dirin shirka safiirkooda Kenya . Yurubna in kasta oo ay
kharajka shirka bixnayso hadana awood ay wax ku fuliso kuma laha shirka.
Wadamada Carabta iyo Muslimkana iskaba daa hadalkooda. Cidda qudha ee meesha
cara cararysaa waa wadamada jiiraanka ah kuwaas oo iyagana mid kastaba uu ujeedo
khaasa ka leeyahay shirkan. Hadii cidda ay wadataan soo bixi waydona,
wadamadaasi, burburka shirka ayay ka door bidayaan najaaxiisa.
Inkata oo aan jecelahay(sida
qofkasta oo samaha jecelba) NAJAAXIDA shirkan, hadana arimahaas aan soo sheegay
oo dhami iguma dhiiri galinayaan in aan idhaahdo rajadda shirkani way
fiicantahay. Waxaan ka biq nasiibdaro in aan idhaahdo fashilkiisa ayaa ka dhaw
najaaxiisa. Xitaa hadii wax la isla garto, hadaanay jirin awood fulisa natiijada
shirka guul ma keeni doono. Cid awood wax lagu muquuriya Soomaaliya ula
diyaarina iigama muuqato meesha..
Sidii ay noqotaba waxaa muddan
in la is waydiiyo cidda ku khasaaraysa iyo cidda ku faa’idaysa fashilka
shirkan.?
Yaa ku khasaari?
Waxaa ku khasaari hooyooyinka
iyagoo 70 sano jira laga afduubayo aqaladoodii ee u baahan cid difaacda. Waxaa
ku khasaari dumarka iyo caruurta ay dagaaladu qaxootiga ka dhigeen ee dawarsanya
xerooyinka qaxootiga. Waxaa ku khasaari kuwa maalin kasta iyagoo sii qaxaya ay
maydkooda baduhu liqayaan. Waxa ku khasaari kuwa ku barbaaray tacliin la’aanta
ee waxa ay ku garaadsaden uu yahay qoriga, dhaca, dilka iyo burburka. Waxa ku
khasaari kuwa qaxootiga ku ah qurbaha ee ubadkoodii iyo iyaguba ku dhaqan
gadismeen wadamada qalaad. Isku soo duuboo waxaa ku khasaari dadka Soomaaliyeed
ee AMALKOODU (rajadoodu) ahaa in mar uun dawlad dhibta ka qaadaa u dhalato.
Yaa ka Faa’idi
Qolooyinkan meesha ku shiraya
ee hogaamiyaasha sheeganaya si kasta oo shirku ku dhamaado iyagu ma khasaarayaan.
Hadii ay wax isku afgartaan waxa ay isku afgaran wax ay u arkaan in ay ku jirto
maslaxadooda. Hadii uu shirku fashilmana mid kastaba xeradii uu ootay buu ku
noqon. Shaki la’aan ragaan meesha isugu yimid badidoodu waa dad ka TAAJIRAY
dhibta dadkooda hadii ay meelahoodii ku noqdaana dhiigii ummada ee ay jiqi
jireen uun bay halkii ka sii jiqi.!
Gabagabdii,
Waxaan ka rajaynaa Alle in bishan (Ramadaan) in uu soo dadajiyo xalka dhibta
Soomaalida. Kuwa meesha isugu yimidna uuTawfiiqda waafajiyo. Ilaahay uun baa
ummadan u maqan ayaan odhan kara.
ELDORET,
MIDNIMADA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND
Waydinkaas,
Mahadsanidin,
Siciid Cali Axmed
saidahmed67@aol.com
Dec 14, 2002
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
"Cabdillaahi
Yuusuf waa nin aan jagadaas madaxweynanimo u jeclaan lahaa"
sidaax waxaa yiri Abassador. Cabdilaahi
Shiikh Ismaaciil oo u waramayey SomaliTalk.. Waraysigii
Ibraahim Maxameddeeq 13/12
Gudiyada
Dib u Heshiisiinta oo Shaqa Joojin Sameeyey
Ilaa
iyo shalay ayaan xarumihii ay gudiyada dib u heshiisiinta shirka Eldoret ka
shaqaynayeen cidi soo xaadirin kaddib markii ay dhamaan. Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq 12/12
"Dowlada
Itoobiya oo Rabta Inay Shika Eldoret Burburiso" Sidaas
waxaa yiri Jaamac Cali Jaamac oo SomaliTalk u waramayey isagoo jooga magaalada
Eldoret, Kenya..
Waraysigii oo
dhan [Fahad] 11/12
Bayaan ka soo baxay Qowmiyadda Banaadiriga Eldoret
11/12/02: Qowmiyada Banaadiriga asagoo u diyaar
ah wax ka qabashada dhibatada haysata Gobolkooda Banaadir sidii xal loogu heli
laha loona GUJI 11/12
Liiska
Wufuuda Kuharaya Eldoret oo lasoo Bandhigay
Waxaa kale oo wararka Eldoret ee maant kamid ah »»
Gen. Gabyow oo jawaab ka bixiyey hadalkii Zenawi »»Madaxweyne
Kuxineegnka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay Eldoret.... akhri
Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq. 09/12
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
Afeef: aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|