Duqa
magaalada Christchurch, NewZealand, oo lagu tilmaamay
"Qabqable Dagaal Soomaaliyeed" ["Somali warlord"] Arin
ku bilaabatay muran u dhexeeya dad Soomaaliyeed oo ku nool magaalada
Christchurch oo katirsan dalka NewZealand ayaa isu bedeshey dagaal xagga
afka oo ka dhix oogmey laba siyaasiyiin oo sarsare oo reer NewZealand ah,
taas oo weliba dalka NewZealand ka dhalisay arin siyaasadeed oo ay siweyn
uga hadleen saxaafada dalkaasi. Winston Peters oo ah hogaamiyaha New Zealand First
ayaa ku eedeeyey duqa (Mayor) magaalada Christchurch Mayor Garry Moore in uu
yahay qabqable dagaal Soomaaliyeed "Somali warlord" Taas
isagoo ka jawaab-celinaya Moore waxa uu yiri "dhimashadayda
Winston Peters la igulama arki lahayn qol weynaha 'hall'", waxana uu ku
tilmaamay in hogaamiya New Zealand First uu yahay sun "toxic". Murankani
waxa uu bilaabmay kaddib markii Peters
uu ka jawaabey warbixin sheegeysey in
booliisku ay baaritaan ku wadaan weerar loo geystey gawaari taas oo loo malaynayo in
ay ka dhalatay muran la xiriira hoggaanka kaas oo u dhexeeya qabiilooyin
Soomaaliyeed oo deggan magaalada Christchurch.
Hadalada Winston Peters ee muranka siyaasadeed ee ugu weyn
ka aloosay dalka NewZealand waxaa kamida kuwan:
"Waxaad halkan ka heleysaa qaybo kala duwan oo
qabiilooyin ah kuwaas oo wadanka keenay wixii ay isku hayeen ee ay ku
burburiyeen dalkoodii," sidaas waxaa yiri Peters. Isagoo
Peters hadalkii sii wata waxa uu yiri "haddii taasi ay ka dhacayso
NewZealand waxaa nasoo foodsaaray dhibaato xad-dhaaf ah oo waqti dheer
soconeysa"
Tim Barnett oo ah MP xisbiga shaqaalaha oo laga soo doorto bartamaha Christchurch
waxa uu erayada Peters ku tilmaamay midab-kala-sooc ["racist"],
waxaana hadalkaas ku raacay Garry Moore.
"Waxaan xalinaa arimaheena anagoo u mareena dariiqeena,
kala qaybinta jaaliyadeenuna ma ahan sida aan wax uga qabano halkan"
sidaas waxaa yiri Moore, waxana uu intaas ku daray in aan Peters laga
soo dhoweyn doonin magaalada Christchurch.
Duqa magaalada oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri arinta uu
ka hadlayo Peters waa arin aad u yar taas oo ay booliiska arintaas ka
shaqaynya ay jaaliyadu ku faraxsanyihiin.
Soomaalida NewZealand ee
arimahan ka hadlay waxaa ka mid ah Faarax Nuur oo sheegay in aan duqa
magaalada (mayor) Moore aan la barbar dhigi karin qabqablayaasha afrikaanka
rasmiga ah. isagoo Faarax hadalka sii watana waxa uu yiri Moore waa
hogaamiya wanaagsan oo ay Jaaliyada Soomaaliyeed qadariyaan, xushmeeyaana.
Faarax Nuur oo u jawaabayey Winston Peters
waxa uu yiri "ma aaminsani Winston Peters in uu wax shaqo ah ku
darsankaro jaaliyada Soomaaliyeed, xaqna uma laha in uu u sheego (Soomaalidu)
in ay ku laabtaan meeshii ay kayimaadeen"
Peters waxa maanta oo Jimce ah kaqayb
qaatay dood radio lagu qabtay taas oo wargeyska NewZealand City [nzcity]
uu cinwaan kamida wararkii maanta ka dhigay "Peters explodes on air".
Taas wargeyska oo sii wata waxa uu yiri waxaa arintu kululaatay kaddib
markii weriye Mike Yardley weydiiyey Mr Peters waxa uu cadayn u hayo in
magaalada Christchurch ay soo waaridey (keentay) "dagaal sokeeye iyo
iska hor imaad". Mr Peters oo taas ka jawaabayana waxa uu yiri waxaa in
badan waraysi la igula yeeshay raadiye, laakiin waxaad tahay kii ugu edebta
daraa ee yaraa, isagoo taas sii watana waxa uu Peters kuyiri Yardley "aamus (shut up) shan daqiiqo, neef sanka ka qaado, waxaa laga yaabaa
in aad wax baratide".
Waxa kale oo isla wargeyskaasi sheegay in
afhayeen u hadlayey Soomaalida NewZealand oo ah Cabdi Casiis Cabdullah
Xuseen uu sheegay in aad uga caraysan yihiin hadalka Peters, waxana uu
hadalkiisa intaas ku daray in Peters uu jebinayo xeerarka qawaaniinta
caalamiga ah.
Waxaa lagu qiyaasay in magaalada
Christchurch ay ku dhaqan yihiin 400 oo Soomaali ah.
ISHA WARKA: http://onenews.nzoom.com/
<><><>
Dab Qabsaday Xarun Soomaaliyeed oo kutaal
Minnesota, USA
Subaxnimadii khamiista ayaa dab qabsaday
xarun ay leeyihiin jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada St. Cloud,
xaruntaas oo ah mid cusub oo ah goob dhaqameed "Somali Cultural Center".
Waxaa waraku sheegeen in khasaaraha uu
dabkaasi geystey ay dhantahay $8,000. waxaa hadda socda baarintaan la
xiriirta wixii sababay dabkaas, waxaase saxaafada Minnesota ku tilmaameen
mid shaki kujiro sidii uu dabkaasi ku bilaabmay.
<><><>
Luqada Soomaaliga oo lagu daray luqadaha
mishiinada tigidhada mid kamida Tareenada Minneapolis
Wararka kale ee Minnesota waxaa kamid ah in
dood muddo socotey oo la xiriirta luqada lagu darayo luqadaha tigidhada
tareen maraya halka lagu magcaabo HIAWATHA oo ka
tirsan Minneapolis ayaa kusoo gabagaboobey in luqada Soomaaliga.
Waxaa mishiinadaas
lagu darayaa cod iyo qoraal afSoomaali ah.
http://www.twincities.com/mld/twincities/news/local/4719383.htm
Maxaa
warkaan hadda kusoo kordhay....Guji
Wararka
Soomaalida oo Ingiriisi ah... Guji
Tarjumadii: Maxamed Cali
SomaliTalk.com
Dec 13, 2002
Warbixinadii hore ee Soomaalida NewZealand:
ka akhri halkan http://somalitalk.com/newzealand/
Qaali
dowladda dhexe ee mareykanka ah oo diiday in soomaalida la tarxiilo:
war lagu farxo ayeey shalay ka
dhawaajisay qareen dowlada dhexe (federal) ka socota oo ah inaan la tarxiili
karin GUJI
12/12
Gudiyada
Dib u Heshiisiinta oo Shaqa Joojin Sameeyey
Ilaa
iyo shalay ayaan xarumihii ay gudiyada dib u heshiisiinta shirka Eldoret ka
shaqaynayeen cidi soo xaadirin kaddib markii ay dhamaan. Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq 12/12
"Dowlada
Itoobiya oo Rabta Inay Shika Eldoret Burburiso" Sidaas
waxaa yiri Jaamac Cali Jaamac oo SomaliTalk u waramayey isagoo jooga magaalada
Eldoret, Kenya..
Waraysigii oo
dhan [Fahad] 11/12
Bayaan ka soo baxay Qowmiyadda Banaadiriga Eldoret
11/12/02: Qowmiyada Banaadiriga asagoo u diyaar
ah wax ka qabashada dhibatada haysata Gobolkooda Banaadir sidii xal loogu heli
laha loona GUJI 11/12
Liiska
Wufuuda Kuharaya Eldoret oo lasoo Bandhigay
Waxaa kale oo wararka Eldoret ee maant kamid ah »»
Gen. Gabyow oo jawaab ka bixiyey hadalkii Zenawi »»Madaxweyne
Kuxineegnka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay Eldoret.... akhri
Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq. 09/12
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|