SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - DOHA

Maxaa keenay inaay sheekada Soomaaliya daba dheeraato?
WQ. Al-Hassani | abuzuhri1@hotmail.com  | Dec 23, 2002

Sababaha keeney aad ayey ufaro badanyihiin laakiinse waa kuwan inta ugu muhuhimsan.

(1) BURBURKII SOVIETKA IYO AWOODA KUSOO ARUURTEY BALAD KALI AH [HAL MEEL] (AMERICA).
(2) COLAADA SOO JIREENKA AH EE AY NOO HAYAAN WADAMADA SAFKA HORE LA MAGAC BAXEY.
(3) KALA XOOG ROONAASHA LA’AANTA QABAA’ILADA.
(4) QABWEYNI QUURSI DHEER YAHEY.
(5) DABAQADA SARE EE BULSHADA OO HORMUUD KA AH HALAAGA UMMADA LAGU HAYO!
(6) WADANIMO LA’AANTA SHACABKA SOMALIYEED.
(7) HABKA LOO WADA XAAJOODA !
(8) UQUBOOYIN HOREY LOO GALEY.
(9) HORMARKA TECH.& SAXAAFADA.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

MAXAA LOO HESHIINLA’A YAHEY?

Waa su’aal jawaabteedu adagtahey waqtigakan oo ay Somalida asalba ku kala qeybsantahey wixii keeney dagaalkan.

Sidoo kale waa su’aal qof kastaa oo soomali ahi iskudayey inuu ka jaaabo ugu yaraan halmar isagoo soo daliishanaya waxyaabo dhacey iyo wax looga sheekeeyey intaba.

Meelaha lagu qayilo ayaa ugu caansan fagaaraha lagu falanqeeya su’aalaha noocaan ah. Idaacaduhu marka ay kabaxaan ayaa rag, dumar, siyaasi iyo odayaal loo kala harin falanqeynta arintaan waayo waa dulucda mushkilida Somalia. Waa dareenka guud ee umada maanta. Waa su’aal jawaabteeda wax kabadalilaheyd sida ay arimuhu yihiin.

Dad badan oo aan kala sheekeystey ayaa ku kala tagsan oo aan isku si u’arkin meesha ay sartu kaqurantey! Waxaa laysla’ogalyahey inaay sheekadu kaweyntahey qabiil ka biyo diidsan reer hebel oo Qaranka loo dhiibo.

Dadku waxaay aad ujecelyihiin inaay talooyin cusub soo jeediyaan ayagoon sii eegin waxa loogu kala tago shirkasta. Talo cusub oo lasoo jeediyo sow ma’ah “Timirtiihoraba dab loo waa”

Waa tana jawaabihii intii aan wareystey isku raaceen oo aan soo koobey si’aaney dadku ugu daalin akhrinteeda.

(1) BURBURKII SOVIETKA IYO AWOODA OO KUSOO ARUURTEY BALAD KALI AH (AMERICA).

Wixii kadanbeeyey markii lakala direy wadankii horey loo oran jirey Midowga Soviet,waxaa jahawareer kuyimid dhaq-dhaqaaqyada doonaya inaay isbadal kasameeyaan wadankooda gaar ahaan kuwii uu taageeri jirey Sovietka iyo wadama ay isku xulufada ahaayeen. Waxaa meesha kabaxey siyaasadihii iska soo horjeedey ee kala taageerayey dadyowga ku kacsan wadamadooda.

Labadii aqal (White house and Kremlin) ee aduunka in kabadan 70 sano loo kala dhuuman jirey ayaa yeeshey m/mul qura. Waxaa lagu soo rogey aduunyada oo nidaam cusub oo hal dhan ah(new world order) sida uu kuqudbeeyey madaxweynihii Mareykanka xiligaas, Bush.

Waxaa howlahoodii gabey dhaq-dhaqaaqyadii Kremlinka ushaxaad tagi jirey. Waxaa daba galey oo isla markiiba xukunka laga qaadey dowladihii uu taageerijirey ee daafaha aduunka kajirey, kabilow Havana ilaa Hanoi .

Kooxaha Somaliyeed ee xukunka katuurey dowladii sovietka ,ayaan kafaa’ideysan nimaadka cusubka ee lagu soo rogey aduunka kadib markii ay kuguul dareysteen taageerada wadamada uu Mareykanka hogaaminayo maadama ay ahaayeen saraakiil lagu soo tabo barey Sovietka oo aan meel marinkarin siyaasadaha cusub.

Isbadalkoodii ay xukunka kaga rideen dowladii milateriga aheyd ayaa lagu tilmamey wax loo baahaa lakinse ay ayagu noqonkarin badiil (replacement)maadama ay isku school kasoo wado baxeen. Waana jawaabtii ay reer galbeedka kabixyeen doorashooyinkii Algeria 1992 markii ay kuguuleysteen niman fikrad kale xambaarsan. 

(2) COLAADA SOO JIREENKA AH EE AY NOO HAYAAN WADAMADA DARISKA AH.

Guud ahaan wadamada dariska, gaar ahaan Ethiopia ayaa cabsi kaqabtey Somalia oo xoog yeelato wixii dhacey 1977.

Si’ay dhibaatadaas usoo noqon ayey kudadaaleen kala qeybinta iyo kala fogeynta kooxa Somalida ayadoo ka cabsi qabto wax loo yaqaan SOMALI WEYN.

Waxaa la’ogyahey in Somalia loo qeybiyey 5 qeybood. Waxaa sidoo kale la’ogsoonyahey in xukuumadahii soo marey Somalia ay dadaal ugaleen sidii loo heli lahaa 5da Somalia . Waxaan ognahey dagaalo toos ah lagu qaadey Ethiopia. Kenya ayaa lagu hubeeyey kooxo gobonimo doon ah. Jabouti ayaa har iyo habeyn loogu baaqayey inaay kusoo biirto 5ta ilaa ay France ay lagashey iskaashi difaac si’aan loogu soo duulin.

Waxaan ognahey in ciidamadii Ethiopia iyo Kenya ee heeganka ku ahaa xuduudaha dalka laga qaadey markii uu bur-burey ciidankii Somalia.

Taasi waxaay sii murjisey xaalada markii horaba liidatey ee dalku uu kusugnaa .

Wadamadaas qaar ayaanba afbuuxa kusheegey inaaysan raali kanoqoneynin inaay soo noqoto wadan Somali xoog badan oo amaankooda wax udhima sidaasi darteed loo baahanyahey dowlad ugu yaraantii ka amar qaadato wadamada dariska ah.

(3) KALA XOOG ROONAASHA LA’AANTA QABAA’ILADA.

Dirirta udhaxeysa hogaamiyaasha ayaa umuuqato mid lagu kalo reyn waayey. Sheekadii kubilaabatey isbaheysiyo qabiilooyin waaweyn ayaa kusoo dhamaadey jilib-jilib iyo qoys-qoys. Waxaa lasoo tijaabiyey inaanu jirin qabiil qabiil kalaan-dheersan ama kaxoog badan oo maquuninkaro inta kale sidii ay waa ahaan jirtey!

Reer galbeedka ayaa kagaabsadey inaay taageero siiyaan koox gooni ah waayo wuxuu u’arkaa inaaysan lahey yool siyaasadeed oo sii fog oo lagu taageero.

Qaarba (some warlords) waxay maciin bideen Qadaafiga reer Libya oo isagaba laliita cuna-qabateenta lagu soo rogey kolkii ay ismaan dhaafeen isaga iyo reer galbeedka,

Meesha ay qaarkale taageero hub ah uraadsadeen soo jireenka cadowga safka hore ee Somalia, Ethiopia, oo ayadoo kashaki qabta hadba soo siisa waxaay labo maalmood kudagaalamaan si’aan loogu kala bixin meesha iyo ayadoon kalsooni kuqabin kuwa badan oo a kamid ah qab-qablayaasha.

Tirada qab-qablayaasha ayaa sare ukacdey. Haadba haadbu kiciyey; Waxaa saaxada kabaxey qolooyinkii hore kadib markii ay kuxigeenadooda kala soo horjeesteen amar diido cad ayagoo ku eedeeyey amar kutaagleen iyo sad bursi.

Abaan duule cusub ayaa kahoos baxo marka laysku dayo in kii hore heshiis lala gaaro ,waana tan keentey inaay kor udhafaan 40 hogaamiya-kooxeedyada meesha ay ka’ahaayeen dhowr sano kahor 5-8 kooxood ama qofoodba.

Midkood ayaa kasheegay shirka Eldoret inaan ergo lasiineynin qof aan ciidan, hub iyo deegaan uu kataliyo aan jirin taas oo dhiiri galineysa siyaasiyiinta aan hubeyneyn inaay duulaan cusub qaadaan maadama aysan heysan tuulo ama deegaan ay kaga qeybgalaan shirirka dibida.

Mar haddii ay kala adkaan waayeen,ayey arintu u’ekaatey: “Ninba waa markiisee mus makula korey”

(4) QABWEYNI QUURSI DHEER YAHEY.

Quursi iyo qabweyni waa wixii keeney inaay arintu heerkaan gaarto. Qaar badan oo qab-qablayaasha ka mid ah ayaa iskala weyn inaay horfadhiistaan qabiilka ama shakhsiyaadka ay ishayaan yasid ama quur awgii.

“Anaga ayaa wax soo ahaan jirney oo waligiin idin soo xukumi jirney ee sideed noola hadlikartaan” waa hal-hayska qabiilooyinkii awooda roona waagii hore. “Haddii aad wax ahaan jirteen,waa laga soo gudbey waqtigiinii ee safka gadaal ka gala” Ayey ugu jawaabaan qabiilooyinka malateri ahaan iminka ka xoogroon kuwa kale.

Qabiilooyin ayaa dadaal ugu jira sidii ay ku gaarilahaayeen guulo maleteri kahor inta aan laysugu iman xal-soomaliyeed ayagoo hadba deegaano cusub weerar kuqaada. Waana waxyaabaha ugu waaweyn ee shirka dibuheshiisiin Somalida ee Eldoret uu ladhutinayo.

(5) DABAQADA SARE EE BULSHADA OO HORMUUD KA AH HALAAGA UMMADA LAGUHAYO!

Qab-qablayaasha dagaalka ayaa ugu yaraan kasiman magacyada; professor, Doctor, Engineer,General, Sheikh, Xaaji iyo magacyo lamid ah. Hogaamiyaasha dhaqanka ayaa calanka ululaya oo aan goobta kamaqneyn; ayagoo kadhaadhiciya dadka inaay hogaamiyaashooda difaacayaan danaha qabiilka ,kana talinayaan aayihiisa. Dadkii caadiga ahaa ayaa waayey cid ay kudaydaan. Dhalinyarada ayaa inta badan dagaalka ku gala fatwa ay culumo soo saartey.

maahmaahda Somalida ayaa kudhabowdey ee aheyd : “ Geela duqdiisa ay dur-durisay aarankiisa maxaad kafileysaa!”

(6) WADANIMO LA’AANTA SHACABKA SOMALIYEED.

Somalida ayaa lagu tilmaamaa dad jeceyl guur-guurida iyo dibid wareega. Daafaha aduunka wadama kuyeela ayaa isug mid ah kuu kunoolaanlahaa.

Kuwii dalka kuharey ayaan kutaamaya wax dayaarad ukeena oo geeya wadamada dibida wallow Israelba ha’aatee!.

Malaayiinta dalka dibidiisa aadey ayaa wali kujira safaradii aay ubaxeen 16sano kahor ayagoo hadba wadan uyaaca.

Ma dhibsadaan marka waraaqaha aqoonsiga wadamada ay joogeen lagu dhibo balse waxaay muujiyaan dulqaad aan looga baran markii ay dalkooda joogeen.

Dib uma fikiraan inaay kayimaadeen dhul aan laweydinjirin sharci iyo visa midna.

Bur-burinta guryaha gaar ah iyo kuwii dowlada , bililiqada warshadaha iyo buundooyinkii bomka lagu xirey ayaa diliil u’ah sida aysan dadkan dalka rajo ugu qabin.

Wadan-jecelku waxaay keeni kartaa inuu qofku kashaqeeya nabadgalyadiisa maadama uu san heleynin meel udhaanta. Wuxuu ilaalinayaa nabad galyada iyo kala danbeynta.

Somalidu madhibsadaan marka uu sawaaxiliga kugu yirahdo: “Sisi niwaninchi” ama Arabtu kugu yirahdaan: “naxnu muwaadinun”. Ama gaalada R/galbeedka kugu yirahdaan: “You are refugee, so go back to your country”

“Heybad waxaad kuleedahey dhulkaaga hooyo! Heybad waxaad kuleedahey dhulkaada hooyo! Waana lama huraanee….” Radio Muqdishu.

(7) HABKA LOO WADA XAAJOODA!

In lays khilaafo iyo in lasoo afjaro labadaba waa wax nolasha caadiga kuxiran ilaa iyo intii dunida la’uumey.

wadaxaajood kafool kafool ah oo ay isagu yimaadaan qolooyinka dhinacyada is-haya, in loo kala dab qaado, gaar ahaan dad ay labada dhinac kukalsoonyihiin dalka dhexdiisa ama dibidiisa ah.

In layaqaan waxa laysku hayo iyo waxa loo baahanyahey.

In lahelo cid madaxbanaan oo ilaalisa fulinta wixii lagu soo heshiiyey ayadoo lala xisaabtamaya ciddii jabisa.

Waa in qofka wada xaajoodka galaya uu isagu matalayo deegaanka iyo dadka kunool gaar ahaan magaca SSSta kabilaama ee midkasta wato. (S=Q(QABIIL)

Mar haddii intaas oo dhan lawaayey ayaa waxaa yaraatey rajada laga qabo wadahadalada lagu qabto meelo badan oo aduunka ah, gaar ahaan kuwa ay soo agaasimeen wadamada safka hore ee ay Somalidu kabiyo diidsantahey. Waxaay sheekadu noqotey labadii bahal ee hilibka kuheshiinwaayey ee bisada udhiibtey bal inay u kala garsoorta oo inta miisanka saarta cunta hadba wixii dheeraad ah ; ilaa ay kadhameysatey!

(8) UQUBOOYIN HOREY LOO GALEY.

Somali badan ayaa ka caga-taaleeya marka laga hadlayo dambiyadii horey loo galey. Dad soomaaliyeed ayaa ladulmiyey. Waxaa laysku raacey inaay takooranyihiin.

Dhaq-dhaqaaqooda siyaasadeed & noolaleedba waa la inkirey maadama ay kasoo jeedaan dadka layaso(quursado).

Culimo iyo caamo ayaa laysku raacey in dadkaas takooranyihiin bilaa sababla’aan.

Waxaa loo bixiyey magacyo muujinayo inaaysan xor aheyn.

Waxaa sidoo kale caadi ka ahaa wadanka dilka, dhaca iyo waxa lamidka ah. Nin somaliyeed ayaa yiri: “ Sideen ula heshiinaya reer hebal ayagoo diley sagaal awoowe oo aan ku abtirsado”

Dagaal toos oo lala beegsadey Diinta Allah. Waxaa laxalaalsaday wax kastaa oo Diinta xaaran ku’ah. Xaafado dumarka jirkooda ka ganacsadaan ayaa ladhisey ayadoo cid inkireysa la’arag.

(9) HORMARKA TECH.& òSAXAAFADA.

Wixi kadanbeeyey bilaawgii dagaalada ayaa waxaa si-xowli ah sare ukacey hormurka technologida. Waxaa aad usahlanaatey kawarqabka waxa kadhacayo daafaca aduunka. Idaacada ama televisionka ayaa kuu sheegaya waxa kadhacaya gurigaada gadaashiisa.

Dadka ayaa xaalad dagaal gala marka ay soo dhageystaan warar sheegaya dagaalo kadhacey tuulooyinkii ay kasoo jeedeen. Saaxibo meel kuwada nool ayaa isnaca ayadoo qaar kale isu soo dhawaada dagaalo idaacadaha kadib .

5galabnimo geeska Africa & 9fiidkii ayaaa ah waqtiyada kacsanyahey dareenka dadweynaha

Internetka ayaa arinta sii huriyey ayadoo ay soo baxeen SHABAKOOYIN FADHI KUDIRAR LEEYIHIIN, jaraa’idka , telephonada mobilada iyo xawaaladaha dheereya ayaa iyagana siihuriya wallow ay faa’idooyin farabadan u leeyihiin ummadda marka dhankale laga eego.

XAGEEY XAALAD KUDANBEYSEY?

Waxaay arin mareysaa:

  • In wixii kabad-baadey gumaadkii 12sano ee lasoo dhaafey looheysto inaay kadambeeyeen askartii Mareykanka ee lagu dilay Muqdisho, (languna eedeeyey) Weeraradii safaaradaha Mareynkanka ee Nairobi iyo Tanzania iyo qaraxyadii ugu danbeeyey ee magaalada Mombasa loo gaystey.
  • In raggii Somalia asaageed kareebey oo 12sano kahor loo aqoonsadey inaay yihiin danbiilayaal dagaal oo qarka usaarnaa in maxkamada aduunka looga yeero, oo lagala tashanayo balse sidii laga yeelilahaa dalkan & dadkan wixii wixii kasii harsan.
  • In qaarkood dalbadaan duulaan uu mareyka hor kacaya in lagu qaado wadanka gabigiis sidii Afghanistan oo kale oo ay ayaguna kanoqdaan Xaamid Kerzai .
  • In wadamadii safka hore ee cadowga Somalia loo aqoonsadey inaay mas’uul kayihiin aayo katalinta wadanka. Taasi oo micnaheedu yahey dowlad ayney rabin madhismeyso.
    “ Nimaan laheyn baa siiyey nin aan laheyn”.
  • In ciidamo uu Mareykanka hogaaminaya ay gaaf wareegaan ayagoo marmarsiiyo kadhiganayo in Sheikh Usama uu kudhuumanaya Somalia sidaas darteed ay doonayaan inaay wareer kuqaadan dalka.

 

I  I  D  H  E  H

Hadal iyo dhamaantiis xaalada dalka ayaa kusugan sidii horey uu usheegey nin Somaliyeed oo yiri: “ Dadka Somaliyeed waxaay saaranyihiin diyaarad baylood(pilot) yaqaan sida loo kiciyo balse aan garaneynin sida loo dajiyo. Waxaa macquul ah inaay diyaaradaas sinabad ah kusoo degto, waxaayse ubadantahey inaay qaraxdo oo ay kubaaba’aan dhamaan waxa saran.”

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com  

»»Xusnul Khaatimah Xigmada Toddobaadka GUJI [Al-Hassani]

Dec 23, 2002 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


DECEMBER  | NOVEMBER | OCTOBER | SEPTEMBER  AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD