|
SOMALI PEACE RALLY
Dire-dawa, November 30th 2002
PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M11/0176/2002
DURBAANKA DAGAAL EE KORNEL ABDULLAHI YUSUF KA WADO BUNTLAND
Dire-dawa, November 30th 2002, October 21st 2002 – Somali Peace Rally –
Ayadoosan uusan qallalin qalinkii heshiiskii Eldoret ee xabbad joogjinta,
ayaa Col. Yusuf hadda u tafaxaytay inuu dagaal ku qaado fariisamaha
ciidamdada ka soo horjeeda ee deggan meesha la yiraahdo Dhudo. Dhawrista
go'aankii qaramada midoobay ee hubka ka joojinta Somalia warkiisaba daa.
Kornaylka oo asbuuc ka hor ka tagay Eldoret, ayaad hadda mooddaa inuu ku
yimid khal-khal cusub ka dib markii uu soo gaaray deegaanka Dhudo ninkii ay
hore madaxda uga wada ahaayeen halgankii hubaysnaa ee ururkii SSDF, waa Gen.
Adde Muuse. Ka dambe oo ay weheshaan saraakiil sar-sare ee uu ka mid yahay
Col. Ilka Jiir ayaa hadda wada dadaal ay ku abaabulayaan mileeshiyada ka soo
horjeedda kaligi taliye Col. Abdullahi Yusuf. Marka saraakiishaasi timid
ayaa ciidanka Dhuudo jooga aad u kordhay.
Taasi waxay keentay in Cabdullaahi asbuucaan dhexdiisi u cararo dhankaas iyo
Itoobiya asagoo raadinaya hub iyo rasaas si uu u sii wado wixii xilka lahaa
ee uu ku caan baxay - dad layn. Waxaa la rumaynayaa in Kornaylku uu soo
amray saraakiishiisa Gaalkacyo joogta si ay ugu soo dirto saddex N-3, kuwaas
oo ay tahay inay Galladi (magaalada xadduuda ku taal) yimaadaan kaddibna ay
xirtaan taargo Itoobiyaan ah ilaa intay Dirir-dhabe ka soo noqonayaan. Waa
isla baabuurtii hore ugaga soo daabuli jirtay hubka kornayl islma meeshaas.
Waxaa SPR ugu yeeraysaa beesha caalamka gaar ahaan hay’ada UN-ka ee ilaalisa
xeerka hubka mamnuucida Somaliya inay muujiyaan feejignaan ishana ku hayaan
hubka Somaliya kaga imaanaya bariga, iyo colaadda cusub ee Kornaylku ka
aloosayo Buntilaan oo hore caan ugu ahaan jirtay deggenaansho. Yaan rag xog
doon ahi imaan Puntland sannad ka dib ayadoo xeer iyo fandhaal kale dhecee.
SPR waxay ballan qaadaysaa inay sii wadda il ku haynta ku xadgudubka
Kornaylka ee xaquuqda aadamiga ee Buntlaan iyo meelo kaleba. SPR waa
dhaleecaynayaa durbaanka cusub ee kaligi taliye Cabdullahi Yusuf garabka
surtay iyo dhiigga uu dadka walaalaha ah ka daadinayo. Waa in isha lagu
hayaa tillaabooyinka qar iska tuurka ah ee Kornayl Yusuf.
sprally@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkaas waa mid u gaara SPR
SOMALI PEACE RALLY
Dire-dawa, November 31st 2002
PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M11/0176/2002
Col. Yusuf’s War-drums In Puntland State of Somalia
Dire-dawa, November 31st 2002 – Somali Peace Rally – Despite the recent
signing of cease fire amongst the Somali warlords at Eldoret, and
notwithstanding the UN's embargo of weapon to Somalia, Col. Yusuf of
Puntland is gearing up for new attack at the stronghold of his political
enemies at Dhudo in Bari region of Puntland.
The Colonel who left Eldoret about a week ago obviously decided to wage a
war against Dhudo where his former Comrade-in-arms, General Adde Musse has
recently established a command post for consolidating the Anti-Yusuf
resistance. General Adde is accompanied by distinguished military officers
including Col. Ilkajiir. These new developments and the swelling of number
of fighters in Dhudo worried the Colonel.
In the middle of this past week Col. Yusuf flew to Ethiopia in order to seek
ammunition and other military assistance in order to extend his trade mark
to the areas outside his brutal hegemony. Reportedly, Col. Yusuf asked his
commanders in Gaalkacyo to send three N-3 Fiat trucks to Dire-dawa. The
trucks will change their Somali plate numbers at Galladi, a border town, and
will proceed to their destination with Ethiopian plate numbers. It is the
same trucks that have hauled weapons continuously from Dire-dawa for the
last few years.
The international community, including the UN team monitoring the violation
of the ban on weapons to Somalia should take note of the Colonel's naked
efforts to re-start a new bloodshed in Puntland. The relevant institutions
should not pencil-totting teams to Puntland next year.
Somali Peace Rally (SPR) will closely monitor the Colonel's efforts to wreak
havoc in a previously peaceful region. It is no secret that this dictator
committed atrocities against human rights in Puntland, and this trend is
expected to continue. SPR is condemning the new war drums in Puntland, and
asking all parties involved in Somali affairs to be vigilant on the
Colonel's new suicidal actions in Puntland and elsewhere.
sprally@hotmail.com Disclaimer:
Opinions expressed here those of the authors, and do not necessary reflect
the opinion of SomaliTalk Qoraalkii
hore ee SPR com
|