SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - PUNTLAND

Sagaal ilaalada gaarka ah ee Col.C/laahi Yusuf oo ku Geeriyootay Shil Gaari....  

SomaliTalk | Bosaso 09 Dec 2002.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaso ayaa sheegaya in maanta gelinkii hore uu COl. C/laahi Yuusuf u soo baqooley magaala madaxda dowlad goboleedka Puntland ee Garoowe, isagoo lagu waday inuu uga sii ambabaxo magaalada Eldrot oo uu uga qebgali lahaa wareegii labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaalida uga socda halkaas. 
Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
   
Dhanka kale warar aan ka helnay ilo xog-ogaal ah oo aan khadka isgarsiinta kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey in shil baabuur oo ka dhacay meel u dhaxaysa Qayaadsame iyo Dalweyn ay ku geeriyoodeen 9 ka mid ah ilaalada gaarka ah ee C/laahi Yuusuf halka ay ku dhaawacmeen 7 kale, dhaawacoodana la keenay magaala Boosaaso. 

Isha. Wargal jooga Bosaaso 

Dec 9, 2002

<><><>

Nin Soomaaliyeed oo Lagu Diley Atlanta, Georgia, USA

SomaliTalk.com | Dec 8, 2002 | USA

Wararka ka imanaya magaalada Atlanta ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in nin Soomaaliyeed lagu diley halkaas. Warka oo dhan 

 

Waxaa la soo sheegay in ninkaas Soomaaliyeed oo magaciisa la yidhaahdo Abdisamed Jama Musse lagu dilay magalada Atlanta USA habeenimadii axadii hore 01/12/02, Marxuumku wuxuu la tukadey saladi tarawixda saaxibadii 21:00 local time, Ka dibna shaqo ka sii aaday, subaxnimadii isniinta ayaa maydkiisa la helay ayaa la soo shegay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco SomaliTalk

 

M jidaal 
jidal5@hotmail.com  

December 8, 2002

LIFAAQ: warar kale oo soogaarey SomaliTalk ayaa sheegay in ninkaas soomaaliyeed uu ahaa Tax-wade (taxi Driver). welina lama oga cida ka dambeysey dilkaas.

<><><><><><><><>

Zenawi oo Soomaalida ku eedeeyey Qaraxii Mombasa

Wararysi ay idaacada BBC qaybteeda Ingiriisku la yeelatay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, markii uu kasoo laabtay safarkii uu ku tegey Maraykanka  ayuu ku sheegay in uu hayo waxyaabo muujinaya in laga yaabo in koox soomaaliya ka hawl gasha ay ka dambeeyeen weerarkii israa'iiliyiinta Kenya.

Zenawi wuxuu sheegay in kooxdaas oo ku xiriirsan Alqaciida oo la yiraahdo alitixaad laga yaabo in ay dooni kaga soo safreen soomaaliya oo sidaas kusoo galeen Mombasa, waa sida uu warku u dhigaye.

Laakiin Zenawi wax caddayn arintaas u ah masoo hordhigin BBC-da Afrika.

Waxaase BBC-du sheegaty in Zenawi haystaa fursad uu sarkaalka Maraykanka ah ee  tooddobaadka soosocda imanaya AdisAbaba ugu cadayn karo in kooxdaasi ay lug ku lahaayeen weerarkaas.

 ISHA WARKA: http://news.bbc.co.uk/1/hi/world/africa/2554285.stm  

Dec 8, 2002

<><><><><><><>

Yusuf C/casiis oo Laga Soo daayey Xabsiga Bosaso
Yusuf C/casiis Maxamed oo ka mid ah Xubnaha Sarsare ee Jaamacadda Bariga Afrika ayaa maanta kowdii duhurnimo laga soo daayey... Guji..


I  I  D  H  E  H

 TAARIIKHDII SAXAABIGII: USAAMA BINU ZEYD

"Waa Xil Saaran Amnesty International inay booqato oo
u hadasho Afarta Soomaalida ee kujira xabsiga Mombasa Kenya", sidaas waxaa yiri Maxamuud Wardheere oo warqad u diray... Guji....

MINNESOTA, USA: Maxkamadii Siciid M. Guuleed oo Dib Loo Dhigay Ilaa Khamiista soo socota: Faahfaahinta kala soco Somalitalk....

JWXO oo Hablayada Ciida u Direya Shucuubta Islaamka
Wararkii Radio Xoriyo ee maanta Guji....

Soomaalida Minnesota, USA iyo Maalmaha Ciidul Fidriga
Shalay oo ciid ahayd iyo maanta oo Jimce ah waxay Soomaalida labada magaalo ee St.Paul/Minneapolis u ahayd maalmo farxad gaar ah u leh, warbixin arintaas ku saabsan  Ka.Akhri.Halkan

Maanta oo Muslimiinta India Ciideen
ayaa waxaa ku beegan maalin Islaamka u ah maalin murugo, waa December 6 oo ah maalintii  la burburiyey Masjidkii.... GUJI

"Cali Khaliif Galaydh ayaa faafiyey in Aabahay Xiriir La Lahaa Usaama,....
Al-Itixaad iyo Al-Islaax-na  waxay xiriir la leeyihiin  Alqacida" Sidaas waxaa yiri Xuseen Caydiid oo waraysi dheer oo SomaliTalk la yeesheen kaga hadlay arimo dhinacyo badan taabanaya. waraysigii oo dhan.. GUJI.. [Fahad Yaasiin]

 /11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD