Golaha guud ee midnimada iyo iskaashiga beesha Kablalax Daarood-unitedkablalax
networks- oo ah xudunta kulmisa,iskuna xirta xubnaha iyo jaaliyadaha
ku abtirsada beesha Kablalax Daarood ee dibadda iyo gudaha dalka, waxaa nasiib
wanaag ah in uu martiyo barnaamij si cilmiyaysan loo soo diyaariyey oo ka
kooban dood ballaaran iyo wada hadal ku qotoma saraaxad iyo is qadarin hufan.
Barnaamijkaasi oo ku dhamaaday guul weyn, is afgarasho wacan iyo goáanno
si wada jir ah loogu heshiiyey, waxaa qabanqaabadiisa iyo agaasinkiisaba lahaa,
si loo wada bogeyna uga soo shaqeeyey labada guddi oo kala ah guddiga
maamulka iyo guddiga odayaasha ee golaha unitedkablalax Networks.
Waxaa nasiib wanaag ahayd in halkaasi si qoto dheer oo ku qotonta
aqoon,waaya aragnimo, cadaymo taariikheed iyo dhaqameedba loogu lafa guray
xaaladda guud ee Soomaaliya ( Marxaladda maanta iyo afafaalaha
mustaqbalka), wadciga gaarka ah ee ay ku sugan yihiin deegaannada
beesha Kablalax iyo sidii loo sii xoojin lahaa midnimada dhinac kasta iyo
iskaashiga dhammaan arrimaha saldhigga u ah jiritaanka iyo horumarka beesha.
Barnaamijkaasi qiimaha badan waxaa sharaf weyn noo ah in ay ka qayb qaateen
dad aqoon fog u leh, in badanna ku soo noolaa arrimahaasi aan kor ku xusnay.
Waxaa guud ahaan la isku afgartay in beesha Kablalax Daarood oo baaxad
deegaan iyo tiro dadba ka mid ah qawmiyadaha ugu waaweyn kuwa geeska Afrika,
isla markaasina ah qawmiyadda ugu ballaaran dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay
marayso marxalad taariikhi,xasaasi ah, sababtaasi awgeedna ay lama huraan
tahay in la helo qorshe adag oo siyaasadeed, dhaqan-bulsho,dhaqaale iyo ugu
sarrayn in si xoog badan la isugu geeyo dhammaan awoodaha maadiga ah
iyo kuwa macnawiga ahba ee uu eebe si gaar ah ugu nimcaystay beesha.
Waxaa la isla wada arkay in maanta ay beesha hortaallo siyaasad
cadawtinimo iyo colaad naxariis daran oo ay si bareere ah ugu cadaysteen kooxo
liddi ku ah jiritaanka beesha iyo karaamadeeda. Kooxahaas oo ku heshiiyey
xaqdarro,xasuuq dad rayad ah, burburin hanti,boob deegaanno iyo khayraad dad
kale iyo xadgudubyo joogto ah oo xattaa aan la dhaafin caruur,haween iyo
waayeel aan haba yaraatee wax denbi ah galabsan.
Kooxahaasi oo aan haba yaraatee wax tixgelin ah u hayn xeerarka
xaquuqda aadamiga ee u dhigan bulshada caalamka, waa kuwa aannu u
naqaan in ay ku sifaysan yihiin kooxaha sharka iyo argagaxisada qaawan
ahna: eedaysanayaasha kooxda Carta, iyo taliska ina Cumar Geelle ee xasarad
doonka ah ee Djibouti iyo weliba kooxo kale oo hunguri-raac ah oo ay ku
adeegtaan kuna fushadaan danahooda iyo hawlaha sharka ee ay ku bahoobeen.
Dhibanaha shacbiga Soomaaliyeed marnaba kama badbaadin dhibaatooyinka ay
sababeen kooxahaasi, waxaanuse hadda iyo horeba ognahay in ay masuul ka yihiin
dhimashada iyo dhiigga xad dhaafka ah, mawjadda aan degin ee qaxootinimo
iyo guud ahaan rafaadka iyo kadeedka haysta muwaadinka Soomaaliyeed.
Haddaba iyadoo arrimahaasi oo dhan la fiiriyey,lagana wada faalooday waxaa si
wada jir ah loogu heshiiyey goáannadan iyo talooyinkan hoos ku
qoran iyo in sidoo kale lala socodsiiyo saxaafadda iyo qalabka
warbaahinta casriga ah ee Soomaaliyeed (Internet).
- Golahu-Unitedkablalax Networks- wuxuu soo
dhoweyn,taageero iyo ka qayb qaadasho weynba siinayaa shirweynaha dib
u heshiisiinta Soomaaliyeed ee la filayo in uu ka furmo dalka Kenya
dhowaan , waxaanuna rajaynaynaa in uu noqdo mid dhaliya qaran soomaaliyeed
iyo guul waarta oo ay higsadaan shacbiga Soomaaliyeed.
- Unitedkablalax Networks, waxuu uga digayaa shacabka
Soomaaliyeed -waana waajib ina wada saaran- in ay ka gaashaantaan
siyaasadda madow, shirqoollada,beenta iyo sunta khatarta ah ee ay
kula dhex dhuumanayaan kooxihii aanu kor ku soo xusnay iyo
hunguri-raacoodu.
- Unitedkablalax Networks, oo nasiib wanaag u yeeshay in
uu ku hadlo codka iyo aragtida malyuunno u dhashay beesha Kablalax Daarood,
wuxuu si buuxda u soo dhoweynayaa,diyaarna u yahay wada shaqayn iyo xoojin
hindise iyo barnaamij kasta oo Soomaaliyeed oo daacad laga yahay sidii dib
loogu soo celin lahaa qarankii Soomaaliyeed, loona soo dabaali lahaa
nabad,cadaalad iyo horumar dhinac kasta oo u suganta dadweynaha
Soomaaliyeed.
- Unitedkablalax Networks, waxaa si cad uga goán in
aanay marnaba suurtagal ahayn, balse ay tahay denbi (Jariimo
xun) aan denbi dhaaf lahayn in si toos ah ama dadbanba loogu
gorgortamo,loo dayaco ama looga tanaasulo hal taako oo ka mid ah
ciidda deegaannada beesha Kablalax Daarood gaar ahaanna deegaannada ilaa
iyo haatan xaqdarrada ku maqan ee Gobolka Jubbada Hoose.
- Unitedkablalax Networks, wuxuu diyaar u yahay abaabul
iyo u ololayn wax kasta oo loo huri karo sidii dib loogu xorayn lahaa
deegaannada beesha ee Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan, iyo suurto
gelinta awood kasta oo lagu fulin karo ujeedadaasi sharciga ah.
- Unitedkablalax Networks, wuxuu si kulul u
cambaaraynayaa cid,koox,maamul iyo awood kasta oo isku dayda-amase ay la
ahaato sidaasi - in ay colaad,khilaaf iyo kala fogaansho ka dhex aloosto walaalaha
qabiil weynaha Daarood Ismaaciil ee wadaaga wada dhalasho aan dhayal
ahayn, sidaasi oo kalena waxaannu ku boorinaynaa dhammaan walaalaha
Daarood Ismaaciil in ay u hawl galaan sidii ay u adkayn lahaayeen
midnimadooda, iyaga oo keliyana ay u taalo sidii ay si
nabadgelyo iyo wada hadal xadaari ah ugu xallin lahaayeen wixii is-afgaran
waa iyo muran yaal dhexdooda, hase ahaatee aanay marnaba u ogolaan
kuwo qalaad in ay ka dhex faaiidaystaan, isuguna dhiibaan wax kasta
oo ay ku waayi lahaayeen awooddooda dadnimo iyo sharaftoodaba.
- Dhinaca gobollada woqooyi ee Soomaaliya, waxaannu u nastiixaynaynaa maamulka
ina Riyaale in aanu sii qaadin tubtii iyo qaladaadkii uu reebay
ina Cigaal oo uu shanta kala baxo,carabkana ka haysto sheegashada
deegaannada Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle oo ah deegaanno Kablalax
Daarood ,sharci ahaanna hoos yimaada maamul gobolleedka Puntland ee
Soomaaliya.Waxaannu uga digaynaa maamulkaasi in uu isku koobo sharka uu
abuurayo hal sanduuq ama saxaaradna aanu u soo qaadan deegaannadaasi
xilliga uu qabsan rabo doorasho beenaadka uu damacsan yahay
dhowaan,haddiiba ay dhacdo in uu dhegaha ka cufaysto,dhayalna u qaato digniintan
waxaanu haddaba u sheegaynaa in uu keligiis masuul ka noqon doono
wixii khasaare nool iyo moodba ah ee ka yimaada,beesha kablalax Daaroodna
ay adeegsan doonto awood kasta oo reebta xanuun baán oo aan dhammaad
lahayn.
- Waxaannu si buuxda oo xooggan u garab siinaynaa,soo dhoweynaynaa
tallaabo iyo qorshe kasta oo ay dawlad gobolleedka Puntland aragto in ay
munaasib,lagama maarmaan tahay in ay kaga hor tagto damaca iyo siyaasadda
xasaradda ah ee maamulka ina Riyale ee ku saabsan Deegaannada Beesha
ee Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle.
- Unitedkablalax Networks, wuxuu hambalyo iyo taageero
walaaltinimo u gudbinayaa shacbiga reer Puntland, geesinimada aan la
inkiri karin ee ay ku burburiyeen dhammaan shirqoolladii foosha xumaa ee ay
u maleegeen kooxaha sharka iyo argagaxisada qaawan,kuwaasi oo
damacsanaa in ay dhidibbada u siibaan jiritaanka Puntland si ay fursad ugu
helaan in ay dulaystaan shacbiga,boobaan khayraadkiisa,duugaan
taariikhdiisa ugu dambaynna ku dhaqaan qorshe maamul gumaysi quursi dheer.
- Waxaannu talo ahaan u soo jeedinaynaa maamulka dawlad gobolleedka
Puntland, gaar ahaanna ka codsanaynaa madaxweynaha dawladda Mudane
Cabdullahi Yuusuf Axmad in uu ku dhawaaqo qabashada shirweyne guud oo ay
yeelato beesha Kablalax Daarood, kana soo qayb galaan waxgaradka hogaan
dhaqameedyada,siyaasiyiinta,aqoonyahannada,jaaliyadaha dibadda,ururada iyo
qaybaha bulshada ee kale ee beesha Kablalax Daarood.Shirweynahaasi oo leh
ujeeddo xoojin midnimo,iskaashi dhinac kasta iyo wada tashi ay
yeelato beesha Kablalax Daarood,unitedkablalax Networks wuxuu diyaar u
yahay qaabilaadda dhammaan wixii kharash ah ee ku bixi kara shirweynaha.
Dhammaad.
Ka soo baxay:
Golaha guud ee midnimada iyo iskaashiga beesha Kablalax Daarood.
Unitedkablalax Networks unitedkablalax@yahoo.com