SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNESOTA
Xiriirka Saxaafadda soomalida & Qabyaalada !!
WQ. C/raxman Ceynte
MPLS, Mn

ceynteyare@hotmail.com | Agoosto 22, 2002

X A Y A Y S I I S
Internet-Access Soomaaliyeed oo laga furay Minnesota GUJI...
BOOQO BOGGA IIDHEH-DA
Waa Maxay IP-address:
Computerkasta oo dunida yaal waxa uu leeyahay lambar u gaara, kaas oo aan Computerkale la wadaagin, kaas ayaa loo yaqaan
IP-address, waana kan lagu garto halka uu dunida ka yaal Computerkaas. Waa lamba u qorma sidan: 123.45.6....., waana lambar aad muhiim u ah, waa lambarka lagu helo dadka rabshada u geysta website ama email iwm. Sida lagu ogaado IP-addresska email laguusoo diray iyo macluumaad la xiriira IP-address iyo ISP waxaad ka helidoontaan CD-ga AfSoomaaliga insha Allah kusoo bixi doona dhowaan.
 

Iyadoo lagu jirto xilli eey saxaafadda elektarooniga ah ee somalidu eey heerkii ugu sareeyey sabeyneyso ayaa haddana waxaa soo if baxaya xagaldaacyeeyn eey isku sameeynayaan boggaga internetka somalida qaarkood si toos ah & si aan toos aheynba.

 
Saxaafada Xorta ah:
 
Saxaafadda xorta ah ayaa qola waliba sideey doonto isaga fasiratay iyadoo dhidibada loogu aasayo nidaamka kumanaanta sano ka hor laga tagay ee qabyaalada  oo guud ahaan fara ba'an ku haya mujtamaca soomaaliyeed.
 
Aqoonyahanno soomaaliyeed oo aan arrintan dhowr goor kala sheekeystay ayaa is heybinaya tolow maxeey naga bedeshay ku noolaanshaha aan ku noolnahay qurbaha, gaar ahaan wadamada reer galbeedka oo wax isu oggolaansho siyaasadeed oo fara badani ka jiro ? aniga wexeey ila tahay inaan soo rarnay jirkeena oo kaliya, ee marnaba aanan soo rarin quluubteena & fikirkeena ku aadan siyaasadda & arrimaha bulshada mar hadii saxaafadda elektorooniga ah ee soomaaliyeed oo inteeda badan laga hago wadamada galbeedka eey gacan siineyso gacan ku dhiiglayaashii naga soo qixiyey hoygeenii qaboobaa .
 
Dabcan dhamaantood sidan ma wada ahan, oo toboneeyo kamid ah waa kuwa lagu yaqaan dheeli tirnaan & taxadir fara badan.
 
Reer galbeedku meelo badan ayeey ku dayasho nooga mudan yihiin waxaana ka mid ah in laga ilboxo qulubka & is-heysiga ku saleysan qabiilka guracan, dabcan waa xaqiiqo in reer galbeedku leeyihiin boqolaal astaamood  oo xun oo aan looga dayan karin, nasiib xumase  dhalinayaradeenii intii xumeyd beey kaga dayadeen, oo hadii aad aragto magaalooyinka Minneapolis, Toronto & London waad ku yaqyaqsooneysaa heerka eey dhalinayaradu gaareen ilaa qaar  wiilasheenu  sidii haweenkeena caadada u aheyd dhagaha durtaan !
 
Aqoonyahanadii & qeybihii kale ee bulshada ayaa iyana la oran karaa fikir ahaan ineeysan waxba ka badalin aragtidooda ku wajahan arrinta soomalia, hadii eeysanba heer ka xun gaarin.  is beddelka la taaban karo leyskuna wada raacsan yahay ayaa ah in dad badan loo soo dhoofiyo galbeedka, waa yaabe mexeey tiradu soo kordhineysaa hadiiba  tayadu sideedii ama ka hoosba ceegaagto ???
 
Xirfadlayaasha Qabiilka & .Com-ka !
HALISTA QABYAALADDA Digniin Ummada Soomaaliyeed GUJI...
La yaab ma'ahan inaad aqrido maqaallo ama warar ku qoran bogagan xowliga  ku guurayya ee (.com) -dhibic- Com-tu u danbeyso ee heehaabaya samada warbaahinta casriga ah ee Internetka oo xaqiiqda ka fog, kuwaan oo ka dhaga la'a ama la dhihi karo weey iska indha-tirayaan caalamkan ku sii siqaya is-baheysiyada & bahweynta ku bohoobaya jiritaanno ka fog cidlada kalinimada & kali istaagaba.
 
Bal ila fiiri markale qaab dhismeedka caalamkan casriga ah oo ku dhisan midowyo & gobollo isu tagay oo dhistay awood wax muquunin karta, sida midowga yurub (EU) & mareykanakaba (USA) !  Bal  u bar-bardhig is-faquuqida & iskali-taagida ka aloosan soomaliya, oo gobol walba, qabiil walba & juffa walibaaba u irdhineyso ineey kaligeed qaran noqoto !
 
haddana xirfadlayaasha hor boodaya qaar ka tirsan boggaga soomaalida ayaa caadeystay isku soofeynta dad walaalo ah oo boqolaal sano daris ahaa, iyagoo waliba wata -ama sugaya- baasabooro eey leeyihiin qaruumo midoobay & gobollo bohoobay oo gaashaan buur ah !  bal miyeeysan  is ceebeysaneeyn oo eeyan laheyn xubin danqata oo daqiiqada yar  ku fikirta ineey  boggan eey  isku dirka & aflagaadada uga shaqeynayaan eey  ugu adeegaan in qarankoodu  bohoobo oo goboladoodu   gaashaan buuroobaan, Ileeyn " fari  kaligeed fool ma dhaqdee" !
 
Waxaad moodaa in qaar ka mid ah bogaga soomalidu eey afkooda ku hubeysan yihiin, ha yeeshee nasiib wanaag waxba kama badali karaan awooda milatari ee juffadoodu leedahay nusqaan & ziyaadaba,  walow eey iyagu moodaan ineey ku janno tagayaan taageeridda dhiig miiratada qarankooda iibsaday, haddana waxaa hubaal ah inaan cadaab alle mooyee wax kale  lagu badsaneyn  taageerada qab-qablayaasha dagaalka oo aan aniga & inta damiirka lihiba u aaminsan nahay ineeyan waxba is dhaamin oo " dameer & dhigihiis yihiin" meel kasta & waqti walba  oo eey joogaanba.
 
Gunta & Gunaanadka
 
 QABYAALADDA
Waxyeelada Qabyaaladda iyo Wacyigelinta Ummadda GUJI...
Somali badan ayaa aaminsan ineey adag tahay in leyso keeno qarankan markale, laakiin anigu taa waan ka soo horjeedaa oo waxaan qabaa in la mataaneeyey quruumo aan dhul, luqad, midab & diin toona wadaagin oo maanta hal calan & hal baasaboor dunida ku mushaaxaya, wexeey ila tahay in taa la gaari karo hadii laga soo qaado Cudurka qabyaalda inuu yahay tilmaan dadka kaa soocda oo kaliya ee aadan  cidna wax dheereyn, cidka ka hooseyn, sidee taa lagu hiigsan karaa ayaa ah su'aasha ka soo bexeysa meeshan ? waxaana ku soo koobi lahaa in aqoon yahanada soomaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwooda ishoodu milicsatay caalamkan wax isu ogolaanshuhu hareeyey  in eey bilaabaan siminaaro xoog leh oo loo furo soomaalida gudaha ku dhaqan oo lagu barayo sinaanshaha aadanaha alle guud ahaan, gaar ahaan walaaltinimada islaamka misana soomaalinimada, laguna daro aragtidan maadooyinka lagu qaato loogana doodo dugsiyada hoose, dhexe, sare & jaamadahaba.
 
 
ugu danbeyntii waxaan u soo jeedin lahaa   - ka qoraa & saxafi ahaanba -  walaalheyga soomaliyeed guud ahaan, gaar ahaan qorayaasha bogaga internetka ineey ka feejignaadaan qoraaladooda  wax u dhimi kara sumcadooda mustaqbalka, ogaadaana in Alle uu su'aali doono kalimad kasta oo aan xaqiiqda ku dhisneyn ama xagal daacini ku dahaaran tahay oo eey ku daabacaan bogaga eey mas'uul ka ka yihiin ileeyn " ruux waliba wuxuu mas'uul ka yahay wixii la raacsaday, waana laga su'aal weydiin doonaa maalinta qiyaamee " Xadiis
 
Wabilaahi-Towfiiq
 
C/raxman Ceynte

 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan, 

FAAFIN: Agoosto 22, 2002  


Warbixin Shirkii Ardada Somalida Minnesota
Shir si caalami ah loo soo agaasimay oo eey soo qaban-qaabiyeen naadiga ardada soomaaliyeed ee Minnesota ayaa xalay lagu qabtay jaamacada Minnesota
GUJI...  17/8  

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QADO SHARAF LAGU SAMEEYEY QASRIGA MADAXTOOYADA PUNTLAND: 9 Agoosto 2002-Waxa booqday Boosaaso wafti reer  Jubaland oo uu hogaaminayo Gen. Morgan.

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa  u sameeyey Waftiga reer Jubaland qado sharaf Qasriga Madaxtooyada
Puntland.

Waxaa ka soo qayb galay Qado Sharafta Madax Sare ee Dawladda Puntland sida Madaxweyne ku Xigeenka, Wasiirro, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo marti sharaf kale.

ISHA: Xafiiska plpresidency@yahoo.com  


cigaal Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal xilligii uu safiirka ka ahaa india 1975-1976 oo salaamaya madaxweynahii india ee waqtigaas, Fakhrudin Ali Ahmed. Fakhruddin waxa uu madaxweyne ka ahaa India August 24, 1974-Feb. 11, 1977  GUJI

Kaqayb qaado dhismaha Masjidka Abubakar ee Seattle, Washington GUJI... 



prof. Samatar"Hinaase waa jiraa, Daar waa la furi karaa..." Prof. Samatar
Sidaas waxaa yiri Prof Cabdi I. Samatar oo ka jawaabaya su'aal la weydiiyey oo ahayd sababta uusan uga hadlin jaamicada Boosaaso, GUJI.. 20/8 


QuraanGudoomiye Maxkamadeed oo Ogolaaday in Quraanka Lagadhigo Jaamacad Maraykan ah
Qareen Maraykan ah ayaa xakumay in Jaamacada North Carolina lagu dhigi karo Quraanka, waxana uu yiri “quraan aqriska kama qaado qofka xornimada" .... GUJI... 19/8 

MACLUUMAADKA INTERNETKA


Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD