X A Y A Y S I I S |
Internet-Access Soomaaliyeed oo laga furay Minnesota
GUJI...
BOOQO BOGGA
IIDHEH-DA
|
Waa Maxay IP-address:
Computerkasta oo dunida yaal waxa uu leeyahay lambar u gaara, kaas oo aan Computerkale la wadaagin, kaas ayaa loo yaqaan
IP-address, waana
kan lagu garto halka uu dunida ka yaal Computerkaas. Waa lamba u qorma sidan:
123.45.6....., waana lambar aad muhiim u ah, waa lambarka lagu helo dadka
rabshada u geysta website ama email iwm. Sida lagu ogaado IP-addresska email laguusoo diray iyo macluumaad la xiriira IP-address
iyo ISP waxaad ka helidoontaan
CD-ga AfSoomaaliga insha Allah kusoo bixi
doona dhowaan.
|
BAY CENTRE FOR CONFLICT PREVENTION (BCCP)
Galkaio City, Somalia, August 22nd , 2002
PRESS-RELEASE
BCCP/INF/BS20/M7/2002
Shacabka reer Puntland oo la dhibaataysan Xasuuq iyo Asal tir-tirid
Galkaio, Agosto 22, 2002 – "Bay Centre for Conflict Prevention" (BCCP) –
BCCP waxa ay si qoto dheer uga soo horjeedaa oo u canbaaraynaysaa
xir-xiritaanka, cabsi galinta, dilka iyo asal titirka ee lagu wado
waxgaradka reer Puntland, hogaan dhaqmeedyada Puntland, siyaasiinta reer
Puntland iyo shacabka reer Puntland ee Soomaliyeed.
Ciidamada ka amar-qaata Kornel Cabdullahi Yusuf ayaa xasuuq xad dhaaf ah,
dilal, ciqaabo kulul oo xad-dhaaf ah u gesytay shacab badan oo aan hubeysnay
oo degan magaaloyin ay ka mid yihiin Bosssaso, Qardo, Garowe iyo Galkacyo
ee gobolka Puntland. Ficiladan foosha xun ee Cabdullahi Yusuf iyo cidamada
ka amar-qaata waxa ay ka turjumaysaa in Cabdullahi Yusud uuna qiimeynaynin
xaquuqda bini-aadan ee muwaadanka Somaliyeed, iyo waliba xaquuqda caalimga
ah ee caalamka aduunyada ay dhamaantood aqoonsan yihiin.
Waxaa jira warar sheegaya in ciidamada Abdullahi ka amar qaata ay dhibaato
badan u geysteen shacab badan oo aan hubeysnayn magaalada Bossasso oo ka
banaan baxayay ficilada xun-xun ee Cabdullahi Yusuf wado, ficiladaas
dhibaato ee uu Abdullahi geystay waxa ay lid ku yihiin xaquuqda
banaan-bax-nabadeed oo dastuurka Puntland u ogolaanayo shacabka Somaaliyeed
ee reer Puntland. Shacabka reer Puntland waxa ay ka banaan baxayeen dilalka
foosha xun, xasuuqa, asal tir-tirka reereed, xariga iyo sicir bararka
suuqayda ee ay sababeen ciidamada Cabdullahi Yusuf ka amar qaata. In ka
badan boqol dadka banana baxayay ayaa xabsiga loo taxaabay, ugu yaraan
todobaatan qofna ilaa hadda xabsiga ayaa lagu hayaa si sharci daro ah.
Ilaa 2dii bishii Juun, wax-garadka reer Puntland, shacabkooda iyo
hogaamiyaasha dhaqanka ee Puntland ayaa waxa ay maalinba maalinta ka
danbaysa ay la kulmayeen xasuuq, caburin, xabsi iyo dil ay wadaan ciidamada
ka amar qaata Kornel Cabdullahi Yusuf.
17kii bishan Agosto, hogaan dhaqmeedka Somaaliyeed, Suldaan Axmed Moxamed
Hurre, oo aad looga qadariyo gobolada Puntland iyo Somaliya, ayaa si kas ah
loo toogtay, si fool xuna loogu dilay guriga hoyaadiis hortiisa oo ku yaal
tuulada Kalabayr oo u dhaxaysa Garowe iyo Galkacyo, falkaas foosha xuna uu
geeystay ciidan uu amray Cabdullahi Yusuf. Cidamada ka amar qaata Cabdullahi
Yousuf ayaa dhawaan xabsiga u taxaabay Suldaan Saciid Cirbad oo aad looga
qadariyo Puntland, xaalada caafimaadkiisana aad ayay u sii xumaanaysaa,
isaga oo loo diiday in uu helo wax daawo ah. Dhawr bilood ka horna waxa ay
ciidamada Abdullahi Yusuf si xun oo aan naxariis la-hayn ugu dilaan Kornel
Farah Dheer magaalada Garoowe oo ahaa ganacsade caan ah.
Bishii Juun 5dii ayaa ciidamada Cabdullahi Yousuf waxa ay si aan naxariis
lahayn u garaaceen oo ay gurigiisa xoog ugala baxeen Gudoomiyaha Jamacada
East Africa University ee magaalada Bossaaso, mudane Yusuf Cabdicasiis. Ilaa
hadda cid ka warqabta in uu nool yahay ma jirto.
Fool xumadda, xasuuqa iyo dhibaatada loo geystay Suldaan Hurre, Suldaan
Cirbad, Col. Farax Dheere iyo Yusuf Cabdicasiis waxa ay tussaale aan
wanaagsanayn ka bixinaysaa ixtrimaam la-aanta joogtada ah ee uu Kornel
Abdullahi Yosuf uu ku hayo xaquuqda bini-aadanimo, kuna burburinayo nabada
gobolada Puntland.
Waxaanu fartiin cad oo digniin ah u diraynaa dagaal oogaha Cabdullahi Yusuf
iyo ciidamdiisa ka amar-qaata ee sidda wada jirta ah u sameynaya danbiyada
foosha xun ee loo geeysanayo ummada reer Puntland. Waa in ay ogaadaan in
maanta iyo bariba, uu mid walba oo iyaga ka mid ah uuna ka fakan doonin
dhibaatada foosha xun ee ay geesanayaan ummadda Somaliyeed ee reer Puntland.
Waxaanu ku adkeynaynaa hayadaha xaquuqda bini-aadanka ee calamiga ah iyo
waliba bulshada aduunka in ay dagaal ogaha Cabdullahi Yusuf ay horkeenaan
Maxkamada Calamiga ah ee Falalka dabiyada oo waafaqsan xaquuqda caalimga ah
si looga hortago in ayna mar danbe ayna ficiladan shaydaanimo uga dhicin
wadanka Somaaliya. Cabdullahi Yusuf waa in uu si dharuud la-aan ah ku sii
daayaa dadka uu sharci darada ku xirtay, kana waantooba sida ogaalka ah oo
uu u xasuuqayo waxgaradka Puntland, hogaan dhaqmedyada iyo weliba ciqaabta
foosha xun ee uu ku wado shacabka reer Puntland, waa in uu ixtiraamaa
xaquuqda bini-aadanimo ee shaqsiga iyo mida calamiga ah.
Waanu si wadaynaa baritaanka dhibaatada uu Cabdullahi wado iyo saanta ay ku
leedahay ficiladiisu deganaashaha gobolka iyo weliba Soomaliya.
baycentre@hotmail.com
QORAALADII
HORE EE BCCP
BAY CENTRE FOR CONFLICT PREVENTION (BCCP)
Galkaio City, Somalia, August 22nd , 2002
PRESS-RELEASE
BCCP/INF/BS20/M7/2002
Civilian Populations in Puntland State of Somalia Suffer Atrocities And
Ethnic Cleansing
Galkaio City, August 22nd , 2002 – "Bay Centre for Conflict Prevention"
(BCCP) – The BCCP monitoring officials deeply deplore the circumstances of
the arrest, intimidation, killings and ethnic cleansings of Puntland
intellectuals, traditional clan elders, political activists and civilian
populations in Puntland State of Somalia.
The militiamen of Col. Abdullahi Yousuf have caused untold hardships,
killings and atrocities among civilian populations in Bossasso, Qardo,
Garowe and Galkaio Cities of Puntland State of Somalia. The evil actions of
Col. Abdullahi Yousuf and his militiamen bring into serious question his
contempt to internationally recognized standards of human rights.
There are disturbing reports that Col. Yousuf’s militiamen used force to
break up a peaceful demonstration in Bossaso City in direct violation of
the right to peaceful assembly guaranteed by the Puntland constitution. The
participants were protesting killings, ethnic cleansing, intimidation,
imprisonment and hyperinflation caused by militiamen of Col Yousuf in
Puntland State of Somalia. Over 100 demonstrators were reportedly arrested,
and at least 70 are still in custody.
Since June 2nd, Puntland intellectuals, civilian populations and traditional
clan elders are more and more experiencing atrocities, brutal campaign of
repression, imprisonment and assisantions by the forces of Col. Abdulahi
Yousuf.
On 17th August 2002, Suldaan Ahmed Mohamed Hurre, a well-know traditional
clan elder in Puntland State of Somalia and Somalia was deliberately shot
and brutally killed in front of his mother’s house in Kalabayr village
between Garowe and Galkaio by the militiamen of Col. Abdullahi Yousuf.
Suldan Said Irbad, a well-respected traditional leader in Puntland, is under
arrest by the forces of Col. Yousuf in Bossasso and his health condition is
deteriorating. He is not allowed to receive appropriate medical treatment.
Col. Farah Dhere, a well-known businessman, was deliberately shot and killed
in Garowe few months ago by the militiamen of Col. Yousuf.
On June 5th 2002, Mr. Yousuf Abdiasis, President of East African University
in Bossasso City, is brutally beaten and forcefully taken from his home in
Bossasso City by militiamen of Col. Yousuf. No one can confirm if he is
alive.
The cases of Suldan Hurre, Suldan Irbad, Col. Farah Dhere, and Mr. Yousuf
Abdiasis are unfortunate examples of Col. Yousuf’s continued disregard for
internationally-recognized human rights and for peace.
The Centre sends clear message to warlord Abdullahi Yousuf and his
militiamen who are collectively committing crimes against humanity in the
Puntland State of Somalia. Each of them is not immune from prosecution now
or in the future.
The Centre urges international human rights organization and international
community to bring warlord Yousuf to International Court of Criminals in
accordance with international human rights standards to prevent any
recurrence of such criminal activities in Somalia. The BCCP urges that all
those arrested to be released unconditionally. The BCCP also urges warlord
Yousuf and his militiamen to respect the rights of civilian and desist from
willful targeting of Puntland intellectuals, clan elders and civilian
populations in Puntland regions, and to live up to international human
rights standards.
The Centre has raised its concern and is closely continuing to monitor evil
activities of Col. Yousuf in the Puntland State of Somalia and their
implication for the stability of region and Somalia at large.
QORAALADII
HORE EE BCCP
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan,
FAAFIN: Agoosto 22, 2002
.
|