SAXID IYO CADEYN KU WAJAHAN FAHANKII M/DEEQ EE MAQAALKEYGII BORLÄNGE
wq. Guled, Abdulhakim Ahmed | Agoosto
30, 2002
Ma doonayo inaan ka jawaabo fahankii dheeree ee uu qoraagu maqaalkii Soomaalida
Borlänge oo Danahooda ku midoobey kaga jawaabey. Waayo qofku waa u xor
ra’yigiisa, garashadiisa, iyo fahankiisaba qasabna ma aha in dadku isku si wax u
wada fahmaan; waa halka ay Soomaalidu ka tiraah " Wax nin Xil moodo ayaa nin
kalena Xarrago moodaa".
Hadaba Maqaalkeygii waxaan ku sheegay inay jiraan sideed urur oo Soomaaliyeed,
halka uu qoraagu uga jawaadey 7-urur, si taas ay u cadaato ayaan waxaan mar
labaad la xiriiray Xafiiska diiwaan gelinta ururada waxayna mar kale ii
cadeeyeen inay jiraan ugu yaraan 8 urur. Waxay kaliya oo ay sax noqon kartaa
7-da urur uu sheegay hadii uu ula jeedo kuwa wada hadalku dhexmaray.
Xaqiiqdii Soomaalida Borlänge dhamaantood waa walaalaheey, saaxiibadey, mana
jiro nin aan si gaar ah amaba si hoose aan saaxiib uula ahay sida uu sheegay
Maxamed-deeq Cabdi Madarna aysan ahayn.
Waxaan kaliya oo aan jeclahay wadajirkooda , horumarkooda iyo sidii ay si wada
jir ah danahoodu Aakhiro iyo aduunba u wada qabsan lahaayeen.
Guled, Abdulhakim Ahmed
Borlänge, Sweden
guledhakim@yahoo.com
Qoraalkii URURADA
SOOMAALIDA BORLÄNGE GOORMAY MIDOOBEEN?!!
GUJI.
FAAFIN: Agoosto 30, 2002 | SOMALITALK.COM
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qorayaasha ku saxiixan
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|