BAAQ NABADEED - PUNTLAND
Waxaa dhowaan, insha Allah, soo baxaya CD-gii mudada dheer lasugayey,
waa kii ugu horeeyey ee HTML iyo Macluumaadka Internetka oo Af-Soomaali ah,
si aad wax uga ogaatid CD-gaas Guji.Halkan
|
Bismilaaho Raxmani Raxiimi,
Anagoo ah wax garadka dhalinyarada iyo aqoonyahanada kasoo jeeda Jaaliyadda
Puntland ee ku nool wadanka dibadiisa gaar ahaan wadamada Africka , waxaan u
tacsiyeyneynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen dhamaan dadkii ku
geeri yooday dagaalkii ka dhacay agagaarka Qardho.
Anagoo hadalkeenii wali ku guda jirno
waxaan shacabka reer puntland usoo jeedinayanaa inay ku booriyeynynaa inay
kadamqadan foolxumada ku soo wajahan wadankeena kaasoo dhuminaayo sumcadeena
iyo waliba nasabnimadeena,
Muhiimada wax qabadaka koowaad waxaa yeelan
karo odayaasha beelaha ayadoo ururada haweenka iyo dhalinyarada ay
kamudaaharaadi karaan dhibaaooyinkaas hadii aanan laga hortagin waxay
sababaysaa dhaca oo bata kufsi iyo dil jogto ah hadaba anagu inkastoo wadanka
an banaanka kajoogno hadana waan isku dayaynaa sidii aan wax uga qaban lahayn,
Waxaan hambalyo u soo jeedinaynaa odayaasha
indheer garadka ahi oo arimahaan hada ku gudo jiro ayaan ugu abaal marinaynaa
howsha ay xagooda ka soo baxeen, alle ayaan ka baryaynaa inuu nabadeynta ay
odayasha ku jiraan uu u fududeeyo,
Ayadoo nin waliba uu heli doono wuxuu tabayo
hadana waxay ku haboontahay inaan xoog waxba lagu doonin ,taas ayaa ah mid kal
dili karta walalaha is jecel ,
Allaha idiin fududeeyo nabdeynt aad ku jirtaan
aabayaal,hooyooyin,walaalayaal, dhalinyarada hubaysaney idinka joojiya qoriga
aad wadaan ogada inad wada dhalateen,oo kii shalay difaca kula galayay uu yahay
kan aad maanta dilaysid ama aad dhufayska asagaba aad ugu jirtid,
Waxaan nahay walaalihiin oo jecel, israaca,
horusocodka iyo iskuxirnaanta beesha puntland,waadna ku mhadsan tihiin waanada
aad naga qaadateen ,./wabilahi Towfiq,
Waxaad nagala soo xiriiri kartaan cinwaanka
hoose,{ Ahmeddek,Dhegaweyne}
ahmeddek@somalitalk.com
Ahmeddek mohamed Omar
[Dhegaweyne]
P.o.box. 42821. MSA.Kenya,
Mobille, Phone
254 722 850 052,
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalkSOMALITALK.COM
|
August 6, 2002
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
Help The Fight Against Spam!
|