Abdi Abshir DorreEnvironmental coordinator(Agenda 21)
Skärholmen, Stockholm
Box 503, 127 26 Skärholmen
Direct: 0046 8 508 24 026
Mobile: 0046 704 724 026
E- mail: abdi.dorre@skarholmen.stockholm.se
Ma runbaa in soomaalidasweden
ku badan yihiin xisbiyada siyaasadda marka la barbardhigo wadamada kale ??
Waxaa u baahan in la xuso,
joogitaankeena qurbaha inoow toban jirsaday(soomaalida badankeed),
taasina eey la imaan doonto saameeyn badan dhinacyada nolosha ee dadka qurbaha
jooga iyo weliba dalkii oon saameeyn xoogleh aan ku yeelan doono sanadaha soo
socda. Dhinaca qoraalkani ka hadlayo, marka loo kuurgalo waxaad arkeeysaa laba
shaqsi (oo soomaali ah) oo xiriir ahaan aan isku xumeeyn ee hadana ka tirsan
laba xisbi oo aragti ahaan aad u kalla fog. Ma waan la oran karin caruurta
geeljiraha, ee hadaan soomaali nahay u badan nahay, waxbadan baan ka faa`iidnay
W-yurub gaar ahaan dalkan Sweden, maadaama ayagoo kalla fikir duwan eeysan is
naceeyn oo xiriiri karaan, kuna tartami karaan ineey fakarkoda u helaan
jaalayaal la wadaaga. Ha hilmaamin taasi suuragal kama aha geeljirayaalka(ka soo
jeeda asalka dhaqankeena oo geela iyo beertu asaas u yihiin) dalkiina ku sugan,
taas macnaheedu waxeey tahay, qasab maaha in aniga iyo adiga aan wax walba isku
raacno hadii kalle aan dhibaato isu geeysano, waa la kalla duwanaan karaa isla
mar ahaantaana la wada shaqeeyn karaa dhinacya badan oo nolosha aadanaha u asal
ah. Ogoobeey cidaan aqbalin waxa aadanaha kale eey ku kalla duwan yihiin inaan
asagana la aqbaleeyn, taasina waxeey ku danbeeyn dhaqanka awoowayaasheen
dhiniciisa xun ee ahaa: ninkii
xoogleh ayaa ceelka cabi……….nin xoogleh ayeey xaaja u toostay iwm.
Gunta qoraalkaan hadii aan u
soo dhowaado, een bal eegno dalkan waxa uu uga duwan yahan kuwa kale ee
soomaalidu ku nooshahay. Dalalkii soomaalidu eey u soo hayaameen, oo ayagoo aan
soo sahansan, sahayna so qaadan, sida habayaca leh eey isaga daba
yimaadeen(ayagoo nabad, naxariis, horumar iyo nolol raadis ah) waxeey ka siman
yihiin mid: waxeey ku dhaqmaan nadaamka dimoqoraadiyadda: Canada,
USA, Europe, Australia, marka laga reebo dalal kaloo badan. Ayadoo taasi dhab
tahay, isla markaana soomaalida dalalkaas ku nooli eey wax farqi oo eey ku kala
duwan yihiin eeysan jirrin(oo laga yaabo in walaalkaa, walaashaa, xaaska/odayga
walaakeed--walaashiis, saaxiibkii/tii qaaliga ahaa iwm eey ku nool yihiin
wadamadaas), ayaan hadana mararka qaar loo kuurgelin farqiga asalka ah ee u
dhaxeeya xaga fakarka soomaalida ku kalla nool dalalkaas, sababtu
waa fududahay, waayo dhibka maalmihii hore oo weliba goorka uu naga haraa eeysan
dhoweeyn ayaa u badan in la xaliyo kan dhaqan-dhaqaale, baahida aasaasiga ahna
la daboolo, markaa ka dib een qurbaha degenaano malahaa 25- 30-sannadood ayeey
weeydiinta ah maxaa laga faa`iiday dalalkaa kala duwan waqti loo heli doonaa? oo
soomaalida wadamadaas ku nooli eey ku kala duwan yihiin? arimo badan oon is
leeyahay in loo fiirsadaa waa muhiim ayaad moodaa ineey soo ifbaxayaan, oo dadka
garaadka iyo aqoonta gaarka ah u lehi ineey u fiirsadaan eey muhiim tahay.
Arrinta isweeydiinta lehi waa
sababta soomalidasweden u xiiseeyaan xisbiyada?
Soomaalida sweden degani ma aha
dad kaga firfircoon si gaar ah soomaalida kale arimahaas,oo caruurta geeljiruhu
waxeey wadan walba tageen ayagoo qaxaya, qaar gaar loo soocay oo meelgaara la
dejiyeyna ma jiraan, ha yeeshee arimaha suura gelinaya waa mid aan soomaalida ku
xirneeyn ee dalkan sweden uu sabab u yahay.
Hadaba Sweden, soomaalida ku
nool aad beey uga qeeybgalaan, kana mid noqdaan xisbiyada siyaasadeed, mardhow
laga yaabee ineey soomaali badani soo galaan golayaasha kala duwan ee xeer
maamulku ka soo baxo (heer degmo, gobol, iyo wadanba).
Saaxiibo USA ku nool baan
mararbadan ka maqlay in mareykankamadoow eey aad ugu fiican yihiin xaga
siyaasada iyo sharciga hadal heeyntiisa, kooda hela fursadna uu noqdo mid ku
reeba taariikh USA, sababna waxaa looga dhigaa shaqsigu marka uu dhiban yahay
wuxuu raadiyaa
inuu hello fursad uu ku
balaariyo saameeynta uu ku leeyahay bulshada uu ku dhex nool yahay, si naftiis
eey u hesho qanacsanaan, una dareemo inuu yahay qof qiimo ku fadhiya.
Ma lahaa arinkeena hadaan nahay
reersweden sidaa ayuu ku dhow yahay, nalama adoonsan, ha yeeshee ma fogeeyn
markii dadka wadankan u badani eey shaqsi madoow wada shaqeeyeen, wada hadleen,
meel wax ka wada cuneen iwm. Markaa waad garan kartaa farqiga noo dhaxeeya
annaga iyo shaqsiga soomaaliga ah ee degan USA, England, holland iwm.
Dadka heeysta qalabka lagu
cabiro “dimoqoraadiyada” wadamada eey isleeyihiin in la cabiro weey u
qalmaan marmar beey eegaan, waxeeyna helaan cabiro kalla duwan, hadaan marka
aqoontooda ka deeynsado, waxeey isku raacsan yihiin, in tusaale ahaan USA
marwalba cabirkeedu ka hooseeyo Sweden. Markaa waxaad iiga marag kici in uu
jirro halbeeg lagu cabiro dimoqraadiyada, hadaba markaas meesha soomaalidu degen
tahay saameeyn beey ku yeelan doontaa fakirkooda shaqsi iyo koox ahaanba, sida
eey u arkaan: fakarka xorta ah, saxaafada xorta ah, ururada xorta ah, xaquuqda
dadka tabarta daran, kan caruurta, iwm.
Hadaba anigoo dareemaya inaan
hubo ineey jiraan wadama badan oo Sweden la mida amaba ka daba dhow xaga
xoriyada insaanka, kaliya waxaan rabay inaan xuso arin xasaasiya oo soomaalidu
aad uga warqabtay maalmahan, ee ah 3-dhalinyaro ah ee soomaaliya oo lagu daray
liiska argagixisada dunida, dadbadan baa waxeey aaminsan yihiin in hadii eeysan
Sweden ku noolaan laheeyn, oo bulshada rayidka ahi u qeeylin laheeyn, oo
wasaarada arimaha dibada eysan u muujin laheeyn xaquuqda insaanka ineeysan
yareeysan ,in weli eey ku jirri lahaayeen liiska argagixisada. Taasoo macnaheedu
yahay shaqsiga aad buu u yahay wax qiimo badan ilaa aan laheeyn wax cadeeya
dhinaca kale oo muujinaya dambigiisa. Sweden bulshadeedana waa lagu barbaariyey
ineey isu gaashaanbuursadaan xaquuqul insaanka,aad beeyna u adag tahay, ineey
aqbalaan wax dadka ka qaadaya xoriyadda waayo asaga ineey dhibaatadu ku soo fidi
doonto ayuu aaminsan yahay.
Si hadaba aan u tilmaamo meelo
laga eegi karro arimaha u fududeeynaya qof kasta ee ku nool
Sweden inuu fahmo, hello dariiq
uu ku saameeyn karro bulshada uu ku dhex noolyahay, si qofwalbaa u dareemo in
qiimaha dadnimadiisa, fikirkiisa, xaquuqdiisa iyo waajibaadkiisa(oo ah aasaaska
dimoqraaidyada) bal ila eeg dhoowrkan dhibcood:
Waa dal aad loo sahlay, in
qofwalbaa noqdo xogogaal, looguna tala galay qof walba inuu fahmi karo sida
wax u socdaan, isla markaasna eey qasab tahay in agagaarkaaga waxa ka dhacaya
in lagu wargeliyo, saameeyna aad ku yeelan kartid. (waa
asalka Dimoqraadiyada, ha yeeshee wadamada aduunku isku heer kama joogaan).
Sweden, waxeey ka mid tahay
dalalka aduunka hogaaminaya dhinacyada ururada bulshada, ururada bulshadu waa
ka badan yihiin 10- milyan, tirada dadkuna waa ka yar thay 9-milyan, halkaa
baa laga qiyaas qaadan karaa.
Waa dal aad dadkiisu u
yaryahay marka loo barbardhigo dalka weeynaantiisa, taasina waxeey sahleeysaa
xiriirka iyo ka warqabka.
Waxaa jira sababo kaloo badan
oon halkan lagu koobi karin.
Tiro aan yareeyn oo soomaaliya
ayaa ka tirsan xisbiyada siyaasada ee wadankan sweden.
Xisbiyada siyaasada ee
soomaalidu aad ugu badan yihiin waxaa ka mid ah: The social D. party (waa
xisbiga eey ugu badan yihiin soomaalidu), The conservative party(the
right-wing),
iyo xisbiyo kale oo dhoowr ah.
Waxaa muuqata sanadkan in soomaali dhoowr ah loo soo sharaxay golaha degmooyinka,
kan goboladda, iyo kan wadankaba.
FAAFIN: Agoosto 30, 2002 | SOMALITALK.COM
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qorayaasha ku saxiixan
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|