|
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
ARAGTIDA
-
DADWEYNAHA
|
URURKA HORUMARINTA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.
UHGJH/Q-1/2002 DANHAAG, 04/08/2002
UJEEDDO: BAYAAN KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA 2aad EE DADKA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.
Waxaa dhowaan, insha Allah, soo baxaya CD-gii mudada dheer lasugayey,
waa kii ugu horeeyey ee HTML iyo Macluumaadka Internetka oo Af-Soomaali ah,
si aad wax uga ogaatid CD-gaas Guji.Halkan
|
Waxaa bishan Ogoosto 2-4dii 2002, lagu qabtay magaalada Dan Haag ee dalka
Holland shirweynihii 2aad ee dadka Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa ka soo qayb
galay
ergooyin ka kala socday Nord Amerika iyo Yurub iyo dadweyne lagu martiqaaday
shirka ee deggan dalka Holland. Shirweynaha waxaa marti geliyay oo si aad iyo
aad
ah u soo dhaweeyey ergooyinka Jaalliyadda Reer-Waamo ee ku nool dalka Holland.
SHIRWEYNUHU WUXUU SOO SAARAY BAYAANKAN SOO SOCDA:
1. Shirweynuhu wuxuu Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose u aqoonsaday
in uu noqdo ururka keliya ee matala oo u shaqeeya danaha dadka wada dega
Gobolka J/Hoose.
2. Shirweynuhu, wuxuu taageeraayaa halganka loogu jiro ka xoreynta deegaanka
Gobolka Jubbada Hoose Isbahaysiga isku bahaystay boobka, xalaashadayna dilka
iyo barakicinta dadka ku dhashay deegaanka Gobolka Jubbada Hoose.
3. Shirweynaha ma aqoonsan dowlad ku sheegga Carte ee markasta taageerada
iyo gurmadka u fidiya kooxda isbahaysiga Dooxada Jubbada isku magacawday. Sida
la
wada ogyahay kooxda Carte waxay isbahaysiga siiyaan hubka lagu laayo maatada,
saboolka iyo dadka aan waxba galabsan ee ku nool Gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.
4. Shirweynuhu, wuxuu ku baaqayaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu soo
celiyo gurahooda iyo deegaankoodaba dadka dhibaatada ku haysato xeryaha
qoxootiga dalka
Kenya.
5. Shirweynuhu, isagoo ka xun dagaallada sokeeye ee ka dhacaaya Gobollada
Puntland, Bay iyo Bakool iyo Banaadir, wuxuu ugu baaqayaa dadka ku nool in ay
iska joojiyaan
dagaallada dhexdooda oo ay ku dhimanaayaan dadkooda, kuna baaba'aaya
deegaankooda.
6. Shirweynuhu, wuxuu u arkaa xal u helidda dhismaha qaranimada Soomaaliyeed in
ay ku imaan karto marka hore in aan lagu deg degin dhismo dowladeed iyo in la
magacaabo
Madaxweyne, gole Wasiirro iyo gole Barlamaan ee marka hore waa in la isu
celiyaa
deegaannada la boobay iyo hantida la dhacay. Taasaana saldhig u ah xal u elidda dhisme dowladnimo Soomaaliyeed.
7. Shirweynuhu, wuxuu ansixiyay xeerka Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose
uu ku dhaqmi lahaa inta u dhexeeysa labada shirweyne.
8. Shirweynuhu, wuxuu isku raacay in loo diro tacsi iyo tiiraanyo eheladii iyo
qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwa weli dhibaatada ay ku haysato
deegaannada
Jubbada Hoose, Jubada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.
9. Shirweynuhu, wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dadka wada dega Jubbada Hoose,
Jubada Dhexe iyo Shabeellada Hoose in ay midoobaan, iskaashadaan meel qura
uga soo wada jeedsadaan sidii looga xoreyn lahaa burcadka isku bahaystay in
ay boobaan deegaanno ayan lahayn.
Walaalayall Madaxda Website-yada fariintan ay ku jeedo .
qoraarkan waxaa masuuliyadiisa lagala soo xiriiri karaa Maxamed Muse Abdi oo ah
Gudoomiyaha ururka hurumarinta gobolka jubadda hoose.
E-Mail: uhgjhoose@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalkSOMALITALK.COM
|
August 6, 2002
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
Help The Fight Against Spam!
|
HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA
Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo
cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas
iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN
GUJI....
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>> Usheeg Asxaabtaada
|
|
|