Cakuye Carabnimada soomaalida
& carab neceybkoodaba
WQ. C/raxman Ceynte | Agoosto
30, 2002
Muran aan dhamaad laheyn yaa ka taagan halka eey soomalidu asal ahaan ka soo
jeedo, waxaa leysku hayaa waa : carab, african & qolo iga yaabisay oo
sheegatay in soomalidu ka soo jeedo qowmiyado iyaguba sidii annaga ku wareersan
halka eey ka soo jeedaan sida: oromada.
Soomaalidu ma carab baa ?
Runtii waa su'aal da'aweynoo madaxa daalisa, ma carab baan nahay mise cajam?
waxaa igu dhaliyey su'aashan & maqaalkanba markii anigoo saakay ku jira
fasal aan ku lahaa jaamacada aan tago ayaa macalinkeyga cusub I weydiiyey halka
uu ka soo jeedo magaceyga (Abdirahman) ? markaas baan ku iri waa magac
soomaliyeed, markaas buu yiri " magac carbeed ayuu u egyahay " !
intaan markale kor u fiiriyey baan ku iri magac carbeed maahane waa magac
muslim ! markii horeba waxaan isaga daayey inaan magac muslim iraahdo anigoo ka
war-wareegsanayey inaan xiisad diineed fasalka ka dhex kiciyo, waliba waqtigan
xasaasiga ah ee reer mareykan eeysan la dhacsaneyn maqlida islamka &
muslimiintaba.
Professor-keygii ayaa markale i weydiiyey" oo soomalidu sow asalkoodu
carab ma ahan ? " markaas baan ku iri asalkeenu waa soomaali, asalkalena
uma baahnin anigoo ka biya diidsan " asal u raadinta soomalida" .
sideey doontaba ha noqotee proffesor-kii ayaa su'aal kale oo aad iigu cuslaatay
igu soo celiyey oo yiri " sow jaamacada carabta kama tirsanidina" ??
waan ku waafaqay taa, ha yeeshee weey igu adkaatay inaan u sharoxo sababta aan
ugu jirno & xiriirka naga dhexeeya annaga iyo jaamacadda carabta.
sida laga wada warqabana jaamacadda carabta hadda waxaa ku jira 22 dowladood oo
ugu yaraan saddex ka mid ah dadkoodu eeysan afka carabiga asal ahaan ku hadlin
oo kala ah : somalia, Djibuti & Comoros. somaliana 1974-tii ayeey ku
biirtay jaamacadda carabta, walow sida laga sheego Max'ed siyaad barre"
aanan carab aheyne danteena aan ku wadano" maxaa yeelay carabtu weey naga
taariikh & aqoon badan yihiin, dhaqaale ahaan & millatari ahaanba-na
waan u baahanahay iyaga wali, haba sheegin taageerada aqooneed eey u fidiyaan
boqolaal soomali ah oo deeq waxbarasho ke halay wadamadooda, dadka qaar ayaa ku
dooda in luqadeenu 30% af carabi tahay, sidaasna aan carab ku nahay, laakiin
qofkii sidaa aaminsan waxaan weydiin lahaa ka waran afka sawaaxiliga oo la
sheego in 40% in kadaban eey carabi tahay ? shakli ahaana annagaaba uga dhow u
ekeenshaha carabta marka naloo bar- bardhigo wadamada sawaaxiliga ku hadla.
Taariikhda soomalida marka laga hadlayana waxaa lagu tolaa asallo fara badan oo
eey carabtu ku jirto, wax suganse qof meel ku haya ma jiro intaan ka warqabo,
qabaa'il soomaali ah oo iyagu carab sheegtana weey jiraan oo ilaa qureysh
dhabbe iskula soo rida, xaqiiqduse wexeey tahay inaan wax sugan laheyn, iyadoo
eey taasi jirto ayaa haddana waxaa marag ma doonato ah ineey jiraan juffooyin
soomali ah oo la yiraahdo yemen ayeey ka soo jeedaan, midab ahaana u dhow
carabta, laakiin nasiib xumo wixii bur-burkii ka danbeeyey ayaa waxaa soo if-baxayey
in leysku caayo carabnimadii aheyd middii qolooyin badan u xusul-duubayeen,
waxaana waadix ah ineey taasi sabab u tahay awood millatari la'aanta ku
habsatay soomali yemen-ta ama muwalidiinta, inkastoo aan dhihi karo qoladii aan
xasuuq ka qeyb qaadan ineey nasiibsatay, haddana waxaad maqleysaa " war
carabnimada iska daa" oo loo jeedo fulaynimada iska daa !
Carabnimo naceybka soomalida:
aan ku hormaree sayid max'ed c/lle xassan oo in badan la
dagaalamay gumeysigii ingiriiska ayaa laga hayaa " maandhow calaacalka
iga daa carabi waa naage" markii mid ciidamadiisa ka mid ahaa uu u soo
bandhigay in sayidku kaalmo millatari weydiisto carabta, ku dhawaad boqqol sano
ka gadaal, gaar ahaan markii dagaaladu qarxeen ee dhamaan caalamka aan islaamka
aheyn gaar ahaan reer galbeedku irdohooda u ballaqeen kumanaanka qoxootiga ah
ee soo higsanayey dhulkooda ayeey carabtuna quffollo waaweyn irdohoodo ku
oodeen iyagoo waliba boqolaal soomali ah oo wadanka ugu hodansan carabta ee
saudi arabia u soo magan galyooday eey ku xirxireen xeryo ku yaal saxaraha
geeri go'anta ah ee boqortooyada, inkastoo boqortooyadu gacanta ku heyso
labadii xaram ee Alle oo la dhihi karo iskama aqbali karaan cid walba oo magan
galyo weydiisata ayeey haddana soomali badani ashqaraar & amakaag ku
noqotay arrinkaas.
sababahan & is barbardhigid leys bar bardhigayo galbeedka & carabta
ayaa sababay in soomali badani nacaan carabta oo dhan, oo xitaa mararka qaar
gaarsiiyaan meelo ka baxsan xuduudaha akhlaqiga ah ee is dhaleeceynta ummadaha,
xaalku siduu doonaba ha noqdee soomalida ku dhaqan carabaha oo aan billowgii
sanadkan tagay ayaa la dhihi karaa waa kuwa ugu carab neceb, taasina waxaa ka
keenay xuquuq duudsiinta ka aloosan khaliijka guud ahaan, gaar ahaan
boqortooyada sucuudiga, haba sheegin tarxiilka joogtada ah ee lagu hayo
quruumaha aan sharciga ku joogin wadankaas, sidoo kale waxaa jira aqoonyahanno
ugu ciil qaba carabta si soomaalinimo ah, wexeeyna ku eedeynayaan in qaramada
carabtu si aan naxariis laheyn u bililiqeystaan kheyraadka dabiiciga ah ee
wadankeena oo isugu jira: xaalufinta dhirta oo reer khaliijku u soo
iibsadaan dhuxusheen si eey " digaag wanaagsan oo caraf badan ugu dubtaan
iyagoo awooda ineey gaaska eey hodanka ka yihiin wax walba ku karsadaan".
midda labaad ayaa ah : soo dhoofsiga xoolaha dhidig ee ku soo shubmaya
xeebaha khaliijka iyagoo waliba og sharci ahaan & damiir ahaanba ineeysan
soomaalidu raali ka aheyn.
Gunta carabnimada &
carabnima neceybka:
Aniga shaqsiyyan wexeey ila tahay inuusan qofna ku janno tageyn carabnimo, Alle
agtiisa astaamo kale ayaa lagu kala horeeyaa, ha yeeshee waxaan aad & aad
uga digayaa in lagu tarax-tago neceybka carabta oo si aan akhlaaqi aheyn loo
hadlo, hadii aad carab oo dhanna wax ka sheegto waxaad si toos ah ugu soo
dartay suubaniheenii SCW & asxaabtiisiiba, wexeey ila tahay in shaqsiyaad
koobani ag mareen carabnimadii sharafta laheyd.
Arrinta sheegida muddana wexeey tahay in carabnimo eeysan faan aheyne islaanimo
faan tahay, taariiqduna wexeey xustay in diintu nasoo gaartay ka hor intaaneey
gaarin magaalada labaad ee ugu barakeysan islaamka oo ah Madina-al-munawara,
taasna waa tan maanta soomalida ka dhigtay 100% muslim, halka wadama carbeed
eey leeyihiin wax kor u dhaafaya 10% aan muslim aheyn
Wabilaahi-Towfiiq
C/raxman Ceynte
MPLS, MN
ceynteyare@hotmail.com
FAAFIN: Agoosto 30, 2002 | SOMALITALK.COM
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qorayaasha ku saxiixan
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|