Qaadka oo kusoo Qulqulaya Maraykanka GUJI...
|
BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ku: C/laahi Yuusuf Axmed
Siimarsiin: Guddoomiyaha deg. Qardha
Taariikh: 24.8.002
Ujeedo:
Tubta ku haboon wada
xaajoodka nabadeynta p/l.
Ugu horaynta dad iyaga iyo degaankoodii la
heysto ma geli karaan wada xaajood nabadeed.
Si loo furo wada hadal nabadeed oo ah heer P/L
waa in laga qaadaa ciidamada xooga ku qabsaday gobolka bari laguna celiyaa
degaanadii laga soo ururiyey oo ay ka soo duuleen.
Dhibaatada ka taagan P/L kama dhexayso beesha CISMAAN
MAXAMUUD iyo C/LAAHI YUUSUF AXMED, ee waa arin qoto dheer oo
ku saleysan xurmeyn la,aanta dastuurka iyo rabitaanka shacbiga reer P/L.
Ka dib marka la fuliyo qodobka labaad ee kor
ku xusan waxaan ku talineynaa in la magacaabo guddi hufan oo dhex-dhexaad ah la
iskuna raacsan yahay kana soo taliya arimaha hoos ku qoran:
A- in ay qiimeeyaan dhibaatooyinkii dhacay.
B- Waxa sababay iyo sidii looga bixi lahaa.
Beesha Cismaan Maxamuud nabadeynta P/L
waxey ula siman yihiin beelahii ku bahoobay dawlad goboleedka P/L, sinaba
suurto gal uma aha in nabadeynta P/L ay ka wada hadlaan qoys kali ah iyo qof
kali ah.
Markii ay munaasib noqoto ayey beesha
Cismaan Maxamuud wadahadal la yeelan doontaa guurtida beelahii dadkoodu
dhibaatada u geysteen shacabka gobolka bari.
Nabad iyo Guul Wacan
Nabadoonada waraaqdan saxiixay:
Qoraalkaan oo ay ku saxiixnaayey 22 nabadoon
waxaa lagala xiriiri karaa guddigasare_osmanmohamud@yahoo.co.uk
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey Osman Mahamoud omahamoud@yahoo.com
AFEEF: Aragtida qoraalkaan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk
27 agoosto, 2002
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|