FAALLO: HADAFKA SOMALILAND IYO
HANAANKA SOMALIWEYN
WQ. Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
| Agoosto 30, 2002
Sideedaba taariikhda mandaqadani geeska africa waxay soo jibaaxday ama soo
martay dariiqyo aad ukala gedisan taasoo lagu tiraabay taariikhda cad ee aan
cidina halmaami karaynin, runtii sida la wada xasuusanyahay waxaa taariikhda
dheer ee faca weyn ka soo jeeda ee mandaqadani soo martay marxalado aad u fara
badan taasi oo lahaa nimcadeeda iyo nusqaanteeda labadaba waxaa iyaduna shaki
ku jirin oo laga wada dheregsanyahay dulmi farabadan oo ka dhacay mandaqadani
balse su,aasha la is weydiin kara akhriste waxay noqonaysa HALKEE KU DANBEEYEY
DULMIGAASI, aan u daadego dulucda maqalkayga eh waxaa ku dhaqan mandaqadani
aan hore carabka ugu dhuftay ee beriga ama geeska africa shucuub afka
soomaliga ku hadasha oo aad u badan shucuubtasi oo lagu tilmaamo in ay asal
ahaan badankoogu ka soo jeedaan (original trace) carab, (arabic ethnic
community) iyo weliba dadyow kale oo lagu tilmaamo in ay ka soo jeedan africa
(originally african ethnic community), sida la iska weydiiyey ama lagaga
faalooday warbihino farabadan laguna xardhay buugag fara badan waxaa muran
badani ka taaganyahay halka asal ahaan ay soomalidu fac ku leedahay iyada oo
labada fac ee aan kor ku soo xusay lababada muran badan ka taaganyahay, dad
ayaa waxa ay ku doodayaan in ay soomalidu kaba soo jeedo oo laguba abtirsiin
karo dadyowgii Faraciinada masar, sida uu sheegayo warar laga soo xigtay qoraa
weyn oo u dhashay Somaliland ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda
Somaliland Mudane Gees wuxuu sheegay in afka soomaliga kumanaan sanno ka hor
ay ku hadli jireen dadyowgaasi faraciinadu wuxuu aqoonyahanku tusaale u
soo qaatay kelmado markuu u duur gelay aad iskugu eg oo ay soomalidu haatan ku
hadasho horana faracinadu u isticmaali jireen iyaga oo leh macno isku mid ah
(same meaning), Tusaale ahaan: kelmada xiniin oo ah xubinta taranka ee ragga
taasi oo aqoonyahan gees uu sheegay in ay dadyowgii faraciinta ahaa ee masar
wakhtigaasi isticmaali jiriin una qori jireen sidani:- XNN. iyada oo
wakhtigaasi aanu jirin wax shaqalo ah sida luuqada afka soomaligu haatan ay
leedahay ee qurxiya habka dhawaaqa lahjadad soomaliga.
Waxaa kale oo iyadana dadyaw farabadani ku doodayaan in dadka Soomaligu ka soo
jeedan dad iska dhal ah (hybrid) oo ay iska dhaleen dadyowgii carabta ahaa ee
ka ganacsan jiray mandaqada geeska africa iyo dad asal ahaan degaan ulahaa
dhulkani soomalidu degto oo lagu tiriyo inay asal ahaan ahaayeen xabashi
(ethnic Ethiopians).
Dadkale ayaa iyagu aaminsan in dhamaanba beriga africa oo dhan laga xukumi
jiray hal meel oo ahayd magaalada xeebta ah ee Saylac taasi oo halkaasi ay
fadhi jirtay boqorad ka talisa geyigani beriga africa oo dhan boqoradaasi oo
la sheego in xukunkeedu aad u adka lana odhan jiray "ARAWELO" taasi
oo xukunkeedu markii danbana ku faafay gacanka carbeed iyo badhtamaha africa
waxaa markaa la sheega in dadyowga Soomalidu asal ahaan ka sooba jeedan
dadyowgaa boqorodo wakhitiga oo laga joogo kumanaankun sanadood xukumi jiray.
Isku soo wada duubo waxaynu odhan kara mid wal oo qodobadaasi iyo aarahaa la
tiraabay ee kor ku xusan ka mid ahiba waa suuro gal waxna waa ka jiri karaan.
hadaba aan u soo noqdo akhriste dulucda maqaalkayga eh waxaa iyaduna taalla
markii Soomalidu degtay geeska africa intaan mustacmaradu qabsanin Siday isku
dahqi jireen ahaana jireen su,aasha imanaysa waxay tahay Soomalidu ma dad
maamulo lahaaba? intii ka horaysay mustacmaradii reer europe.
runtii fikrad ahaan markaan u duur gelay weydiiyeyna dad waayeel ah iyo weliba
dadyow farabadan oo ku takhasusay cilmiga taariikhda ( history educated
people) waxay ii sheegeen in ay soomalidu u badnayd dad xoolo dhaqata ah oo
isku maamuli jiray hab deegaan; taasi waxay akhriste kuu cadaynaysa in
Soomalidu mar walba ay lahaan jirtay Maamulo u gaar ah oo aan la duudsiye
karayn xorna ay u ahayd in intii isku deegan ahiba u maamushaan hawlaheeda
gaar ahaaneed si xor ah oo aan midna midka kale ku xadgudbayn waxaa meesha
taalla akhriste hadaba wakhtigii gumastahu ama maxmiyadahii reer europe
(European protectorates) ay qabsadeen siday u qaybsadeen dhulka ay degaan
dadyowga afka soomaliga ku hadla. aynu eegno bal inaga oo marn walba kala
saarayna in SOMALILAND IYO Somalia ay kala ahaayeen laba dhul, maamul gobol oo
aan weligood ka hor 1960 maamul ka dhexeynin.
1. SOMALILAND
BRITISH PROTECTORATE
dhulkii la odhan jiray " SOMALILANDBRITISH PROTECTORATE" waa
dhulkii ugu horeeyey ee lahaa ama u qabsoomeen hanaan maamul oo guud waxaa
halkaa ka tallin jiray ka hor mustacmaradu intaanay qabsan hab maamul oo ay
xukumi jireen odayaal, iyada oo ay laahayeen xeerar iyo qawaniin cad cad oo ku
salaysna dhaqankooda oo ahaa mid xoolo dhaqato u badna, akhriste dhulkani
dadka ku noola waxay ka dheeli tirayeen dhinacyo fara badan ha ahaato
kheyraadka dabiciga ah ee ilaahay ku manaystay, ha ahaato xikmada ay gaarka u
lahaayeen, ha ahaato hantida ma guurtada ah, iyo nooc walba, dadku waxay
ahaayeen dad aad iskugu duuban oo mar walba u hogaansama cahdiyada iyo
qawaniinta mar walba ay soo bandhigan odayaasha ka tallin jiray, odayaashaasi
oo ahaa qaar diinta islaamka aad iyo aad ugu adag kuna dabaqi jiray xukunkooda
axkaamta islaamka, waxay aad uga fogayn jireen caruurtooda iyo gabdhahooda
inay marnaba ku milmaan ama qaatan dhaqankii mustacmarada. akhriste aan u soo
noqdo sida maamulka Somaliland Protectorate ahaa. waxaa caasimad u ahayd
oo laga xukumi jiray intaan mustacmaradu imanin maamulka Somaliland
Protectorate magaalada berbera oo ahayd magaalo qadiimi ah oo xeeb ahayd
sababo farabadan ayey berbera ku kasbatay inay noqoto magaalada xudunta u ah
maamulka Somaliland protectorate
(a) waa qodobka kowaad eh berbera waxay ahayd magaalo ganacsi oo ahayd
bartilmaameed (strategic) ganacsigaasi oo ay isku xidhi jirtay gacanka carbeed,
yemen, africa ilaa iyo europe.
(b) Berbera waxay ahayd magaalo ka hodan ah xagga deegaanka oo waxaa lagu
tilmaami karaa in ay ahayd magaalooyinkii ugu horeeyey ee laga dhiso dhisme
marka laga yimaado magaalada Saylac.
(c) waxay ahayd magaalo dadka degenaa ahayeen dad xadaarada iyo ilbaxnimadu
aad iyo aad ugu dheertahay wakhtigaasi.
Seddexdaa qodob ee aan kor ku soo xusay ayaa u suuro geliyey Berbera inay
kasbato caasimadda maamulkii Somaliland Protectorate.
Akhriste waxaa marag ma doonta ah in dadka Somaliland ay ahaayeen dad aad iyo
aad uga horeeya Soomalida inteeda kale markii ay mustacmaradu timid geyiga
Somaliland wuxuu ka codsaday maamulkii ingiriisku (british protectorate) in
laga iibiyo magaalada Berbera taasi oo intuu isku yeedhay dad aad u farabadan
inta go' hareeraha la qabtay lagu uruuriyey lacag aad u farabadan ayaa waxaa
uu ninkii xukumaayey (governor) mustacmarada ingiriisku u sheegay in ay
lacagtaa go' ku jirta kaga bedeshaan berbera balse odayaashii waxay ugu
jawaabeen xikmad aad iyo aad u qaali ah oo ahayd " ingiriisow
berberi wax go' lagu qaado ka weyn"
waxyaabaha aadka iyo aadka taariikhda u gelay ee aan la iloobi karin ee ay
odayaashaasi kaga tageen geyiga Somaliland waxaa ka mid ah markii ay
maraakiibta ingiriisku ( the marine forces of british army) ay soo geleen
berbera ayaa waxay odayaashu u sheegen ingiriiska in aanay soo geli karayn
cagahana dhigi karayn berbera ilaa heshiis la kala saxeexdo dabadeedna wuxuu
ingiriisku ugu jawaabay aynu berbera ku kala saxeexano waxaa ay ku yidhaahdeen
" Biyaha bedda inagu celi halkaasaynu ku kala saxeexan karna
heshiiska waayo hadaad berbera timaado dee dhulkiibaad cagaha dhigtay" .
waxaa halka ay ku kala saxeexdeen odayaashii Somaliland iyo maamulkii
ingiriisku heshiis aad u dheer oo qodobo farabadan lahaa oo ay ka mid ahayeen
in marka gabadha ingiriisku uur ku qaado Somaliland aanay ku dhali karin
Somaliland ee ay dib ugu noqoto england. taasi oo kuu cadayn karta fikirkoogu
halka uu odayaashaasi taagna waxaynu haatan aragnay mushakilaadkii ka dhex
dhacay qoomiyada cadaanka iyo madawga ee koonfur africa.
isku soo wada duubo waxay ahaayeen bulsho ilaahay ku manaystay garaad iyo
caqli suuban taasi oo ay dhaxalkeeda haatan hayaan bulshada reer Somaliland
SOMALIAN ITALIAN PROTECTORATE
Bulshadan degenaan jirtay dhinaca Somalia italian protectorate waxay u
badnayeen bulsho beerolay ah oo aan haba yaraate xadaaradu aad ugu yarayd
taasi oo aanay haba yaraate lahayn wax maamul ah ama dhisme xukumad ah intii
ka horaysay maamulkii mustacmarada talyaaniga waxaa lagu tiriya in dadyowga
halkaa degeni ay ahaayeen dadyow aad u kala duwan xagga jinsiyadda iyo
dhaqankaba, may ahayn dad xadaaradoodu aad u sarayso, waxaa lagu tiriya in hab
maamuleedku ugu horaysay ka dib markii uu ka tegay ama xorriyadda u siiyey
talyaanigu taasi oo ay labada gobol midoobeen, xaqiiqdii waata sababtay in
labadan gobol Somaliland iyo Somalia ayna marnaba isku iman karin wada dhisan
karin wax maamul ah wadaagina karin dhinac walb oo hab dhismeed ah.
akhriste xasuusnow maankana ku hayso mar walba in magaca Somaliland uu ka hor
xoroobay kana hor baxay magaca Somalia, Somaliland waxaa la odhan jiray laba
boqol iyo konton sanno ka hor.
hadaba waxaa aan ku soo gabagabaynaya maqaalkaygan in iyada oo sidaa aan kor
ku soo xusay ay soomalidu hore u ahayd in aan haba yaraate mar danbe suuro gal
u ahayn in ay wadaagan wax danbe. waxaa akhriste tusaale kuugu filan in aanay
Somaliland iyo Somalia weligood iyo allahood ahaayeen laba maamul oo kala
gedisansan sidaa ku xusan kor.
Hadaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa waxa hadana faca cusub ee Somalilanderska
ahi ku tiraabayaan " MAR I DAGE ALLA HA DEGO MAR LABAAD I DAGASE
ANAA IS DEGAY"
FROM: Waxaa qoray oo diyaariyey Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
FAAFIN: Agoosto 30, 2002 | SOMALITALK.COM
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qorayaasha ku saxiixan
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|