Urur Cusub oo lagaga dhawaaqay Magaalada Laas-Caanood 23/8/2002
asalama alaykum
|
Asad Ibraahin Cadaani, xoghayaha
Ururka SSHYL. |
waxaa tarikhdu maalintay ahayd 23/8/202 lagaga dhawaqay magaalada laas
caanood urur dhalin yaro oo la magaca baxay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag,
Hawd, youth League waxaa isla maalinta taariikhdeedu korka ku xusan
tahay shir ku kulmay magalada laas-caanod dhalinyaro tiradooda gaadhayso(400)ka
dib shirkaas ayaa lagu aasaasay ururkan,
mar aan la sameeyey madaxda ururkan xidhiidh waxay ii sheegeen in halkaas
lagu dortay Gudoomiye ku meel gaadh ah iyo xog-hayn magacoodana waa sidan (Gudomayaha
sida ku meel gaadhka ah loo doortay waxaa magaciisa la yidhaahaa Maxamed Ducaale
Gaadh), xog-hayaha Ururkana (Asad Ibraahin Cadaani),
waxaan su,aalo ka weydiiyey bal dhismaha ururkan iyo waxyaalaha ay ugu talo
galeen waxayna ii sheegeen in uu metelayo degaanka Sool,Sanaag,Hawd,isla
markaasina ay bulshada ka heleen dhiiri gelin iyo taageero buuxda mar aan su,aal
ka weydiiyey dhinaca garaadada bal sida ay u arkaan dhismaha ururkan waxay ii
sheegeen in ay aad u so dhoweeyeen waxaan kale o aan dhalin yarada su,aalo ka
weydiiyey sida ay u arkaan dhibta maanta ka taagan geyiga soomaaliya iyo xalka
loo baahan yahay maanta in loo helo nabadayn iyo isu soo dhowaansho umada
Soomaliyeed waxay taageereen shirka dib u heshiisiinta Somalida ee dhwaanta ka
dhacaya Wadanka Kenya Gaar ahaan Magaalada (Eldored)
gebagebadii hadalka gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee ururkan waxay so
dhoweeyeen cid kasta o midnimo Soomaliyeed Wada ama danaynaysa, nabad ku wada
nolaansho dhamaan beelaha Soomaliyeed ee wada dhashay iyo gaar ahaan wacyi
gelinta degaanka ururkan laga doortay
MAXAMED MAXAMUD GUTALLE
KENYA NAIROBI
gutalle@yahoo.com
ASALAMA ALAYKUM
FAAFIN: Agoosto 28, 2002 | SOMALITALK.COM
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qorayaasha ku saxiixan
WARARKII AGOOSTO 2002
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|