Tacsi: Dr. Ahmed Yusuf Fareh
Gudoomiyaha ururka isbaheysiga ummadda somaliyeed ee Sweden iyo dhamman xubnaha
gudiga fulinta ee ururku waxey tacsi u dirayaan qoyskii uu ka tegey allaha u
naxariistee Dr.Ahmed Yusuf Fareh oo bishan 12keedii ku geeriyoodey magaaladda
Nairobi.
Dr.Ahmed Yusuf wuxu bishii juuni ee sanadkan jimid dalkan Sweden si uu
uga qeyb galo shir ay qaban qabiyeen haydaha qoxootiyada ee wadamada
skandinavianku kasoo looga hadlaayey arimo muhiim u ah dadka somaliyeed.
Dr.
Ahmed Yusuf Fareh wuxuu ahaa nin Somali dhaba waqtigan badanna ku lumiyey sidii
xal cilmiyeysan loogu heli arimaha murugsan haysta ummadda somaliyeed.
Dr. Ahmed
wuxu ahaa dadka fara ku tiriska ee aqoon heer sara ah gaadhey dhimashadiisuna
waa dhaawac weyn oo soo gaadhey aqoonyahanka somaliyeed iyo ummadda somaliyeed
oo dhanba. Wuxu ahaa nin qofkii la kulmiba jecleysto saaxiiba badanna leh.
Ururka isbaaheysiga ummadda somaliyeed ee Sweden wuxu ilaahey uga baryayaa inuu
dhammaanteen samir iyo iimaan inaga siiyo isagana janadii farduusa ka waraabiyo.
Yacquub Aden Abdi
Gudoomiyaha ururka isbaaheysiga ummadda somaliyeed, Sweden.
Qoraalkan kala xiriir: guledhakim@yahoo.com FAAFIN:
August 22, 2002 | SOMALITALK.COM
Xasan
Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula
kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud
GUJI
Agosto 14
Warsaxaafadeed:
Beelaha Mareexaan
warsaxaafadeedkaan
waxaa soo saaray, ugaasyada, nabadoonada & odayaasha beelaha reer xassan,
howraarsame iyo habar yaaqub oo GUJI
Agosto 14
Prof. Samatar oo Kufashilay Diidmadii
Galayr
Xaflad lagu qabtay machadka Humphrey oo ah
halka uu Dr galayr wax ka dhigi doono ayaa
GUJI
Agosto 14
Midowga
Ardayda Soomaalida Minnesota
oo soo abaabuley shir
ballaaran oo wax loogu qabanayo waxbarashada dalkeena hooyo
GUJI
Agosto 14
SOOMAALIDA ODENSE,
DENMARK OO U QAXAYA DALKA ENGLAND
Warbixin dheer oo Ibraahim Saalax kasoo
diyaariyey dhibaatooyinka lasoo gudboonaadey Soomaalida u qaxday dalka
Ingiriiska ayaa kubilaabatay.. GUJI..
Agosto
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|