Galabta saacaddu markeey shantii galabnimo aheyd ayaa shir si caalami ah loo
soo agaasimay oo eey soo qaban-qaabiyeen naadiga ardada soomaaliyeed ee gobolkan minnesota lagu qabtay jaamacada Minnesota.
horeba xafladii ayaa aayada qur'aan kariim ah lagu furay, kadibna xoghayaha
ardada somaliyeed Mr Tiiceey ayaa hannaanka xafladda & danta laga lahaaba ka
waramay, isagoo sheegay in loogu tala galay in lagu taageero ardada waxbarashada
sare ka dhigata soomaaliya, wuxuuna intaas raaciyey inaaneey wax lacag ah oo
cadaan ah u diri doonin ardada balse eey ka caawin doonaan dhanka buugaagta,
qalmaanta, jeestooyinka & qalab kale oo waxbarashada, Tiiceey ayaa ii
sheegay in dadweynaha & ardada laga soo xuli doono guddi ogaada halka
lacagta lagu bixinayo, wuxuuna sheegay inuu xitaa warbaahinta soomaalida u
ogolaan doono ineey arkaan dhamaan qaabkii wax loo bixiyey, iyadoo si cadaalad
ah loogu kala diri doono gobolada somalia.
Sahra N. Siciid ayaa lagu soo dhaweeyey ineey ka hadasho " aragtida
ardada ee ku aadan dhibaatooyinka ka jira somalia" sahra oo la sheegay
ineey Nursing Associate degree ka wadato jaamacadda St.Catherine haddana ka
shaqeysa cisbitaalka Hennpin county-ga ayaa taariikh yar oo gaaban misan
dabacsan ka soo gudbisay somalia, deedna u soo dhaadhacday dagaalada sokeeye ee
hadda ka jira wadanka & fool-xumada qabiilka, sahro oo aad u soo jiidatay
dhagaha ka soo qeyb-galayaashii xafladda ayaa ku soo gaba-gabeysay bandhigid eey
ardadu soo bandhigayeen todobo qodob oo eey arkeen ineey dabcin karto xaalada
aloosan ee somalia, waxaana ugu muhiimsanaa " in la xadido kooxda masuulka
ka ah dhibaatadan" .
Arday kale oo ku takhasusay cilmiga kiimikada oo Hashim la yiraahdo ayaa loo
xulay inuu ka hadlo mowduuc muhiim ah isla markaana xasaasi ah oo soomali badan
eeysan daneyn ama iska indha-tiraan oo ah "
xaalufinta dhirta & daaqa
soomaaliyeed & wasakhda Nuclear-ka oo si aan naxariis laheyn loogu daadiyo
xeebaha somalia" hashim oo runtii si xirfadeysan baaritaan u soo sameeyey
ayaa sheegay in wadamada Sucuudiga & imaaraadku yihiin xaalufiyayaasha
dhirta & daaqa soomalida, maxaa yeelay buu yiri " iyagaa iibsada
dhuxusha laga sameeyo dhirteena" sidoo kale wuxuu tibaaxay in si aan raxmad
laheyn loogu qubo xeebaha wadankeena -oo ah midda ugu dheer africa- wasakhda ka
soo harta warshadaha iyo keydadka nuclear-ka caalamiga ah, wuxuuna sheegay ineey
" somalia tahay meelaha eey ugu jecel yihiin istaraatiijiyada ahaan"
ileeyn cid ka dhacsaneysaayi ma jirtee !
Hashim wuxuu sheegay inuu qorsheynayo mudaaharaadyo lagu qabto washinghton DC
safaaradaha labadaas dowladood oo looga andacoonayo xaalufinta guracan eey ku
hayaan dhulkii hooyo, "iyagoo doonaya ineey wadamadooda oo kale ka dhigaan,
laakiin iyagu saliid beey hodan ka yihiine anagu maxaan heysanaa" ayuu ku
cabaaday Mr Hashim oo sidoo kale sheegay inuu dhawaan warbaahinta ku baahin
doono meelaha lagala xiriiro dowladahaas .
Marwo Xalima Ibrahim oo ah mutaclimad soomaaliyeed isla markaana iyana u
shaqeysa Hennepin County-ga qeybta Ceyrta ayaa loo qoondeeyey ineey ka faalooto
" sida ugu wanaagsan ee carruurta loogu barbaarin karo qurbaha" wexeeyna
isla markiiba aad u dhaleeceysay ceyrta & qaab nololeedka qoysas badan oo
soomaali ah " oo caadeystay ceyrta, waxaad arkeysaa nin dafiraya
caruurtiisa oo guriga xaaskiisa daaqada ka soo galaya maxaa yeelay guriga,
caruurta & xaaska inuu isku qoro ma doonayee wuxuu rabaa inuu dhowr &
toban saac Taxi saarnaado " beey tiri marwo xaliimo oo dad badani ii
sheegeen ineey aheyd qofkii ugu xiisaha badnaa ee halkaas ka hadlay.
C/salaam aadan oo ah macalin wax ka dhiga dugsiyada sare ee gobolkan isla
markaana Masters degree ka heysta jaamacada minnesota ee St. Cloud ayaa isna ka
hadlay " doorka eey macalimiintu ku leeyihiin jaaliyada" wuxuuna aad
ugu dheeraaday muhimada wax-barashada, wuxuuna sheegay ineey dhawaan aasaaseen
urur la yiraahdo (Somali Parent Teacher Association) oo ah urur ka dhex shaqeeya
waalidiinta & macalimiinta, wuxuuna intaas ku daray ineey ugu yaraan 50
macalin oo heerkiisa ah eey kula jiraan ururkan, laakin Mr C/salaam wuxuu
sheegay in qiyaas ahaan 5000 oo arday soomaaliyeed eey ku dhaqan yihiin
magaalooyinka mataanaha ah, mar uu ka hadlayey tasiilaadka loo sameeyey
soomaalida gobolkan ayuu sheegay in " iskuulada qaar lagu tukado salaada
jimcaha" wuxuuna aad ugu booriyey ka soo qeyb galayaashii ineey culuumta
manaafacaadka leh bartaan oo dalkooda & diintoodaba eey ku anfici karaan.
Imam Ibrahim ayaa ahaa qofkii diinta & dhaqanka kaga hadlay shirkan,
sh.Ibrahim oo sheegay inuu Masters degree ku diyaarinayo jaamacada "
American Open University" oo ah jaamacad lagu dhigto nidaamka " Aqoon
daris" ka ayaa ku celceliyey in dhaqanka & diinta soomalida eeysan laba
kala aheyn, mar wax laga weydiiyey taariku-salaadkana wuxuu yiri " koleey
madhabteena shaaficigu weey ku ad-adag tahay arrintan, culima badanina weey
gaaleysiiyaan qofka salaada ka taga, inkastoo eey mas'alo leysku heysto tahay".
wuxuuna ku booriyey in jaaliyadda somalidu aasaasto urur u dooda xuquuqohooda
islamiga ah, lana dhiso macaahid islami ah inta lacag badan lagu kharash
gareynayo masaajid ayuu ku soo gaba-gabeeyey Imam Ibrahim.
gabay uu waxbarashada kaga hadlayo ayuu noo tiriyey gabayaaga Minnesota
Cismaan Ducaale Daahir.
Prof Galayr ayaa lagu soo dhaweeyey inuu ka hadlo " sida jaaliyadu ula
jaan qaadi karto dhibaatooyinka jira isla markaana u feejignaan lahaayeen gaar
ahan wixii ka danbeeyey sept 11" ayaa hadalkiisa ku bilaabay amaan uu u soo
jeediyey naadiga ardada soomaaliyeed oo si aan horey loo arag u maamulay
kulankan, isagoo sheegay inuu la yaaban yahay xitaa sida waqtiga loo ilaaliyey
oo aalaa ah meel eey somalidu ku liitaan. Dr Galayr ayaa sheegay inuu ku
faraxsan yahay inuu ku soo biiray jaaliyada wuxuuna raaciyey " sida ugu
wanaagsan ee jaaliyada & bulshadaba leysugu keeni karaa waa in la aasaaso
ururo bulsho oo iskood wax u qabsa ah" wuxuuna tusaale u soo qaatay (Somali
Paren Teacher Association) oo uu ku sheegay inuu yahay mid dhaxal gal ah, Mr
Galayr ayaa aad ugu mahad celiyey hey'adda Lutheren church oo uu sheegay ineey
si gaar ah u gacan qabatay jaaliyada, wuxuuna ku booriyey ineey jaaliyadu si
wanaagsan u degaan oo eey " guryana ku yeeshaan, inkastoo aan fahmi karo
carqaladaha kaa hor iman kara" ayuu yiri, intaas kadib wuxuu ka hadlay
feejignaanta wixii ka danbeeyey sept 11 oo uu sheegay ineey sabab u ahaayeen
" Al-qacida... aniga maba aamin sani ineey muslimiinta ka mid yihiin kuwa
xalaaleystay dhiiga dumarka, caruurta & waayeelka" ayuu ku qeyliyey.
mar uu ka hadlayey arrinta ah in sucuudiga & imaaraadku xaalufiyaan
somalia ayuu yiri " waa run, ha yeeshee iyagu noo ma yimaadaan ee innagaa u
tagna oo dhuxusha u iib geyna" wuxuuna sidoo kale sheegay" inuu
Qaramada midoobay gaarsiiyey arrinta ku saabsan wasakhda Nuclear-ka lagu
daadinayo xeebaha somalia" wuxuuse kaga naxsaday ka soo qeyb-galayaashii
markuu u sheegay in qolooyinka geedaha gubaa eey xitaa hadda gubaan geedo dhidig
oo miro dhala sida cambaha " oo waliba qoyan" waa sida uu warka u
dhigaye !
ugu danbeyntii ayaa la weydiiyey su'aal aheyd" sidee loo mideeyn karaa
jaaliyada?" wuxuuna la soo booday" bal waqti ha leey siiyo aan ku
indha-indheeyo xaaladaha, anigu waan ku cusubahay gobolka & jaaliydaba"
ayuu uga baxay Prof. Galayr.
Mr Shafi ayaa dhowr daqiiqo isna ka hadlay qorshe eey ku damacsan yihiin
isaga & guddi uu xubin ka yahay oo layiraahdo ( Somali Voting Registration)
ama diiwangalinta codbixiyayaasha somalida in hadafka laga leeyahay eey tahay
" in la abuuro isku duubnaan cod bixin si markaas loo helo xubin aqalka
odayaasha gobolkan oo diyaar u ah inuu codadka ku beddesho fulinta masaalixda
soomaalida" arrintan oo runtii muhimmad gooni ah leh, ahna markii ugu
horeysay oo dhaq-dhaqaaq noocan oo kale ah la helo. Mr Shafi ayaa ii sheegay
ineey berritoolabe bilaabi doonaan mashruucan oo eey soomalida heysata
dhalashada wadankan ka codsan doonaan ineey is diiwaan galiyaan misana u
codeeyaan qofkii maslaxadooda ka shaqeynaya.
Dr Abdirahman Mohamed oo ah dhaqtar caafimaad ayaa ka hadlay mowduuc loo
dooray oo ah " nabad-galyada & dibu-heshiisiinta" inkastoo uu
isagu jecleystay ineey areyada is weydaariyo " Dibu-heshiisiinta &
nabad galayada" ileeyn nabada iyadoon dib loo heshiini ma timaadee ayaa
ahaa qofkii ugu hadal murugo badnaa, wuxuuna markiiba soo tixay 3 sheeko oo
layaab leh oo dhamaantood ka dhacay somalia min 1983 illaa & 2002, waa midda
ugu horeysee wuxuu sheegay inuu garanayo nin gurigiisa lagala baxay 1983 oo bar-baro
ku yiil halkaas oo caruutii & xaaskiisiina lagu xasuuqay isna la jirdilay
illaa la xiniinyo gooyo, ninkaas ayuu sheegay inuu hadda ku dhaqan yahay
magaalooyinka mataanaha ah ee Minnesoto ! midda labaad ayaa ah haweeney soomaali
ah oo magaalada muqdisho ka soo qaxday oo shalaanbood looga daba yimid oo
gurigeeda loogu galay gacmahana qori-baadkiis looga jabiyey isla markaana la
kufsaday, haweeneydani waa 73 jir iyana ku nool gobolkan Minnesota, midda ugu
danbeeysa ayaa iyana ah qoys soomaaliyeed oo gurigooda magaalda beydhabo loogu
galay 1997-dii aabihii reerkana la toogtay iyadoo lagu eedeynayo inuu Bible
iibiniyay ! dabadeena gabadhiisii la kufsaday eeyna halkaas uur ku qaaday,
laakiin eey Nairobi timid oo eey caruurtii iska soo riday !! " dhamaan
dadkan waxaa loo wax yeeleeyey dadka eey u dhasheen" ayuu ku cabaaday Dr
Abdirahman oo ku dheeraaday xuquuqda qofka bani-aadamka ahi leeyahay, isagoo
sheegay inuu soo jeedin lahaa in dadka waxan sameeyey la cafiyo laakiin bishardi
ineey iyagu qirtaan khaladkooda sidii ka dhacday South Africa buu yiri, arrinta
la yaabka leh ayaa ah inuu Dr Abdirahman sheegay inuu hayo warqad oo ka keenay
wadanka Sudan oo cadeeyneysa in nin jeneral ah oo soomali ah uu xilligii
dowladii hore amar ku bixiyey " in la sumeeyo ceelal ku yaal boorame &
meelo kale" wuxuuna raaciyey" ninkani wuu nool yahay oo waliba sharaf
ayuu ku maraa gudaha somalia" Dr Abdirahmaan ayaa ii diiday warqadaas mar
aan weydiistay inaan u gudbiyo shacabka isagoo sabab uga dhigay" waxaa laga
yaabaa in dad ka xanaaqaan oo ninkaas dilaan" walow uu sheegay in qofkasta
" oo aan warbaahin ka socon" uu tusi karo waqti walba.!
Prof Abdi samatar ayaa abaarihii 9:30 fiidnimo lagu soo dhaweeyey inuu ka
hadlo " qeybta eey soomalida dibaddu ku yeelan karaan tacliinta gudaha"
wuxuuna markiiba sheegay inuu ugu horeynba noo hayo filim taariikhi ah oo ka
hadlaya waxbarashada soomalida " gaar ahan woqooyi" oo la duubay
1964-tii, filimkan ayaa socday ku dhawaad 28 daqiiqadood, dhowrkii daqiiqo ee u
hartayn wuxuu kaga hadlay (Jaamacada Xamar) oo uu aad u amaanay isagoo sheegay
in waxbarashada lagu soo celin karo laba qodob: 1- dhaqan wanaagsan 2- iimaan
sugan, iyadoo kuwaa lahelina eeyan wax barasho hagaageyn, wuxuu daboolka ka
qaaday in jaamacada Mogadisho eey bilaabeen Dr Ali sh. Abubakr & C/raxman
Badiye oo uu sheegay in labadooduba eey heli kareen ineey dibadaha wax ka
dhigaan " oo eey calooshooda u shaqeystayaal noqdaan sida aniga & kuwa
ila midka ah" ayuu yiri wuxuuna sheegay in 968
arday eey dhigtaan
jaamacadaas waqtul-xaadirkan isagoo ka faalooday dhibaatooyinkii dhaqaale ee soo
maray jaamacadan, isagoo taa ka hadalayana wuxuu yiri " Jaamacadaha
Hargeysa & camuud
dhul eey leeyihiin ayeey ku jiraan, laakiin midda
muqdishow dhul kiro ah ayeey ku jirtaa" wuxuna sheegay ineey soo saartay
arday deeq waxbarasho ka helay dunida oo dhan sida : Malaysia, Sudan, xitaa
markii ugu horeysay arday ayaa hadda imanaya gobolka Ohio
ayuu yiri prof Samatar
oo eey ka muuqatay inuu aad ula dhacsan yahay jaamacadaas, ha yeeshee mar la
weydiiyey " sababta uusan jaamacada boosaaso ugu soo darin liiska
jaamacadaha uu ka hadlay ?" ayuu ku jawabay" Daar waa la furi karaa
.... haa waa labilaabay jaamacadaas laakiin uma dhawa midda Camuud & midda
xamar... ha yeeshee dhamaantood inaanu isku darno ayaan mustaqbalka fog noo
qorsheysan, ileeyn qalab-yaal kala duduwan uma wada iibin karnee" ayuu ku
soo gunaanaday hadalkiisii gaabnaa, wuxuuse ku booriyey dhamaan ka soo
qeygalayaashii ineey ka qeyb galaan qorshe lagu damaanad qaadayo (Sponsership)
ardada waxbarashadooda, isagoo sheegay in sanad dugsiyeedkiiba gaarayo lacag
dhan 300$ oo macneheedu yahay buu yiri " in ka yar doolar qura maalintii
inaad arday dhan waxbarashadiisa kafaala qaadi karto".
Cidii taa daneyneysa Prof Samatar waxaa lagala xiriiri karaa e-mailkan : samat001@umn.edu
ama taleefonka ah : 612-626-1877.
dad lagu qiyaasay ilaa 350 qofood ayaa ka soo qeyb galay shirkan.
C/raxman Ceynte
MPLS, MN
Ceynteyare@hotmail.com