Iran iyo carab Visaha maraykanka loo diiday oo jaamacadah
india iska buuxiyay
Waxaa
isku soo dubaridey:
abdiaziz ahmed
mousa
abdiaziz2@hotmail.com
Agoosto 12, 2002
India:- kumanan Arday oo u badan Carab iyo Iran oo ay ku jiraan arday kale oo
muslimiin ah ayaa si weyn sanadkan ugu soo qulqulay dalka india ka dib markii
safaardaha maraykanku u diiden Ardaydaasi in la siiyo Visaha Student ee qofka u
ogalaanaya in uu wax ka barto dalkaasi maraykanka ..mar aan la kulmay qaar ka
tirsan ardaydaasi oo ku xoonsan labada jaamacadood ee magaalada (pune) ay
leedahay ayaa ii sheegay in ay heleen meel ka fiican oo ka waxbarsho wanagsan
maraykanka..Runtii waa meel aan la idaba-galahayn sida maraykanka waa
nabad-galyo india ayuu yidhi arday sucuudiyaan ah oo jaamacada ka
qaadanayey..madada. B.Computer Application....
Ardayda reer Iran ah oo iyana doonaysay in ay xaraysto B.Commerce ayaa ii
sheegtay In ka badan 1200 ..oo Arday oo reer Iran ahi in ay yimaadeen magaaladan
pune oo kaliya ka dib markii uu maraykanku u diiday in uu siiyo Visa arday-nimo.
waxa aan doortay ayey tidhi inaan india tago mar haddii la ii diiday maraykan
runtii maan moodahayn in india sidan tahay ayey tidhi ardaydaasi...waxan aad u
jeclaaday ayey tidhi looqada ingriisga oo halkan si fiican loogag hadlo.
dhinac
kale .. jariirada Indian Express...oo ka soo baxada magaalada pune ayaa qortay in ka
badan 750 arday oo reer IRAN ah iyo in ka badan kumanan carab ahi ay sanadkan
xad-dhaaf u yimaaden magaalada pune, jariiradu intaasi waxa ay ku dartay in
jaamacada magaalada pune ay noqotay meel ay soo gasho lacag aad u adagi...
Ardayda somalida ah ee wax ka barta magaalada pune ayaa walaac ka qaba in
jaamacad qaali noqoto mar haddii ay soo socdaan carab farabadan oo lacag haysta
qaarna ay hore u yimaadeen..jaamacadaha dalka india ayaa ah kuwa ugu jaban
caalamka ..taasoo somalida u soo jiiday in ay waxbarasho u yimaadan dalka
india..imika oo arday xad-dhaafa oo dunida carabta imanayan India, waxa ay sababi
kartaa in Ardayda somaliyeed ee wax kabarn doonta mustaqbalka dalka india in ay
qaali ku noqodaan jaamacaduhu. waa haddii ay sii socoto xayiraada Visaha maraykanku....
abdiaziz ahmed
abdiaziz2@hotmail.com
"India Waa Aqoonsantahay
DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee
new-delhi GUJI...
20/7
FAAFIN: SOMALITALK.COM | AUGUST
12, 2002
WARKA XIGA - GUJI
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
Help The Fight Against Spam!
|