Suldaan Axmed Maxamuud Hurre oo Lagu
Diley kalabayr.
Galkacyo | Agoosto 17 | ISHA: Wargal
weydiistey in aaan la magcaabin
Wararka ka imanaya magaalada Kalabayr ayaa
shaaca ka qaaday in halkaas maanta (Agoosto 17) lagu diley aqoonyahan
Soomaaliyeed oo la oran jiray Suldaan Axmed Maxamuud Hurre.
Waxaa suldaanka toogasho kudiley ciidan
watey lab gaari oo ah nooca hubaysan ee looyaqaan tignikada, kuwaas oo
lagusheegay in ay ahaayeen ciidanka Daraawiishta Puntland, waa sida warku u
dhigaye.
Waxaa warku intaas kudaray in waqtiga dilkaasi
dhacay uu C/Laahi Yuusuf marayey wadada u dhexaysa Garoowe iyo Burtinle
isagoo kusii jeedey Galkacyo oo uu hadda kusuganyahay.
Waxaa warku sheegay in meydii marxuumka, Suldaan Axmed,
lakeenay Galkacyo.
Dhanka kale waxaa warku sheegay in magaalada
Galkacyo lagu xiray Faarax Salwe oo ahaa maamule cisbitaal gaar
looleeyahay (Private).
Weli majiraan wax war ah oo kusaabsan dilka
suldaan Axmed iyo xariga lagu soo waramay Galkacyo oo kasoo baxay maamulka
Cabdullaahi Yuusuf.
ISHA: Wargal weydiistey in aan la magcaabin
DOODFURAN: Aragtida
Dadweynaha ee Dilka Aqoonyahay Suldaan Axmed
Cabdullaahi
Yuusuf oo Jooga Garoowe
Warsaxaafadeed
Somalitalk kasoo gaarey Puntland ayaa sheegay in Cabdullaahi Yuusuf uu maanta...
GUJI
Agosto 15
Puntland
oo Beenisey Warkii UN-ka
warsaxaafadeed kasoo baxay
Puntland oo kuqoraa luqada Ingiriiska ayaa beeniyey wararkii UNka ee
GUJI
Agosto 13
»» Puntland
warns the Swiss Authorities and banking institutions
BAAQ
NABADEED OO KUJEEDA PUNTLAND
Anagoo ah wax
garadka dhalinyarada iyo aqoonyahanada kasoo jeeda Jaaliyadda Puntland ee ku
nool wadanka dibadiisa gaar ahaan wadamada Africka , waxaan u tacsiyeyneynaa
dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen dhamaan dadkii ku geeri yooday
dagaalkii ka dhacay agagaarka Qardho. GUJI...
Agoosto 6
BAAQ
AY SOO SAAREEN URURKA DHALIN YARADA SOMALI GALBEED EE NORTH AMERICA
waxaa aad iyo aad tiiraanyo naxdin leh u ah in
guud ahaan dadka somalida ahi gaar ahaan SOMALIDA GALBEED ay ku jiraan marxalad
aad u qalafsan habka kali ah ee lagaga bixi karaana tahay isfaaham, midnimo
iyo,is ku duubni isku tashi ummadda somali galbeed GUJI...
Agoosto 6
BAYAAN
KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA 2aad EE DADKA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.
Waxaa bishan Ogoosto 2-4dii 2002, lagu qabtay
magaalada Dan Haag ee dalka Holland shirweynihii 2aad ee dadka Gobolka Jubbada
Hoose. Waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socday Nord Amerika iyo Yurub
iyo dadweyne lagu martiqaaday shirka ee deggan dalka Holland. Shirweynaha waxaa
marti geliyay oo si aad iyo aad ah u soo dhaweeyey ergooyinka Jaalliyadda
Reer-Waamo ee ku nool dalka Holland.
GUJI...
Agoosto 6
Duulaanka,
Dilka, Dulmi jacaylka, Diin Nacayba, Darajaan ku Doon Doonayaa!!!
Duulaanka, Dilka, Dulmi Jacaylka, Dal
La'aanta,Diin Nacaybka iyo Dibin Daabyeynta Sokeeye oo Korneyl Abdullaahi
Darajo iyo Dadnimo ku Doon Doonayo Waxay Ku Danbayn Daah nagama saarnoo waa
Duli iyo Dadnimo xumo tii ugu darajo liitay. Waxaan facilada iyo faah-faahinta
dhaqankiisa inooga filan Qoraalada Saaxiibkay C/waaxid C/laahi Khalaf oo... GUJI...
Agoosto 6
Marxaladdii
Puntland Oo Isbadashay
Galabnimadii Axadda ayuu Madaxwayne C/laahi Yusuf Axmed soo Booqday Isbitalka
wayn ee Magaalada Bosaso, Booqashada C/laahi aya waxay laxarirtay sida ay u
socdan Howlaha cafimad ee daryelka dhawaca Ciidamad Labada dhinac oo si wada
jir ahi lookeenay Isbitalka BOSASO. GUJI...
Agoosto 6
Falal
Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho,
caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo
tacliinta...
hadda waxay noqotay
GUJI...
Agoosto 6
Baaqii
somaali galbeed ooy qoreen dad aan xilkas ahiiyn.
waxaan dhamaan dad waynaha somaaliyeed ushee yeeynaan inuusan dadkii isku
sheegay ineey yihiin somaali galbeed baaquna siwada jir ah loosaa saaray
ineeyna waxba kajirin waayo dadka qoraalkan qoraaya waa masuuliintii somaali
gabeed waxna kama ogin baaqaana waa baaq aan waxba kajirin GUJI...
Agoosto 6
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|