"YEMEN WAXA EY TAAGEEREYSAA SHIRKA NABAD-RAADINTA SOOMAALIYA EE KENYA"
Sidaas waxaa yiri wasiirka Arimaha Dibadda ee dowladda YEMEN Dr. Abuubakar
Al-qirbi oo wareysi gaar ah oo uu siiyay jariidada ku hadasho Afka ciidanka
xooga dalka yemen ee lagu magacaabo 26september
kusheegay in yemen ay aad iyo
aad ugu dadaaleyso inuu guuleysto shirka nabadeeynta Soomaaliyeed ee lagu qaban
doono bisha soo socoto bartamaheeda kenya.
Wareysiga wasiirka oo kusoo baxay
cadadkii shalay ee jariidada ayuu Wasiirku ku sheegay sida ey yemen
ugudadaaleyso nabadeynta soomaaliya Iyo waliba dhameynta dhibaatada heysato
shacabka soomaaliyeed ee aan Walaalaha nahay uuna naga dhaxeeyo xiriir
taariikhi ah ayuu yiri wasiirka Isagoo intaa ku daray in ey jiraan kumannaan
qaxooti soomaaliyeed ah oo Kunool yemen.
wasiirka ayaa intaas ku daray sida ey
Yemen ugu dadaaleyso Siiwadida Kaalinteeda ku aadan nabad raadinta soomaaliya, iyadoo mar walba la xiriirta
Dhinacyada wado nabad raadinta soomaaliya si ey ugala shaqeyso Arimahooda ku
aadan soomaaliya.
Sida la ogyahay madaxweynaha yemen wuxuu kamid ahaa madaxdii ka qeyb Gashay
caleema saarkii madaxweynaha DKM ee soomaaliya, C/qaasin Salaad Xasan, Ayadoo uu madaxweyne Cali C/lla Saalax uu
Munaasabad walba kaga hado soomaaliya iyo sida ay u jecel yihiin hadey Yihiin
reer yemen in ey Arkaan soomaaliya oo mar labaad isku taagtay Lugaheeda iyo shacabka soomaaliyeed oo ka baxo dhibaatada uu kujiro
12-sano helana nabad gelyo taam ah.
Abuukar Yaasiin Xaaji Daahir
abuukarsom@hotmail.com
SANA'A YEMEN
WARARKII HORE YEMEN
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|