WAR SAXAAFADEED: JAALIYADA GOBALKA GEDO EE
NAIROBI
Anagoo ah jaaliyada gobalka Gedo ee ku dhaqan
magaalada Nairobi waxaan si buuxda u taageeraynaa shirka nabadaynta beelaha
gobalka Gedo ee ka socda magaalada Baardheere ,
Waxaan u aragnaa shirkaas inuu uyahay fursad
wayn dadka walaalaha ah ee degan gobalka oo intii mudo ahba ay dhibaato
dhextaalay ee ay maantay nasiib u heleen inay si buuxda u wadahadlaan taas oo
aan filayno inay u horseedi doonto dhamaan dadka gobalka ku dhaqan nabad iyo
wada jir buuxa
waxaan si buuxda u taageersannahay hanaanka ay
wax ku wadaan ugaaska iyo duqayda dhaqanka ee garwadeenka ka ah geedi socodka
nabada waxaan aad urajaynaynaa in ilaa hada cidii aan kusoo biirin shirka ay si
dhamaystiran uga soo qayb gasho shirka siloo helo xal buuxa oo ay gaaran dhamaan
beelaha gobalka wada degan ee walaalaha ah, waxaan wax garad ka oo dhan
xasuusinaynaa inuusan jirin shir kan lamid ah oo gobalka ka dhacay waxii ka
danbeeyay shirkii deegaanka Ceelcade sidaas darteedna ay mudan tahay in laga
faa'iidaysto fursadan qaaliga ah waxaan ugu baaqaynaa cidkasta oo gacan ka
gayssan karta taabagalka shirka nabada ee dagmada Baardheere ka soconaya inaysan
wax ba ka hagran.
ugu danbeyntii waxaan walaalahayo ugu baaqeynaa
in wax walba oo jira lagu dhameeyo wada hadal lagana hortago wax walba oo keeni
kara colaad dib u soo noqota, lana taageero go'aamada ka soo baxa shirkaas
magac-yada sida wajirka ah usoo saaray baaqaan
1-Xassan Hire Guhaad
2-Cabduqaadir Macalin Axmed (Dhagawayne)
3-Cali sheekh Axmed(cali taar)
4-Cabdi Axmed Nuur
5-Dhoombe Cabdi Maxamed
6-Cabdulaahi maxamed Bare(baraawe)
7-Xassan Xalane Xassan
8-Ibraahim Cali Barre (Canjeex)
9-Cabduqaadir Xuseen Kaarshe (sandheere)
10-Guhaad cali mire
11-Abdi Hassan (Xaaji Raytaan)
12-maxamed maxamuud samatar (daadoxo)
13-C/raxmaan Ismail shire(Darabane)
14-Ibraahim xassan Yuusuf (garweyso)
15- C/shakuur Cali Mire (Gaal-eri)
16-Ismaaciil sheekh ibrahim
waxaad kala soo xiriiri kartaan
Abdi Mohamed
liiban73@yahoo.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Agoosto 31, 2002 | SOMALITALK.COM
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|