Somali Banadir Human Rights
Org.
Ujeedo wargilin.
KU: Dr.Ghanim Alnajjar, wakiilka UN. Human Rights For Somalia
OG: mr.Robert Archer, International Human rights
OG: International Criminals Court. The Hegue
OG: Amnesty International
OG: Dhamaan Hayadaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Xuquuqda Aadamiga.
Waxan si'caddaan ah ummadda
Soomaaliyeed iyo ummadaha Caalamka u tusaynaa sida ay uga jirto meelo ka mid ah
Soomaaliya khatar la xiriirta ku xad gudubyada Xuquuqda Aadamiga .waxaa jirta
qaar ka mid ah masuuliinta maamulka Carte ineey hanjabaat iyo caga jukleeyn ku
haayaan odayaasha Dhaqanka ee Beesha Banaadiriga ee aan hubeeysneyn ku sugan
Gobolka Shabeeldda Hoose ee Magaalada Marka. .
Arrimahaas waxay xadgudub ku
yihiin xeerarka caalamiga ah.(human rights abuses)
Tusaale ahaan qodobka 29aad,
qaybtiisa 1aad, 2aad, waxaa ku cad sidatan:
1=.qof kastaa waxaa ka saaran
bulshadiisa waajibaad; Bulshadu waa meesha keliya oo ay Suurtowda in qofku
Shakhsiyaddiisu si madax banaan oo buuxda ay ugu horumarta.
2=Markuu qofku gudanaayo
xuquuqdiisa iyo xurriyaadkiisa waxaa xiraaya oo qura inta uu sharciga ka
reebay,iyadoo ujeedadeedu tahay aqoonsiga iyo dhowritaanka xuquuqda iyo
xurriyaadka dadka kale in la dhowro iyo sidoo kale anshaxa iyo nabadgelyada
kuwada noolaanshaha.
(
Article 29 Part 1 & 2)
(1) Everyone has duties to the community in
which alone the free and full development of his personality is possible.
(2) In the exercise of his rights and
freedoms, everyone shall be subject only to such limitations as are determined
by law solely for the purpose of securing due recognition and respect for the
rights and freedoms of others and of meeting the just requirements of morality,
public order and the general welfare in a democratic society.
waxaa ku xusan Xeerka Caalamiga
ee Qaramada Midoobay (qodobka 21,qeybta 3)in rabitaankood Dadweeynahu yahay
saldhigga awoodda.
Rabitaankaas waxaa lagu
muujinayaa Doorashooyin run ah oo xilliyo cayiman dhacaya, dadkuna ka wada
qeybgalaayaan, waxayna u dhacayaan si xornimo Dimoqraadi ah ku jirto. (
Article 21 Part 3) The will
of the people shall be the basis of the authority of government; this will shall
be expressed in periodic and genuine elections which shall be by universal and
equal suffrage and shall be held by secret vote or by equivalent free voting
procedures.
Fiiro Gaar ah.
(qodobka 30) Baaqa kuma jiraan
wax loo fasiri karo in macnahoodu yahay in Dawlad, koox ama qof xaq u leeyahay
inuu ku kaco fal ama falal loola jeedo in lagu burburiyo xuquuda ama xorriyaadka
lagu qoray Baaqan. Iyadoo helitaanka aragtida mideysan ee la xiriira xuquuqda
iyo xoriyaadkan ay tahay arrin qiimo weyn ku fadhisa si loo fuliyo ballan
qaadka.ee QARAMADDA MIDOWAY .UN.
Haddaba ururka Banadiri human
rights organisation, isagoo ka turjumaaya xuquuqda aadanaha wuxuu ka soo
horjeedaa dhammanba wixii xad gudub ku ah karaamada ,xurriyadda shaqsiga iyo tan
caamka ah ee dadka.
Ururku wuxuu kaloo aad uga xun
yahay masuuliyiinta sida xaq darrada ugu takrifalaaya awoodda dadweeynaha.
Ururku wuxuu taageersan yahay
in bulsho weeynta soomaaliyeed lagu maamulo sinnaan, caddaalad iyo wadajir.
Waxaan ugu dambayn ku baaqaynaa
in la ilaaliyo axdiga qaranka iyo nabad ku wada noolaanshaha beelaha wada deggan.
Waa in laga foojignaado in
dikreeto wax lagu magacaabo, waana in dadweeynaha gobolka shabeellada hoose loo
dhaafo inay si dimuqraaddi ah uga arrinsadaan danaha guud iyo aayahooda.
Wabilaahi Towfiiq
Dr. Cabdulkadir Xaaji Suufi (muriidigulf)
Gu'doomiyaha Hayada Xuquuqda
Aadamiga ee Banadir
E-mailto: muriidigulf@hotmail.com
<><><><><><><>****<><><><><><><>
Somali Banadiri HumanRights
Org. Sidoo kale waxay canbaaraysay koxdii ka danbeysay Afduubkii loo geystay
shaqaalehii UN soomaaliya ee lagu af duubay Mugadisho.
Somali Banadir Human Rights
organization Wuxu Cambaarayneysaa Afduubkii Afraad ee Loo Geysto Xubnaha
Shaqaaleha UN-Ka Sanadkan 2002.
Maxamed Farax Cumar Oo Ka
tirsanaa Shaqaalaha Mashruuc ee Qaramada Midoobay Ayaa Waxa Dabley Hubaysani Ka
Afduubtay Aagga Towfiiq ee Magalada Mogadisho Subaxnimadii Talaadada ee Bishan
Agosto 27dii Isagoo Ku Sii Jeeda Xafiiska Shaqadiisa FAO.
Hadaba kuwa Caadeystay Afduubka,
dilka, dhaca,
kufsiga, boobka,
iwm, waa in ay ka waantoobaan waxyaaba ka baxsan
ku dhaqanka Diinta islaamka iyo dhowrista Xuquuqda Aadamiga. waxaan ka
fileynaa kooxdii ka danbeysay falkaan afduubka ah, in ay ku sii dayaan Maxamed
Farax Cumar, biduun sharuud, sharud laan...
Wabilaahi Towfiiq
Dr. Cabdulkadir Xaaji Suufi (muriidigulf)
Gu'doomiyaha Hayada Xuquuqda
Aadamiga ee Banadir
E-mailto: muriidigulf@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Agoosto 31, 2002 | SOMALITALK.COM
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|