Wada xaajood dhexmaray jaaliyda
Soomaaliyeed Wellington iyo boliiska Newzealand
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27/08/2002 saacaduna tahay 10:30
subaxnimo waqtiga New Zealand kulmay maamulka jaaliyada Soomaaliyeed Wellington
iyo u qaybsanaha amaanka xaafada Newtown Constable Simon King kulanku
wuxuu ka dhacay saldhiga xaafada oo ku yaal Riddiford Street dhanka
soomaalida waxaa ka socday madaxa Jaaliyada soomaaliyeed ee Wellington Maxamuud
C/qaadir Dacar.
Isbarasho iyo isu-xogwaran ka dib waxaa hadlay oo ka warbixiyey howsha
booliiska iyo sida looga baahan yahay maamul wabla oo jaaliyadeed in uu xiriir
joogta ah la yeesho booliiska Constable Simon King, Simon King
waxuu aad u amaanay soomaalida oo uu ku sheegay in ay yihiin dad aan lug ku
yeelan dembiyada waaweyn, intaa dabadeed waxaa hadlay Maxamuud C/qaadir oo
sheegay in booliisku yahay udub-dhexaadka ummad walba "booliishku waa kuwa
marka roobka, dabaysha,qorraxda , habeen iyo maalinba u soo jeeda ilaalinta
nidaamka iyo kala dambaynta ummadeena" , waxaa kaloo Maxamuud C/qaadir
warbixin kooban ka bixiyey taariikhda soomalida iyo markey bilaabeen iney degaan
wadankan New Zealand .
Geba-gebadii kulanka waxay labada dhic isla af-garteen in si xiriir ah loo
wada shaqeeyo hadey ahaan laheyd maamulka jaaliyada ama booliiska (Safer
Community togather ) hadaba qof walba oo Soomaaliyeed oo degan Newtown
iyo agagaarkeeda oo dhibaato la kulma waxa uu la xiriir karaa xafiiska u
qaybsanaha aamaanka (Newtown Comunity Constable)
Taleefoonka xafiiska waa : 389 2330
Maxamuud C/qaadir Dacar waxaa lagala
xiriiri karaa
darman102@hotmail.com
SOMALITALK.COM | August 27, 2002
Warbixin ku saabsan kulankii Soomalida
Wellington iyo qabiilka deegaankan leh July 31, 2002
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|