BIXINTA KAARARKA QAXOOTIGA SOOMAALIYEED
EE SANCA OO LASOO GABA GABEEYAY SHALAY
SANCA, YEMEN - Xafiiska UNHCR ee Sanca ayaa shalay subax [Agoosto 7] soo gaba gabeeyay
Bixinta kaararka aqoonsiga qaxootinimo oo loo qey binayay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada sanca iyo gobolada ku dhaw dhawba. Qeybinta kaararka aqoonsiga qaxootinimo ayaa muddo kabadan laba biloodba
ka socotay sanca ayadoo loo qeybiyay dad soomaaliyeed oo aad u tira badan, taas
oo shalay lagusoo gaba gabeeyay Tiro gaartay 17500 oo kaar oo lasiiyay Dhamaaan qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan Sanca iyo agagaaraheeda. Kaararkaas
ayaa shaqeyndoona muddo kabadan laba sanadood. Dhanka kale waxaa intii ey soctay kaar qeybintu soo baxay Amar kasoo Baxay wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha ee YEMEN oo cadeynaya
In aan la ogoleyn in ey isaga gooshaan ama ey ku dhex safraan una kala Socdaan gobolada yemen dhamaan QAXOOTIGA soomaaliyeed iyo guud Ahaan dadka kasoo bara kacay wadamada GEESKA AFRIKA oodhan. Waraaqdan ama amarkaan oo koobi kamid ah soo gaaray soomalitalk ayaa Waxaa ku qornaa in cidii u baahataa iney gobolada dhexdooda isaga safartaa Ey amar kasoo qaadataan xafiisyada ey khuseeyaan arimahooda.
Abuukar Yaasiin Xaaji
SANCA YEMEN.
abuukarsom@hotmail.com
FAAFIN: August 8, 2002 | SomaliTalk
»» Puntland
warns the Swiss Authorities and banking institutions
BAAQ
NABADEED OO KUJEEDA PUNTLAND
Anagoo ah wax
garadka dhalinyarada iyo aqoonyahanada kasoo jeeda Jaaliyadda Puntland ee ku
nool wadanka dibadiisa gaar ahaan wadamada Africka , waxaan u tacsiyeyneynaa
dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen dhamaan dadkii ku geeri yooday
dagaalkii ka dhacay agagaarka Qardho. GUJI...
Agoosto 6
BAAQ
AY SOO SAAREEN URURKA DHALIN YARADA SOMALI GALBEED EE NORTH AMERICA
waxaa aad iyo aad tiiraanyo naxdin leh u ah in
guud ahaan dadka somalida ahi gaar ahaan SOMALIDA GALBEED ay ku jiraan marxalad
aad u qalafsan habka kali ah ee lagaga bixi karaana tahay isfaaham, midnimo
iyo,is ku duubni isku tashi ummadda somali galbeed GUJI...
Agoosto 6
BAYAAN
KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA 2aad EE DADKA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.
Waxaa bishan Ogoosto 2-4dii 2002, lagu qabtay
magaalada Dan Haag ee dalka Holland shirweynihii 2aad ee dadka Gobolka Jubbada
Hoose. Waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socday Nord Amerika iyo Yurub
iyo dadweyne lagu martiqaaday shirka ee deggan dalka Holland. Shirweynaha waxaa
marti geliyay oo si aad iyo aad ah u soo dhaweeyey ergooyinka Jaalliyadda
Reer-Waamo ee ku nool dalka Holland.
GUJI...
Agoosto 6
Duulaanka,
Dilka, Dulmi jacaylka, Diin Nacayba, Darajaan ku Doon Doonayaa!!!
Duulaanka, Dilka, Dulmi Jacaylka, Dal
La'aanta,Diin Nacaybka iyo Dibin Daabyeynta Sokeeye oo Korneyl Abdullaahi Darajo
iyo Dadnimo ku Doon Doonayo Waxay Ku Danbayn Daah nagama saarnoo waa Duli iyo
Dadnimo xumo tii ugu darajo liitay. Waxaan facilada iyo faah-faahinta
dhaqankiisa inooga filan Qoraalada Saaxiibkay C/waaxid C/laahi Khalaf oo... GUJI...
Agoosto 6
Marxaladdii
Puntland Oo Isbadashay
Galabnimadii Axadda ayuu Madaxwayne C/laahi Yusuf Axmed soo Booqday Isbitalka
wayn ee Magaalada Bosaso, Booqashada C/laahi aya waxay laxarirtay sida ay u
socdan Howlaha cafimad ee daryelka dhawaca Ciidamad Labada dhinac oo si wada jir
ahi lookeenay Isbitalka BOSASO. GUJI...
Agoosto 6
Falal
Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho,
caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo
tacliinta...
hadda waxay noqotay
GUJI...
Agoosto 6
Baaqii
somaali galbeed ooy qoreen dad aan xilkas ahiiyn.
waxaan dhamaan dad waynaha somaaliyeed ushee yeeynaan inuusan dadkii isku
sheegay ineey yihiin somaali galbeed baaquna siwada jir ah loosaa saaray ineeyna
waxba kajirin waayo dadka qoraalkan qoraaya waa masuuliintii somaali gabeed
waxna kama ogin baaqaana waa baaq aan waxba kajirin GUJI...
Agoosto 6
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
Help The Fight Against Spam!
|