SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - UK

Guddoomiyaha Golaha Midnimada Mudulood Dr Abdi Mohamed Ulusso oo shalay ku qaabilay magaalada London Jaaliyadda Beesha Celi Cumar.

Shirkan oo oo ahaa shir weyne Beesha Celi laguna qabtay magaalada London eyna soo qaban qaabiyeen dhalinyarada ku nool London, UK oo uu ugu firfircoonaa Axmed Nunne, eyna ka soo qeyb galeen jaaliyadda beesha ee degan waddanka Ingiriiska. Shirkan oo daba socday shir ey beesha Celi horey loogu qabtay magaalad Katrineholm ee waddanka Sweden taariikhdu markey aheyd 8dii Luulyo 2002, uuna Dr Ulusso ka qeybgalay.

Ujeedadu waxey aheyd in beesha Celi ey si wada jir ah ey uga qeyb qaadan lahaayeen xaaladda siyaasadeed, tan bulsho iyo mid ganacsi ahba, iyo sidii la isugu xiri lahaa dhamaan shaqsiyaadka ku nool dibeddaha iyo gudaha. Waxaa leysla gartay iney lama huraan tahay in ey beeshu ka shaqeyso sidii loo heli lahaa midnimada Mudulood oo fura u ah xal u helidda dhibaatada ka taagan waddanka oo ah nabadgelyo xumo, sidaas daraadeed in lagu dadaalo sugidda nabadgelyada degaanka mudulood iyadoo lala shaqeynayo cid walbo oo nabad daneyneyso.

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA.. 26/8

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay shaqsiyaad aan degeneyn waddanka Ingiriiska oo ey ka mid ahaayeen Eng. Maxamed Celmi Cossoble (Col. Cossoble) oo ka yimid Holland, Dr. Maxamuud Xasan (Dr Ingiriis) UAE, Cabdullahi Axmed Maxamed (Qorey) Norway, Dahir Ibrahim Wasuge Denmark iyo Guddoomiyaha Golaha Midnimada Mudulood Dr Abdi Mohamed Ulusso (Black) Canada. Shirkan waxaa leysla meel dhigay leyskuna afgartay in Guddi maamul lagu dooto, guddoomiyana loo doortay Prof. Abukar Hassan Yare iyo guddigii soo qaban qaabiyey iyagoo xilka sii heyn doonno muddo sanad ah inta shirka kale laga qaban doono.

Shaqsiyaadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Dr Xasan Basey ahna rugcaddaa siyaasi ah oo ku nuuxnuuxsaday in shacabka Soomaaliyeed u baahan yahay Nabad waarta iyo siddii looga saari lahaa dhibaatooyinka jira shaqsi walbana laga rabo dadaalka dhanka uga aadan.

Laxiriir: Abdirahman Omar Osman | yarisow70@hotmail.com

Waraysigii Cali Jarmal - Agoosto 26, 2002 

August 26, 2002 | SOMALITALK.COM


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD