, 2002
Dagaal ayaa ka dhacay Saaka 6:30-kii subaxnimo ee xilliga Muqdisho,
agagaarka warshaddii hore ee caanaha, dagaalka oo la isu adeegsaday hubka
noociisa culus iyo kiisa fududba, ayaa wuxuu u dhexeeyey sida lagu soo
waramayo, ciidamada taageera, guddoomiyaha ururka USC Md. Maxamed Qanyare
Afrax,Sababta dagaalkan dhalisay ayaa lagu soo waramayaa hub la sheegay in
lagala soo fakaday Maxamed Qanyare Afrax.
Dagaalkan wuxuu saaka sababay qasaare doora, waxaana dhimashada lagu
qiyaasay ilaa 3 qof iyo waliba afar dhaawac ah oo waliba u badan dadka
rayidka, hase ahaatee warar dheeraada oo ka soo baxaya dagaalkii saaka dhex
maray taageerayaasha Qanyare ayaa sheegay in dhaawacu intaa ka badan karo.
Iska hor imaadkaas ka dib ayaa lagu soo waramayaa in xasiloonidii ay dib
usoo noqotay ka dib markii ciidamadii Maxamed Qanyare Afrax ee duulaanka soo
qaaday ay iska caabiyeen, dhinacii kale ee saaka la soo weeraray.
Ciidamo ka mid ahaa ciidamada Qanyare oo soo gadooday ayay
ahaayeen kuwa Saaka la soo weraray waxayna qoryo (hub) kala soo fakadeen xeradii
ay ku xeraysnaayeen, taas ayaana keentay in ciidamo kale oo wali daacad u ah
hoggaamiye kooxeedka Qanyare ay soo weerareen ciidankii ka soo gadooday.
Mogadishu Weekly Reporter
A.D.
Mog- Somalia weekly@somalitalk.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara
qoraaga ku saxiixan
FAAFIN: August
, 2002 | SomaliTalk
10,000,000
Sh.So
ayaa La Dhacay, Laba Gabdhoodna waa La Qafaashay Suuqa Dayax
Muqdisho -
Ciidamada booliiska ee DKMG ah, oo ku hubaysan gawaarida gaashaaman ee loo
yaqaano Tiknikada, ayaa xalay iyo saaka la arkayey iyagoo
GUJI...
Agoosto 7
Falal
Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho,
caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo
tacliinta...
hadda waxay noqotay
GUJI...
Agoosto 6
Xasan Abshir oo Ka
Dhoofay Muqdisho
Ra'iisul wasaaraha DKG oo u dhoofay Sucuudiga iyo
Wafdigii Ka Socday IGAD Oo Maanta Gaaray Jawhar GUJI.HALKAN
ama HALKAN
Agoosto 2
Qanyare oo Kahadlay
arimaha Shirka nairobi
"Ma rajaynayo
inay ka soo bixi karaan shirka Nairobi wax Natiijaa." sidaas waxaa yiri...
GUJI
July 31
Xasan Abshir oo Amray in La Joojiyo Dhismayaasha Sharcidarada
ah
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah
ayaa amar ku bixiyey in la is-hortaago dhismayaal si sharci darro ah looga
sameysanayo dhulka uu... GUJI..
July 30
WARARKA SOOMAALIYA
- JULY 28
Dagaal mar kale ka qarxay bartamaha Baydhabo iyo
Cumar Finish oo qabtay Shir Jaraa’id markii u horeysay dagaalada Muqdisho ka dib
GUJI.HALKAN
Warsaxaafadeed: Xoghaynta Mudullood
Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow, guddiga fulinta iyo
xubnaha Golaha midnimada mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo GUJI.HALKA ama halkan July
27
Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii
Dagaalka
Waxaa laguqiyasay in
40 qof ay kudhinteen, 60 kalena kudhaawacmeen dagaalkii Muqdisho
ee.. GUJI..
July 26
Dadka iyo
Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran?
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
Help The Fight Against Spam!