A. D. | weekly@somalitalk.com
Muqdisho,
Soomaaliya
Agoosto 7, 2002
Ciidamada booliiska ee dawladda KMG ah, oo ku hubaysan gawaarida gaashaaman
ee loo yaqaano Tiknikada, ayaa xalay iyo saaka la arkayey iyagoo ku soo
qulqulaya suuqa Dayax oo ku yaala degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, ka
dib markii shalay galabtii ay niman dablay ahi, oo tiradooda lagu qiyaasay
ilaa shan iyo toban, ay shalay dhac u gaysteen suuqa Dayax, waxaa lagu soo
waramayaa inay nimankaas burcadda ahi markii ay soo galeen suuqa dadka
weydiisteen lacag garaysa 4,000,000/Sh,So, iyo afar naagood sida ay
xaqiijiyeen dadkii halkaas ku ganacsanayay.
Ugu danbayntii ayey dablaydii halkaas ka dhaceen lacag ka badan intii ay
dalbadeen markii hore oo dhan 10,000,000 Sh, So, iyo waliba labo gabdhood oo
ay horey u sii kaxaysteen.
Dadka ku ganacsada suuqan Dayax oo aad uga argagaxay dhacdadan yaabka leh,
ayaa qaylo dhaan u dirsaday ciidamada booliiska ee dawladda KMG ah, taas oo
ay ka jawaabeen ciidamada ammaanka ee xukuumadda KMG, oo xalay iyo saakaba
halkaa u dirayey ciidamo suga ammaanka suuqa.
suuqa Dayax; waa suuq ay halkaas ka xaarxaartay dawladda KMG ah, ka dib
markii dad ganacsata ah oo si sharci darro ah ugu gancsan jiray wadooyinka,
ay xukuumaddu ka rartay goobihii hore, ka dib markay u diyaarisay suuqan loo
yaqaan Dayax.
Dawlada hoose ayaa durbadiiba bilawday, inay dadka cashuur ka qaado, taas oo
ka caraysiisay qaar ka mida hogaamiye kooxeedyada ka soo horjeeda dawladda
KMG ah, sida saaka ay shegeen qaar ka mida saraakiisha booliisku waxay
dhacdadii shalay galab ku eedeeyeen inay ka danbeeyaan waxa ay ugu yeereen
mucaaradka ku kacsan dawladda KMG ah.
SHAQAALE KATIRSAN U.N. OO LAGU AFDUUBAY XAMAR
Abdulkadir Mohamed Abikar oo u shaqaynayey hay'adda cuntada u qaabilsan qaramada midoobey ee loo yaqaan FAO
ayaa maalintii Isniintii (Agoosto 5) lagu afduubay magaalada Muqdisho, sidaas waxaa cadeeyey Afhayeen UN-ka uga hadlayey Nairobi
|
Falal Kufsi Iyo Dil
Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii
dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta...
hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
|
Dhinaca kale dadka reer Muqdisho ayaa shalay ilaa maanta waxay si aada uga
sheekaysanayaan dhacdooyinka naxdinta leh ee ku soo kordhay Muqdisho oo ay
ugu danbaysay dhacdadii shalay ee loo gaystay gabadhii yarta ahayd, oo inta
la fara xumeeyey ka dibna la dilay.
Sidoo kale waxay dadku si aada u hadal hayaan dhacdadii shalay ka dhacday
suuqa Dayax oo burcaddu ay ku qafaalatay labo gabdhood iyado taasi aysan
ahayn wax looga bartay burcaddu inay falkan oo kale ku kacaan.
“Waa arimo siyaasadeed, rag dagaal oogayaal ah, ayaa doonaya inay ku gaaraan
darajo iyo jago siyaasadeed dibindaabyada ay ku hayaan dadka Masaakiinta ah”
Sidaana waxaa tiri Ayaan Daahir oo ka mida dadka dan yarta ah ee ku gancsada
suuqa Dayax.
Xaaladda Baydhabo Oo Aad U Kacsan Maanta
Magaaladda Baydhabo oo todobaadyadii tagay uu dagaal kululi ku
dhex maray ciidamada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.
Shaati Guduud, iyo ciidamada ka soo horjeeda ee daacada u ah, Md. Shiikh
Aadan Madoobe iyo Md. Xaabsade, oo horey u ahaan jiray ku xigeenadii Shaati
Guduud ee ururka RRA.
[Warkii
hore ee Baydhabo]
Md. Shiikh
Aadan Madoobe iyo Md. Xaabsade oo looga saaray magalada Baydhabo dagaalkii ay la galeen Ciidamada Shaati Guduud
, ayaa hadda lagu soo waramayaa
in dadka reer Baydhabo ay beryahan danbe cabsi ku jiraan ka dib markii ay
soo baxeen warar sheegaya in labadii nin e horery looga saaray magaalada ay
imminka mar kale doonayaan inay dib dagaal ugu soo qaadaan magaalada
Baydhabo, wararka laga helayo dadka ku sugan deegaanada Bay iyo Bakool ayaa
sheegaya inay jiraan saanad Milatari oo Shiikh Aadan Madoobe iyo Xaabsade ay
ka heleen dawladda dalka Itoobiya.
Dhinaca kale Cali Marguus oo horey uga mid ahaa raga dhexdhexaadinta ka
waday dhinacyadii Baydhabo isku hayey intii uusan dhicin dagaalkan u
danbeeyey ee looga taagta roonaaday kuwii Shiikh Aadan Madoobe iyo Xaabsade,
ayaa hadda lagu soo waramayaa inuu Diinsoor ka wado shirar gaar gaar ah oo
uu la leyahay beelaha halkaa dega isaga iyo qalinle oo ahaa guddoomiyihii
gobolka Bay. Shaati Guduud ayaa ku eedeeyey Cali Marguus inusan markii
horeba dhexdhexaad ka ahayn arimaha labada dhinac uuna ahaa nin is
magacaabay, halka uu sheegay in Qalinlana uu yahay nin raacay qoladii
carartay, “Waxaa anaga noogu danbaysay isagoo guddoomiyihii gobolka Bay ah,
ka dibna waxaannu ka war helnay inuu raacay qoladii mucaaradka” hadalkanna
waxaa yiri Shaati Guduud oo ku celceliyey, inuu aad uga xunyahay dagaalkan
dhexmaraya dadka walaalaha ah oo shalay isgarab taagnaa, halganna u soo
galay goboladan Bay iyo Bakool, waa siduu hadalka u dhigaye.
Mogadishu Weekly Reporter
A.D.
Mog- Somalia weekly@somalitalk.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara
qoraaga ku saxiixan
FAAFIN: August 6, 2002 | SomaliTalk
Ciidanka
ShaatiGuduud
oo si Buuxda ula Wareegey
Magaalada Baydhabo
Ciidamada daacadda u ah Col.
Maxamed Nuur Shati Guduud ayaa
si buxda ula wareegey magaalada.. GUJI.HALKAN
ama HALKAN
Agoosto 2
Xasan Abshir oo Ka
Dhoofay Muqdisho
Ra'iisul wasaaraha DKG oo u dhoofay Sucuudiga iyo
Wafdigii Ka Socday IGAD Oo Maanta Gaaray Jawhar GUJI.HALKAN
ama HALKAN
Agoosto 2
Qanyare oo Kahadlay
arimaha Shirka nairobi
"Ma rajaynayo
inay ka soo bixi karaan shirka Nairobi wax Natiijaa." sidaas waxaa yiri...
GUJI
July 31
Xasan Abshir oo Amray in La Joojiyo Dhismayaasha Sharcidarada
ah
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah
ayaa amar ku bixiyey in la is-hortaago dhismayaal si sharci darro ah looga
sameysanayo dhulka uu... GUJI..
July 30
WARARKA SOOMAALIYA
- JULY 28
Dagaal mar kale ka qarxay bartamaha Baydhabo iyo
Cumar Finish oo qabtay Shir Jaraa’id markii u horeysay dagaalada Muqdisho ka dib
GUJI.HALKAN
Warsaxaafadeed: Xoghaynta Mudullood
Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow, guddiga fulinta iyo
xubnaha Golaha midnimada mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo GUJI.HALKA ama halkan July
27
Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii
Dagaalka
Waxaa laguqiyasay in
40 qof ay kudhinteen, 60 kalena kudhaawacmeen dagaalkii Muqdisho
ee.. GUJI..
July 26
Dadka iyo
Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran?
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
Help The Fight Against Spam!