Diyaaradaha Itoobiya oo Joojinaya Duulimaad
yadoodii Israel
Sida ay ku sheegtay qoraal ay si rasmi ahaan ah usoo saartay shirkada
diyaaradaha ee dalka Itoobiya waxay ay laashay dhamaan duulimadyadii ay ku tagi
jirtay Talaabiib laga bilaaba maalinta barri ah.
Go'aankaas waxa uu ka dhashay
kadib markii ay shirkadu ka xumaatay sida loola dhaqmay dulimadkii maalintii
axadda ahayd oo rixladii ku socotay Talaabiib loo jeediyey Koonfurta Israa'iil
oo ah garoon Ciidan, halkaasoo lagu sameeyey baaritaan dhamaan diyaarada.
Shirkada diyaaradaha Itoobiya waxa ay sheegtay socdaalkaas oo ahaa mid ganacsi
in shirkadu ay kala kulantay khasaare badan, ayna u adkeysan karin in baaritaan
lagu sameeyo shaqaalaha diyaarada iyo rakaabkaba.
Israa'iliyiintuna waxay ay gudoonsadeen in baaritaan lagu sameeyo dhamaan
diyaaradaha soo galaya dalkooda, go'aankaas oo ka dhashay Qaraxii
Mombasa kadib,
qaraxaas oo sababay dhimashada 16qof.
warkan waxaan kasoo xiganay: http://aljazeera.net/news/africa/2002/12/12-4-1.htm
waxaa soo turjumay
Fahad Yaasiin xaaji Daahir
editor@somalitalk.com
<><><> Madaxweynaha
Maraykanka oo Khamiista La Kulmaya Madaxweynaha Kenya iyo Ra'iisul Wasaaraha
Itoobiya Madaxweynaha
Jabuuti Kulankaas wuu ka baaqday Ciida awgeed Madaxweynaha
dalka Maraykanka, George W. Bush, waxa uu maalinta Khamiista la kulmi doonaa
madaxweynaha dalka Kenya Daniel Arap Moi iyo ra'iisul wasaaraha Ethiopia
Meles Zenawi. Ajandaha
wadahalka ayaa lagu soo waramay in ay ugu horeeyaan la dagaalanka
argagixisada iyo sidii maraykanku u fidin lahaa ka qayb qaadashada xagga
militeriga ee gobolka, tan oo ka dambeysey weerarkii gantaalada ee dhowaanta
lala beegsaday diyaaradii ka duuleysey Mombasa, Kenya. Madaxweynaha
Djibouti, Ismael Omar Guelleh, waa lagu casumey kulankaas in uu kala qayb
qaato Moi iyo Zenawi oo guriga cad kula kulmaya Bush, laakiin Guelleh
waa ka baaqday sabatoo ah waxa uu sheegay in ay ka dhigi lahayd in uu
wadanka dibada kaga maq naan lahaa xiliga ciida oo mid ka mida maalmaha ugu
qadarinta mudan diinta Islaamka. Isha:
http://www.upi.com/view.cfm?StoryID=20021202-052254-9605r iyo
http://allafrica.com/stories/200212030129.html <><><> Qaramada
Midoobey oo Sheegtay in 41 Qaxooti Suudaan ah Lagu Diley Itoobiya:Sida
ay werisey hay'adda wararka ee Reuters, waxaa xero qaxooti oo kutaal dalka
itoobiya lagu diley 41 qaxooti u dhashay dalka Suudaan. Dilkan oo dhacay
talaadadii iyo arbacadii waxaa lagu soo waramay in uu ka dhashay iska hor
imaad ku salaysan xagga qabiilka kooxo iska soo horjeeda. Iska
hor imaadkaasi wuxuu ka dhacay xerada qaxootiga ee Fugnido oo u dhow
magaalada Gameila oo kutaal galbeedka fog ee Ethiopia, xeradaas waxaa kujira
ilaa 28,700 qaxooti ah. Sida uu sheegay
afhayeen u hadlayey hay'adda qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga (UNHCR)
waxa uu sheegay in iska hor imaadkaasi uu galaaftay 41 qof, taas oo
arbacadii hal weerar lagu diley 33 qof, inta kalena iska hor imaadyo kala
duwan. Waxaa warku intaas ku daray in qayb
qaxootiga ka mid ah ay kooxa iska is hor yimid ku xiriiriyeen SPLA (oo ka
dagaalama Suudaan). Isha Warka: http://www.alertnet.org/thenews/newsdesk/L03252648 Tarjumadii
Maxamed Cali (SomaliTalk editor-in-Chief)
<><><>
Hotel
lagu Qarxiyey Mombasa iyo Diyaarad Gantaal lagaga Gamey Mombasa
Hotelka iyo diyaaradaba waxaa leh Israel,
diyaaradu wey ka badbaadey gantaalkaas, hotelka waxaa ku dhintay 11qof
kaddib markii gaari ay saaraayeen sadex.. GUJI...
Yemen
& Itoobiya oo kashaynaya Nabada
Soomaaliya: waa sida ay ku tibaaxeen
war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen, kaddib kulan ay yeesheen...
GUJI.. 27/11
Faaladii
Xagar Yare ee Toddobaadka:
C/qaasim laftiisu miyaanu kamid ahayn dadka colaada wax ka qaboojin-tiisa
looga fadhiyo, sidaas waxaa iswaydiinaya GUJI
"Markaan
Tagay Madaxtooyada C/Qaasim"
Faallo dheer oo Fahad Yaasiin ka qoray
booqashadii uu dhowaan kutegey Muqdisho GUJI...
/11com
|