Ø Abaaro Ba,an oo ku habsatay Gobolada
Ogaadeenya.
Wariyaha Raadiyoo Xoriyo ee ku Sugan
Gobolka Qoraxay ayaa noo soo tabiyay Abaaro ba,an oo ku habsaday guud ahaan
Gobolada iyo dagmooyinka Ogaadeenya. Iyada oo la joogo Xiligoo la helijiray
Roobka Gu,ga ayaa ilaa iyo hada la, layahay wax roob ah, taas oo keentay
Biyo la,aan iyo Daaqii oo ka dhamaaday dhulkii ay Xooluhu ku noolan jireen.
Xaaladan Abaareed ayaa waxay dhalisay in dhimasho ku timid Adigii, Lodii,
Geelii iyo Xawayaankii Duur joogtaba. Ilaa iyo hada ma jirto wax Dawlad ama
Hay,ada Samafal ah oo gacan ka gaystay Abaartaas ku habsatay Shacbiga Reer
Ogaadenya.
Dhinaca kale Xukuumada Itoobiya ee ku
dhisan Dulmiga ayaa waxay Abaartaas uga faa,iidaysanaysaa hab siyaasadeed oo
ay ku dabar gooyso Shacabka ay gumaysato ee Soomaalida Ogaadeenya iyo
Duunyadiisaba.
11 Bishan aynu ku jiro ee April waxay
Ciidamada Itoobiya ka xidheen Dadkii iyo Duunyadiiba Ceelka Galadiiid oo uu
saaranyahay Matoor Biyaha soo tuura. Ceelkaas oo ay Maalin walba ka cabaan
Xoolo lagu qiyaasay ilaa 50 Kun oo Neef iyo dad aad u fara badan ayay
Ciidamada Itoobiya si ula kac ah Ooda Afka uga Saareen, halkaasna waxaa ku
dhintay xoolo aad u badan oo isugu jira Adhi, Lo, iyo Geel.
Markay ka hadleen dadwaynaha halkaas ku
sugan Sababta Ceelka looga xidhay iyo baahida ay biyaha u qabaan waxaa loogu
jawaabay in lagu guro Xabsiyo ay halkaas ka samaysteen Ciidamada Naloldiidka
Itoobiya. Dadkaas Xabsiyada lagu guray oo u badnaa Odoyaashii iyo
waxgaradkii deegaankaas waxaa ka mid ah kuwan.
1- Yuusuf Xareed.
2- Cabdi Qani Xassan.
3- Cabdi Nuur Barre.
4- Nuur Cabdi Qani.
5- Cabdulaahi Xassan Cumar.
6- Cabdulaahi Cabdi Xassan.
7- Waahire Yuusuf Xareed.
8- Abaadir Cabdi weli.
9- Sheekh Mohamed Sahal.
10- Cabdulaahi Darwiish.
11- Xumad Siraad Gurey.
12- Qun-usoco.
13- Dahir Mohamed Nuur.
14- Hurle kidaar Hurre.
15- Carab sh. Cabdi.
16- Cankuule Shukri.
17- Hindo Xassa Ahmed iyo laba caruur ah oo yar yar oy dhashay.
18- Shamso Xassan Khaliif, oo isla sanadkan markii sadexaad la xidhay,
markastana lagu ganaaxay 1000/Bir.
19- Mihiib Danab Xassan.
20- Hibaaq Cabdi Daahir.
21- Xamdi Cali Dhagey.
22- Faatumo Ahmed Ciilmooge.
23- Fatxa Dayib Cabdi.
24- Saynabo Deeq.iyo kuwo kale oo badan.
Sidoo kale waxaa Magalada Garbo lagu xidh xidhay Dadwayne kor u dhaafay 100
Ruux oo aanu dib ka soo faah faahin doono.
Ø Ethiopia oo lagu eedeeyay in mamul
xumo ay ku habsatay.
Nin ka tirsan Congreska Maraykanka oo soo
booqday wadamo badan oo ka tirsan qaarada Afrika ayaa waxuu sheegay in aad
iyo aad uu oga argagaxay Abaaraha ku habsaday Afrika gaar ahaan Itoobiya.
Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Martinery Huge waxaa uu u sheegay gudiga
xidhiidhka Caalamiga ah in ayna aheeyn Abaaraha soo noqnoqanaya ee Itoobiya
ka dhaca kuwo ay dabeecadu keentay, balse waxuu ku tilmaamay mid ay keentay
Maamulxumo gaar ahaan siyaasada ku adan dhaqaalaha. Mudanahaas waxuu shaaca
ka qaaday in Cunaqabateen lagu hayo wax soo saarka iyo Ganacsiga, waliba
Itoobiya waxay Abaaraha ka dhigatay Mashruuc siyaasadeed oo ay ku wax
yeeleeyso Shacbiga Itoobiya ayuu yidhi, waxuuna Xukuumada Itoobiya ku
tilmaamay wadanka Maamul ahaan ugu liita Qaarada Afrika.
Ø Seyoum oo laga yaabo in wasiirnimadii
laga qaadayo.
Warar aanu ka helay Ilo xogogaal ah ayaa
sheegaya in kaligii taliye Melis Zenawi uu Wasaarada Arimaha dibada si
dadban ugu magacaabay Dr Kinfe Abraham. Ninkan oo horay u ahaan jiray
lataliyaha Wasiirka arimaha Dibada Seyoum Mesfin ayuu Zenaawi ku amray in la
siiyo Riboodka wasaarada Arimaha dibada. Amarkan uu Zenaawi bixiyay ayaa
waxay u cuntami ladahay Wasiirka Arimaha Dibada Sayoum Mesfin. Dadka la
taliya Sayoum ayaa waxay u soo jeediyeen in uu is Casilo maadaama Xilkii si
dadban looga qaaday, balse dadka sida fiican u yaqaana ayaa sheegaya in
uusan is casili doonin oo uu iska fadhiyi ilaa iyo inta si dhab ah Xilka
looga qaadayo. Dr Kinfe oo lagu magacaabo Gacanta aan la,arag ee Melis ayaa
la filayaa in uu si buuxda ula wareegi doono wasaarada Arimaha dibada. Dadka
u kuur gala siyaasada Xukuumada Itoobiya ayaa khilaafkan cusub ee ka dhex
abuurmay TPLFta u arka mi aan xal yeelan doonin.
Ø Gudiga Jamciyada Quruumaha ka
dhaxaysa ay u xil saartay Xadka Itoobiya iyo Eritrea oo ku adkaystay
Go,aankiisii.
Gudida xallinta khilaafka soohdinta ee
Eritereya iyo Itoobiya u dhexeeya, oo fadhigiisu yahay Magaalada Hague, ayaa
soo saaray warbixin 11 bog ka kooban, tasoo ay ku caddeeyeen in Magaalada
Badame ay tahay magaalo ku taalla dhulka Eritereya. Ilaa iyo kowdii April
ayay madax ku-sheegta EPRDF ku shirayeen xafiiska Ra’iisul wasaaraha,
waxayna ka wada-hadlayeen waxa ay ka yeelayaan go’aankaas uu guddidu
soohdintu soo saaray. Laakiin dadka arintaas u dhuun duleela waxay
sheegayaan inuu khilaaf aad u wayni ka dhex taagan yahay kaligii taliye
Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa arimaha dibada, oo ka mid ah dadka ay iska
hayeen masuuliyiintii tigreega ahayd, ka dib markii khilaafka xun ka dhex
oogmay ururka TPLF.
Keligii taliye Meles ayaa Syoum ku amray
markuu soo baxay Go,aankii Gudiga Soohdinta inuu qabto Shir jaraa’id oo uu
ku canbaaraynayo bayaankii 1aad ee gudidu soohdintu soo saartay inta ayna
bayaanka 2aad soo saarin, laakiin Syoum ayaa amarkaas diiday, wuxuuna soo
jeediyay in isga iyo Meles ay shirka jara’id wada-qabtaan. Intaas ka dib
Meles ayaa wasiirkiisa arrimaha dibada Syoum Mesfen ku eedeeyay inuu galay
khaladaad waawayn, hase yeeshee Syoum ayaa arrintaas hadallo qal-qallafsan
kaga jawaabay, si uu eedayntaas isaga difaaco. Afar xubnood oo ka tirsan G/dhexe
ee TPLFta oo madax ka ah maamulka goblaka Tigreega ayaa sheegay inaysan
aqbalayn go’aanka uu guddiga soohdintu soo saaray. Go’aanka ka soo baxay
guddiga soohdinta Itoobiya iyo Erietereya ayaa laga yaabaa inuu khatar hor
leh ku keeno jabhadda TPLF, oo la filayo inuu ka dhex oogmo khilaaf ay mar
kale ku kala jajabto.
Ø Jabhadda Xoraynta Oromiya oo jab
gaadhsiisay ciidamada Itoobiya
Weerar ay toddobaadkii hore Jabhadda
Xoraynta Oromiya (OLF) ku qaaday ciidanka gumaysiga Itoobiya ee ku sugan
koonfurta dhulka Oromiya ayaa waxay Ciidamada Itoobiya kaga dishay 4 Askari,
waxay kaloo ku dhaawacday 2 Askari oo kale.
Isla Todobaadkii hore Jabhadda OLF ayaa
weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidanka woyanaha ee ku sugan agagaarka degmada
Benbisa, halkaasoo ay kaga dishay woyanaha 6 Askari iyada oo Hub iyo Rasaas
kala duwana gacanta kaga dhigtay.
15.04.2003
Hibaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|